Cige iyo Caraale: Saadka iyo saqaqada

Cige: ( Cige oo dhoolo cadaynaya)
Caraale: Maasha Allah maanta aad baad u faraxsantahy.
Cige:Waxa iga yaabiyey ayaa maskaxdayda ku soo dhacay
Caraale: oo waa maxay
Cige: waar ninyahow dadkii wuxuu u batay in aanu lacag kaash ahba qaadan
markaa anigu waxaan ogaa masaakinta dariiqyada fadhiya iyo kuwa meheradaha
is hortaaga oo sadaqad ” Kaash ” ah la siiyo.
Caraale: Imika hadaan kaashba jirin sidee sadaqad loo bixinaya
Cige: Waxay noqonaysa in miskiin waliba mobile qaato oo saadka loogu shubo.
Caraale: kaan haysana.
Cige: dee Talesom iyo Somtel ha is hortaagan.
Caraale:waxaan moodaaye in Saadku sixir bararka oo keliya ka masuul yahay
ee sadaqadana way saamaysay.
Cige: Waar hada waxaan meel ka akhriyaaye,in wadamada hore u maray qaarkood
lacagtii kaashka ahydba iskaba dhaafeen. waar ninyahow waxaan garan waaye
wuxuu sicir barar uga dhici waaye wadamadaa
Caraale:: waxay ku leeyihiin mushkiladu waa Saadka iyo E dahabka Dolarka
lagu isticmaalayo, Somaliland Shiling kii mee?
Cige:waar waxa aduunyada ka dhacayaba kama war haysid
Caraale; oo hee
Cige; Waar waxynu u haysanay in wadan hadaanu lahayn lacag u gaar ah
in aanu dawladba ahayn.
Caraale: Dee waa caynkaas, ma waxaad argtay wadan aan lahayn lacag u gaar ah.
Cige: Haa wadamo Dolar ka lacag ka dhigtay, waxa jira Zimbaawi lacagteeda waxaa
ugu dambaysay 2009 waxay si rasmi ah u isticmaasha lacagta wadamada 8 dal.
dalal badan oo Yurub ah iyo wadamo afrikaan ahina waxay isticmaalaana EURO ga.
Caraale:markaa waxaad leedahay kolba sidii loo jabo ayaa loo dhutiya.
Cige: la jiifiyaana banana dawaladihii muctarafkaa ahaaba danaystay maxaa inaga
ictiraaf la’aan iyo sicir barar isu keen raaciye.
Caraale: oo maxaynu isticmaalna.
Cige : dee horta marka hore wufuud u diro ,wadamo ku yaala laatin America ,
iyo wadamada Francphone ka ee Africa oo aan lacagtooda isticmaalin.
oo khibrad kazoo korodhso.
Caraale:Markaana
Cige : Dolar ama Bir ama Faranka Jabuuti ama seddexdaba isticmaal, wadan muctaraf ah
ayaa sideed lacagayow isticmaala.
Caraale: oo miyaanay qarannimadeeda wax u dhimayn
Cige: waar waxaanu ku nidhi wadamo muctaraf ah ayaa sidaa dan mooday, waa maslaxad
Caraale: ( Caraale ku heesay ) ” Dabar iyo hogaaniyo dani seeta weeye Iga duule xoolihii (Sicir barar
si kale aha ayaa qabsaday) adna kaama daahnee, dib inaan u dhoofaan taladii
ku daystee aan kula dardaarmee rugta sii dareelo”
Cige: Markaa waa saadka iyo Edahab sidoodii ha u socdaan Dolar na
ama lacag adag oo kale xataa Giniga Ingriiska aan isticmaalno, Scotland barigii dhawayd
ee ay aftida laga qaady waxay go’aansatay hadii ay dawlad noqoto in ay isticmaasho
Giniga Istarliiniga ah.
Caraale:taa isla garanee waxaad iiga waranta saldhiga imaaraaka ina waydiistay ka tali.
Cige: Somalidu waxay tidhaa ama buur ahow ama buur ku tiirsanow, Muran kama taagna in
itoobiya tahay saaxiibka koobaad ee Somaliland leedahay, amuuraha sidaa u weyn
waxaa haboon in aynu kawada tashano
waxaa dhici karta hadii aanay raali ka ahyn oo aad Imaaraadka siiso in dabaylo kugu
kiciso ama si dadbadan kuu qabsato iyada oo cadowgaaga kaalmaynaysa.
markaa
1. hadii aye Itoobiya raali ka tahay yaan loo laba lugoodinin ee Imaaradka ha la siiyo
saldhiga.
2. hadaanay Itoobiya raali ka ahyn meeshaa dhibaato kale ayaa inagaga iman karta
itoobiya, Imaaraadkuna waxba inaga celin karimaayo markaa yaan la siinin.
3, haddii Imaaraadku ina ictiraafayo ka hor inta aan loo ogolaan saldhiga,
ha la siiyo imaardkaa saldhigaas ,saaxiibtinimada Itoobiyana waynu sii xoojinyana
Caraale: Waa ba caynka welibaa Imaaraadku waa inuu wadamo kalana in xodxodaa
waar waad asiibtay , waaba sedexdaa qodob,waxaad ka waranta hadii dawladu
saldhiga siiso Imaaraadka Itoobiya oo aan raali ka ahayn ,imaaraadkuna ina ictiraafiwaayo
Cige: Somalidu waxay tidha nin hungry kaa qaady waa nin seefi kaa qaaday ,hadii dawladu
laaluush qaadato baarlamaanku ha joojiyo ,hadii baarlamaankuna joojinwaayo
markaa xisbiyada Mucaaridka ihi Itoobiya wafdi ha u diraan ay leeyihiin na sug inta
doorashadu dhacayso. anagaaa qaladkaa saxayne e.
Caraale; Imikaad hadaba kharibantay ,waxaad ka dhigaysa in xisbiga kulmiye khaain wadan yahay
Cige: anigu dawalada ayaan idhi ee Kulmiye haduu doonayo mucaaradka Itoobiya ha u raaco
oo ha iska fogeeyo xaqul qalamka la sheegayo.

Mohamed Ali

Advertisement

Ku Xayeysiiso