Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay codsanaysaa in laga la noqdo eedaha booliisku ku haysto Guuleed Axmed Jaamac

Booliiska Somaliland ayaa maanta waraysi la yeeshay gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Guuleed Axmed Jaamac, oo ay maxkamaddu ugu yeedhay si uu uga jawaabo su’aalo kadib markii booliisku soo xareeyey dacwad ciqaab ah oo ka dhan Guuleed oo lagu haysto codsiyo (petition) lagu dalbanayo in dib-u-habayn lagu sameeyo booliiska.

Guuleed wuxuu Sabtidii siiyay waraysi wargeyska Sahan si uu ugu sharraxo codsigu wuxuu ku saabsan yahay. Tafatiraha wargeyska ayaa sidoo kale loo yeedhay.

Codsiga lagu haysto Guuleed ayaa ahaa mid lagu dalbaday “in dib-u-habayn (reform) lagu sameeyo booliiska Somaliland; in dacwadaha ka dhanka ah Booliiska ay qaadi karaan maxkamadaha caadiga ah ee dalka (civilian courts); in la abuuro qaab iyo xeerar lagula xisaabtamo Booliiska hadii uu gef sharci galo; iy in qaab dhismeedka Booliiska wax laga bedelo si uu u noqdo mid la jaan qaadi kara dastuurka JSL si loo dabar gooyo dhaqamadii laga dhaxlay dawladdii ciidanka ahayd ee Siyaad Barre”. Ilaa hada boqolaal qof ayaa saxeexay codsiga.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka codsnaysaa dawladda Somaliland inay ka noqoto eedaha ay ku soo oogtay Guuleed Axmed Jaamac.

 

Ahmed Hussein Abdi

Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeisa Somaliland

Email: media@hrcsomaliland.org or chair@hrcsomaliland.org

 

 

Human Rights Centre calls on the government to drop the charges against Guleid Ahmed Jama

The Somaliland Police interrogated Guleid Ahmed Jama, a lawyer and the chairperson of Human Rights Centre, today, after he was summoned by the court to answer questions from the Police who filed a criminal against him for a recent petition hosted by Human Rights Centre calling on a police reform.

On Saturday, Guleid gave an interview to Sahan newspaper to explain the petition. The newspaper editor-in-chief was also questioned by the Police.

The petition in question asks the “President to reform the Police of Somaliland; to subject the police to the jurisdiction of the civilian courts; to pass laws and procedures making the Police accountable; and to reform the organization of the Police and restructure it to make it compatible with the Constitution of Somaliland in order to eradicate the Police practices inherited from the military government of Siad Barre”. So far hundreds of people signed the petition.

Human Rights Centre calls on the government to immediately drop the charges against Guleid.

 

Ahmed Hussein Abdi

The Spokesperson of Human Rights Centre

Hargeisa Somaliland

Email: media@hrcsomaliland.org

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso