Asal-ma-doorsheyaal (0+0=0)

Dowlad wanaagsan oo badhaadhe lagu gaadhaa waxa ay ahayd, illaa iyo maantana ay tahay riyada dad badan maskaxdooda ka dhex guuxaysa, in badanna loo soo maray halganno shacbi oo aad u qadhaadhaa, wejiyo kala duwanna lahaa, kuwaasi oo soo taxnaa tan iyo markii ay gumeystaashu dalka gacanta ku dhigeen dhammaadkii qarnigii 19aad. Inkasta oo aanu hayaankii weli dhammaan, farina ka qodnayn, haddana ma muuqdaan wax astaamo ah oo muujin kara in ay dowladdaasi dhalan doonto mustaqbalka dhow, maadaama oo cidda ay Xisbiyadu uurka ku sitaan ee la filayo in ay xukuumadaha soo socda caynaanka u qaban doonaan laga dheregsan yahay, saadaashuna u badan tahay in aanay wax weyni iska beddali doonin xaaladda maanta lagu jiro (ta Ilaahay kuma darin). Haddaba maxaa khaldan? Maxaa sababaya in aynu mar walba cagta saarno dariiq qalloocan oo aan lagu gaadhi karin dowladnimadaas, weliba innaga oo kas iyo maan waddadaas u qaadayna ee aanay kama’ ahayn? Isa seegga iyo kala duwanaanshaha ficilkeenna iyo hadalkeenna maxaa keenay?

Baahida iyo rabitaanku qofka iyaga ayaa hogaamiya, balse qofku haddii aanu garanaynba in ay ku bannaan tahay kaalin weyn iyo dowlad leh sumcad dowladeed, marnaba macquul ma’aha in lagu dhex arko geeddiga iyo baadi-doonka loogu jiro raadinta dowladnimaas, iskaba dhaafoo isaga ayaa carqaladda koowaad ku ahba helitaankeega. Inkasta oo marka aynu hadlayno aynu isku raacno xumaha iyo tayo-la’aanta dowladnimo ee aynu ku sugan nahay, haddana taas waxa mar walba buriya dhaqankeenna, waayo waxa aynu ku dhaqannaa sifo kasta oo liddi ku ah dowladnimadaas aynu raadinayno, waxa muhiimka ahina waa ficilka ee hadalka ma’aha! Mar hadduu ficilkeennu liddi ku yahay dowladnimadaasna, hadalku waa bar-kuma-taal aan waxba laga soo qaadayn. Waxaa jira farqi u dhexeeya “Dowlad” iyo “Xukuumad”, sida ay dadka badankiisu la socdaanna, Xukuumaddu marba waa inta xilka haysa ee hogaanka ah, balse Dowladdu waxa ay noqonaysaa isku geynta dalka, dadka, xukuumadda iyo gebi ahaanba waxa ku dhex nool xuduudaha cayiman ee uu dalkaasi leeyahay. Haddaba dhaliisha jirta ee dowladnimo xumaanta ah, guud ahaan shacabka iyo xukuumadduba waa ay wadaagaan, mana jiro hal qof oo ka baxsan kara in uu qayb ku leeyahay aafada dowlad xumida ah ee innagu habsatay. Waxa caado inoo noqotay in aynu khaladkeenna feegarno, meerto-nololeedkeennuna ay u dhaxayso caaddifad madaxda lagu doorto iyo calaacal ku xiga, balse marnaba ma aynu suurayn in waxa aynu ka cabanaynaa uu yahay ficilkeenna, waayo isaga ayaa soo saaray garaad-laaweyaasha dalka hogaamiya, si kasta oo ay u dhaqmaanna innaga ayaa ku doorannay, haddaba haddii aynu ka waantoobi weyno hannaankaas booshaaqan ee aynu wax u dooranno, waxa fiican in aynu adkaysi u yeelanno wax kasta oo ay innagu dhaqaan maadaama oo aynu ugu talo-galnay sidaas.

Marka aan u soo noqdo Xisbiyada maanta jira, cidna kama dahsoona in ay ku socdaan wadiiqadii ma-dhalayska ahayd ee aynu in badan oo badan ku soo lug-go’nay, haddana raalli ayeynu kaga nahay oo waa aynu ugu sacabbo tumaynaa, mushxarad iyo durbaannana waynu la garab yaacaynaa wakhtigii is keenaba. Kama muuqato, mana laha, haybaddii iyo tayadii lagu xulan lahaa hogaamiye qaran, mana hayaan qorsheyaal cilmiyeysan oo dalkan loogu hogaamin karo waxa uu hiigsanayo, kaliya doodahooga caatada ahi waxa ay ku kooban yihiin in ay tahay “Markii Reer Hebel” ay dalka xukumi lahaayeen, taasi oo ciddii garaad leh si fiican ugu muujinaysa fahamka dowladnimo halka ay ka taagan yihiin. Sida caadiga iska noqotay, Siyaasaddeennu waxa ay ku dhex wareegtaa nin tooxsi, danaysi iyo iska daba-wareeg, weligeedna lagama soo hoyn guul loo riyaaqay oo mar uun la mahadiyey, qarannimadiina waxa loo sadqeeyey dan shakhsi iyo dan qabiil, waxaanay taasi ceeryaamo ku dabooshay dantii bulshada iyo doonisteedii, ta aynu maanta durbaanka u tumaynaana, xaqiiqatan waa taas oo mutuxan! Magaca ciwaanka sare ee ah “Asal-ma-doorsheyaal” waxa aan ugu talo-galay si aan u muujiyo madhnaanta iyo tayo-la’aanta Xisbiyada aynu la kala safan nahay ee ay kooxiba saf ka soo jeeddo (haddii aad maadadii Xisaabta dib ugu noqoto, isku geynta Asal-ma-doorsheheegu waxa uu ahaa “ebar”). Waxaana nimco ah haddii ay noqdaan Asal-ma-doorsheyaal oo aanay dalkaba hoos uga sii ridin halkii uu joogay (minus), yacnii uga sii darin! Abwaan Axmed Aw-Geeddi ayaa maansadiisa “Garbo-diir” ee soo baxday 17.Jan.2014-kii, ku yidhi:

Dantu waxay u baahnayd

Duca-qabe la mahadshiyo

Oday beelo-daaje ah

Iyo hanad ma-daale ah

Dantu waxay u baahnayd

Door iyo wax-garad haga

Hayin biyo ma-daadshe ah

Marna geesi daafaca!

Haddaba, dhaqanka bulshadu waxa uu jaan-goyn u yahay dhismaha iyo muuqaalka ay yeelanayso bulshadaasi, waxaana uu xidhiidh la leeyahay hadba halka ay bulshadaasi nolosha ka joogto iyo heerka ay horumar ka taagan tahay. Dhaqan kasta oo aan tayo lahayni waxa uu liddi ku yahay hiigsiga ay bulshadaasi leedahay, waana dabinka mar walba carqaladaynaya wax kasta oo bulshadaas anfici lahaaba. Haddaba, haddii ay aragtida aad aaminsan tahay meel ku gaadhsiin weydo, waxna kugu soo kordhin weydo wax ay kaa dhinto mooyaane, garaadka ayaa ku faraya in aad faraha ka qaaddo oo aad weliba tuurto. Dhaqan-qabyaaladeed la qarqooshay oo lagu dhex milay siyaasaddu, waa mid aan weligii guul laga gaadhin oo jah-wareer iyo kala guur uun ku dhammaada, mar haddii ay bulshadu meel ku gaadhi weydayna, caqliga toosani waxa uu kuu tebinayaa in aad halkeega kaga dhaqaaqdo.

Ugu dambayn, haddii aad u dhaqanto sidii aad u dhaqmi jirtay, waxa aad heli doontaa uun wixii aad heli jirtay! Waxa ayaan-darro weyn ah in ay maanta taariikhdeennu dib ugu noqotay lixdan sannadood ka hor iyo xisbiyadii kontonaadkii qarnigii labaatanaad jiray, kuwaas oo nidaamyo gol-qaniin qabyaalaysan u kala xidhnaa. Qabyaaladda waa la soo tijaabiyey, midhaha laga goostana waa la soo dhadhamiyey oo cidna daah kama saarna, haddaba labada dariiq waa ay kala cad yihiin waana ay kala fog yihiin, haddii aynu run ka sheegayno raadinta dowladnimo qaayo leh, way inoo caddahay dariiqaynu u mari lahayn, haddii kalena, habar baa iska haw-hawlee, heellada inoo tuma!

Qore: Maxamed Sharma’arke

Facebook.com/Maxamed Sharma’arke

Email: Sharmaake91@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso