Ciil-Tire, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani “Maalin iyo Maalmo” Qalinka: Mawliid Maxamed Siciid (M M S).

Ciil-Tire, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani

“Maalin iyo Maalmo”

Qalinka: Mawliid Maxamed Siciid (M M S).

Masuul kasta oo umadiida u Haya Xil iyo Amaanow Hadba waxaa lagu Xasuutaa Waxii muuqada ee Dhaxal gal ah ee uu Dadkiisa u Qabto maalmaha uu Shaqada Hayo, Taasina waxaa ay dhaxalsiisa Wanaaga  Xushamad iyo Karaamo loo hayo Waligii inta uu nool yahay iyo xataa hadii uu dhinto Taariikhahana waxaa uu ka gala Baal dahabi ah, Taasina Masaalkeedu Waa Maalin iyo Maalmo, Nin Maalinta uu Xilka Hayo oo kali ah Muuqda Maalinta uu katagana Magaciisa ugu danabysa Bulshada oo uu Masaxmo, iyo Nin Maalmo aad u badan  La Xasuusto Isaga o Xilka haya iyo isaga oo ka taga intaba isagoo Nool iyo isaga oo Geeriyooda intaba.

Waxaan Tusaale u soo Qaadan doonaa  Shaqsi Maalmo badan iyo Waligiiba la xusuusnaan doono  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani “CIIL-TIRE” Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Oo mudo kooban uun Wasiir ka ahaa Wasaarada Warfaafinta Somaliland’ ayaa Sanadkan 2017, Qaaday Talaabo  adag iyo  Go’aan Geesiniimo leh Isagoo Cadaalad iyo Sinaan u Sameeyay Guud ahaanba Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta Somaliland, Ilaahay ayaa Cadaali ah, Adoomadiisana waxaaa uu Jecel yahay inay isu Cadaalad Sameeyaan.

Aduunku waa Maalin iyo Maalmee, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani “CIIL-TIRE”  Kadib markii uu Eegay Xuquuqda Shaqaalaha, Markuu eegay, Duruufaha dhaqaale ee Jira,Markuu eegay  Shaqaale badan oo Qaranka u shaqeeya Hadh iyo Habeen hadan Dulman oo wax Xuquuq ah aan lahayn, Markuu Arkay Arimo in badan oo Wasiiro ah oo isaga ka Horeeyay aanay waxba ka qaban,  Markuu eegay Xilka  Qaran ee Amanada ah ee uu usii Igmaday Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Maalin ayuu Go’aansaday inuu Cadaalada iyo Samafal u sameeyo Shaqaalaha Wasarada Warfafinta Somaliland Kuwaasoo in badan isdhex Hawaaray, Isla markaana aan ka Sinayn Dhinaca, Mushaharaadka ay qaataan iyo Gunooyinka intaba.

Mr Cadaani Kadib markii uu mudo badan wax Baadhay  ee uu Wadatashi badan la sameeyay Masuuliyiinta kale W.Warafaafinta Somaliland  Waxaa uusoo baxday inaan loo Dulqaadan Karin Shaqaalaha Wasaarada Warfafinta iyo Heerka ay kala taagan tahay Xuquuqdoodu iyagoo hadana isku mid ah, Hadana isku Heer ah, Hadana isku, Darajo iyo Xil ah Kuwaasi oo Simay una Cadalad sameeyay Koox kasta Heer ah Dhanka Mushaharka iyo Gunada intaba, iyo Kooxkasta oo isku Xil ah intaba kuwaasoo aan waxba is dheeraan doonin Haday tahay Mushaharo iyo Haday tahay Gunno intaba iyadoo Iyadoo guud ahaan  aanu jiri doonin Qof danbe oo ka hawl gala Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Bilaa Mushahar iyo Gunno intaba ahi.

Run ahaanti  Talaabada uu qaaday Ciil-tire Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani Wasiirka Warfaafinta JSL Waxaa ay noqotay Mid aanay Iloobi dooni Guud ahaanba Shacabka Somaliland gaar’ahaana  Shaqaalaha Wasaarada Warfafinta iyadoo siwayn oo Farxad iyo Niyad sami ku dheehantahay ay usoo dhaweeyeen Shaqaalahu Idil ahaanba, Waxanay Noqotay Geesnimada uu Muuqjiyay Wasiir Cadaani Mid Raad iyo Saamayn baaxad leh ku Reebtay umada Somaliland aad iyo aadna loo soo dhaweeyay.

Qofkasta waxaa lagu Xusuusan Doonaa Maalmo aad u badan waxaa uu Dadkiisa iyo Dalkiisa u qabto iyo waxii Wanaag ah ee Anfacaya ee uu Dhaxal ahaana uga tago Qof kasta oo wax wanaag ah Jideeyana waxaa uu ku leeyay Ajar iyo Xanaad aan Waligii Go’aynin  Cidkasta oo kaga daba dayatay Dariiqa Wanagsan ee uu jeexay.

Mahad oo dhana Ilaahay ayaa iska leh, Talaabada Geesinimada leh  Ee uu Waafajiyay Wasiirka Warfaafinta JSL Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani “CIIL-TIRE”  Kaasi oo  Dib u eegid iyo Isbedel Balaadhan ku Sameeyay Xuquuqda Shaqaalaha  Wasaarada Warfaafinta.

 

Qalinka: Mawliid Maxamed Siciid (M M S).

Mawliidmarshal@gmail.com

Hargeysa, Somaliland.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso