waa in aynu ka ilaalinaa biyaha sabuunta leh ee aynu ku daadinayno dhiska laamiyada caasimada

Fariin Caafimaad
Nadaafadu waa muhiim waqti kasta waa in la ilaaliya fayadhowrka deeganka aynu ku noolahay waxa loo baahanyahay in aan biyaha sabuunta leh aan lagu daadin laamiyada oo si fudud ay sabuuntu u goynayso

Iyadoo heerka shaqo waxqabad ee shirkadaha ka hawl gala caasimadu aanay isku mid ahayn ayaa degmooyinka caasimada uu qashin buux dhaafiyey waxaad arkaysa waqtiga habeenkii gadiid dyne ah oo shirkaduhu ay leeyahiin oo sida qashinka qoyan ee hudheelada cuntada oo dusha ka banaan gadiidka oo dushiisa ay ka soo urayso qadhmuun iyo riixad xataa dadwaynaha jidadka caasimada maraya aan loo adkaysan Karin fayadhowr xumadaa taas oo aan loo baahnayn in gadiidka qashinka qoyan lagu guro in uu af banaanado moyar iyadoo howsha masuuliyada ay leeyahiin shirkadaha qaar hadana waxaad awood shaqo u leedahay qiimayn shaqo shirkadeed dib u eegis heerka waxqabad ee shirkadaha ka howl gala caasimada abaal marin shirkada ka soo baxay hawshoodi shaqo ruqsad ka qaadis iyo ganaax shirkadaha si loo toosiyo heerkoda waxqabad shaqo si ay nadaafada caasimadu ay ula tartanto caasimadaha dalka
Ta kale moyar iyadoo hada aad ku gudo jirto samaynta iyo dayactirka laamiyada caasimada hargeisa hadaba ma la socotaa in wadadii la sameeyey ee dhaqaalaha iyo howshaasi ku baxd ay ay biyaha saabunta leh oo lagu daadiyo wadada ay si fudud u goyn karaan wadaadi la dhisay biyaahasi ha ka yimaadeen guryaha ku soo jeeda wadada ama hudheelada cuntooyinka oo aan lahayn qorshe hygein oo wasakhdooda goob bulaacad oo lagu basriyo si fududna ay booyadu uga qaado waqtiga habeenkii maxaa hadaba inooga qorshaysan moyar in biyaha uskaga ee sabuunta aan lagu daadin jidadka caasimada hargeisa si loo ilaaliyo nadaafada fayadhowrka caasimada iyo dhiska wadooyinka cusub ee caasimada miyaanay noqonayn biyo col dhaanshay waa in uu jira barnaamishka fayadhowrka caasimada oo bulshadu ay kala socoto media dalka si ay bulshadu u fahanto macnaha ereyga fayadhowr iyo ujeedadu uu xambaarsan yaha waxa kira dalka abaar biyo iyo baad la an waqti xaadirkan maadama oo biyahu ay aad u yaryahiin waa in aynu si gaar ah u ilaalinaa fayadhowrka biyaha iyo weelka aynu ku kayd sano biyaha
Baahida biyo yaraanta iyo qashinka magaaloyinka oo si fiican loo maarayn basrin waayo waxa ka dhasha xanuuno halis caafimaad daro soo gaadhsiya bulshada sidaa daraadeed waxa waajib ah in la ilaaliyo nadaafada biyaha iyo weelka biyaha aynu ku
Biyahu waa noolasha aadamiga jidhkeenu 94% waxa uu ka samaysan yahay ama u badan yahay biyo sida qaybaha habdhisyada jidhkeenu ay u baahanyahiin in ay ku shaqeeyan biyo sida wareega dhiiga habdhiska dheefshiidka aadamiga etc
Waxa loo baahan yahay in aynu had iyo goor aad u badsano isticmaalka biyo nadiifa oo dawaysan waxa kale oo loo bahanyahay in aynu ka shaqayno fayadhowrka nadaafada biyaha iyo nadaafada weelka aynu ku shubano ama ku kaydsano biyaha nadaafada weelka kaydinta biyaha oo aan la ilaalin had iyo goor waxa ka iman kara nadaafad xumo
Sidoo kale waxa loo baahan yahay in had iyo goor la ilaaliyo nadaafada biyaha baliyada harooyinka waa in aan lagu dul maydhin dharka ama aan lagu saxaroon agaagarka biyaha sidoo kale waa in had iyo goor laga feejignaada waqtiga waraabinta xoolaha in xoolaha lagu sii daayo goobta keydka biyaha
Waxa kale oo loo baahanyahay oo masuuliyad culusi inaga saarantahay nadaafada magaaloyinka oo loo bahanyahay in aynu xil iska saaro maaraynta qashinka oo si fiican loo basriyo qashinka waa in lagu keydiyaa weel dabool leh oo hawada u furan waa in la dhigaa goob ku haboon waa in aan qashinka lagu tuurin wadooyinka iyo sharacyada dawlada hoose waxa loo bahan yahay in ay had iyo goor si feejigan ula socdaan nadaafada magaaloyinka iyo hadba heerka uu marayo qashinka magaaloyinka iyo goobaha laga qaaday iyo inta uu kg ee qashin ah ee laga saaray magaalada maalintii si loo helo data waxqabad oo lagula socdo xajmiga baaxada qashinka magaaloyinka dalka iyadoo bulshadeenu aanay xil iska saarin nadaafada deeganka iyo waxyeelada cafimaad daro ee ka iman karta qashinka oo aan si fiican aan loo basrin ama aan loo marayn

Waxa kale oo loo bahanyahay in dawlada hoose ee dalku ay ku daba galan qashinka magaaloyinka iyo shirkadaha u xilsaran maaraynta qashinka magaloyinka
Waa in aynu had iyo goor u feejignaana nadaafada iyo bilicda magaaloyinka dalka hadii nadaafada xumaato ma jirto noolal iyo caafimad qab ay bulshadu ku naaloto
Qofka ooh ea biyo nadiifa oo uu waqti kasta isticmaalo cabitaankooda siiba waqtiga aroortii marka uu tooso waxay daawo ka yahiin xanuunada calool istaaga iyo cuduro badan oo ay keenan biyo yaraanta
Waxa waajib in had iyo goor aynu si feejigan uu u ilaalino nadaafada deegankeena iyo nadaafada gooboha ay inoo soo maraanilaha biyaha aynu ka helo ama aynu ku kaydsano biyaha sida foostoyinka jirikamada etc

Fariin caafimaad

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso