Daawo: Xaflad Sanadeed Ay Shirkada SUPER GROUP u Qabtay Shaqaalaha Shirkadeeda ka shaqeeya oo Maanta Ka Qabsoontay Ambassador Hutel.

Shirkada Caanka ah ee SUPER GROUP, oo ka kooban “Super Data Technology iyo Super Furniture”  waxay Hotel Ambassador ku qabtay xaflad sanadeedkii shaqaalaha shirkada, halkaas oo lagu gudoonsiiyay abaal marino dhamaan shaqalaha shirkada.

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha shirkada SUPER GROUP Mr: Cali-kayse Cumar Axmed, isaga oo ka sheekeeyay heerarkii kala duwanaa ee ay shirkadu soo martay iyo qaybaha ay ka koobantahayba, waxa kale oo uu gudoomiyhu ka hadlay waxyaaba ay hiigsanayso shirkadu mustaqabka dhow iyo ka fogba hadii alle ogolaado.

Dhinacakale waxa uu godoomiyuhu u mahadceliyay dhamaan shaqaalaha shirkada ee kala duwan isaga oo ku tilmaamay in ay yihiin baalashii ay shirkadu ku duulaysey.

Waxa iyaguna xaflada ka hadlay dhamaan gudoomiyayaasha waaxyaha shirkada, halkaasi oo uu midkastaaba ka warbixiyay waxyaabihii sanadkaa u qabsoomay iyo waxa uu hiigsanayoba.

 

Sidoo kale waxa xaflada ka hadlay lataliyaha shirkada SUPER GROUP, Pro Cabdiraxmaan Cali Xirsi isaga oo ku amaanay guud ahaan maamul iyo shaqaalaba sida fiican ee ay ula shaqeeyaan.

Ugu dambayntii waxa xaflada ka hadlay xubin ka mid ah odayaasha shirkada “Xaaji Axmed Cabdiraxmaan Cumar” isaga oo uga mahad celiyay maamul iyo shaqaalaba sida fiican ee ay shaqada u wadaan Illaahayna uga baryay in uu u fududeeyo dhamaan hawlaha ay gacanta ku hayaan.

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso