Tacsi: Aniga oo Ku Hadlaaya Magacayga iyo Ka Dhamaan Shaqalaha Shabakada Togaherer Waxaan Tacsi U dirayaa Eheladii Marxuun Eng Xaashi Ismaaciil Oo Hargaysa Ku Geeriyooday.

Aniga oo Ah Hormoodka Golaha Tafatirka Warbaahinta Togaherer Aniga oo Ku Hadlaaya Magacayga iyo Hawlwadeenada Warbaahinta Togaherer Waxan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu Ka Geeriyooday Alleh ha u naxariistee Marxuun Eng Xaashi Ismaaciil Oo Maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.

Dhamaan Waxaan ka tacsiyeynayaa Eheladiisii, Aqaariibtii Iyo Caruurtuu ka tagay Marxuun Eng Xaashi Ismaaciil . Waxaan Si Gaara uga tacsiyeynayaa Xaasaskii iyo Caruurtii uu ta geeriyooday marxuunku Waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan Alleh ha idinaga Wada Siiyo Marxuumka Sidoo kale Waxaan Allaheena wayn Uga Baryeynaa in uu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo Marxuunka Dambigisana alleh uu dhaafo.

Marxuun Eng Xaashi Ismaaciil Intaan ka Aqaanay Waxa uu ahaa Shaqsiyada Dad jecel, Had iyo jeerna Run Sheeg Ah oo Had cid uu is yidhaa waa la dulmiyayaa in uu afkiisa ugu hiilin jiray. Waxaa markhaati u ahayd Waraysigii ugu dambeeyey ee aan la yeesho uu Uu runta ka sheegayey Markaa dhibaato ka jirtay Somaliland. Marxumka Dadku Way u sinaayeen Halka Dadku Reerka iyo ina ay Isku cid yihiin Sabaanka ay ka tix galiyaan waxa uu isagu tix galin jiray Dadka ay asxaabta yihiin Wanaaga isku barteen ama ay soo wada barbaareen taasaana dadka Jeclaysiisay.

Isku Soo wada duub Allah wayn ayaa baaqi noqda cid duni ka hadhaysaana ma jito waana la kala horeeyaa uun Ilaahay waxana mar labaa uga baryeynaa in uu Nasriista balaadhan Ugu deeqo Sidoo kalena Cawil khayr Qaba uu cid siiyo Ehelkii Asxaabtii iyo dhamaan Somaliland.

Amiin Amiin Amiin Amiin
“INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN”

“KULLU NAFSUL DAAIQATUL MAWT

Warqabadka Togaherer
Oslo/Norway.

Advertisement

Ku Xayeysiiso