Hoos u dhaca Shilinka Somaliland: Lacagteen Adagi Qaadkay Gashaa

 

Hoos u dhaca  Shilinka Somaliland: Lacagteen Adagi  Qaadkay Gashaa

 

Shilinka Somaliland ayaa qiimihiisu  doolarka hoos uga dhacay bishan –  kasoo gaadhay heer hoose oo saamayn wayn ku yeeshay miciishada qutul daruuriga  ah. Dadwaynaha  ayaa hadal hayntooda ugu badnayid ahyid bishan hoos u dhaca shilinka Somaliland ku yimid iyo qiimaha miciishada ee kor u kacday. Qiima dhaca Shilinka Somaliland ayaa keentay  helitaanka doolarka oo suuqyda ku yaraaday. Dadka ayaa arintaasi aad uga cadhooday,  dawladana ugu baaqay inay xakamayso sicir bararka. Xukumada  ayaa talaabo deg deg ah  qaaday oo kor u qaaday qiimaha shilka Somaliland  taasoo horseeday in badeecadaha kala duwanina qiimahoodu halkoodii hore ku soo noqdaan – Balse xaal waara ma noqon karaa fargalintaasi xukumadu suuqa xorta ah ku samaysay? Suaalaha kale ee maqaalkani u baxayo ayaa ah sixir bararka maxaa sababay?  sideese loo xakamayn karaa? Yaase leh masuuliyadeeda? ma shacbiga Somaliland ee $850 Milyan ku qayila sanadkii ayaa leh?  Mise waxa leh adeegyada Saadka iyo E-Dahab ee ay bixiyaan shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil?

 

Dalkeena waxaa soo gasha lacag adag oo kooban oo si adag aynu u helo. Lacagta adag ayaa waxaynu ka helaa xoolaha nool ee aynu u dhoofino dalka Sacuudiga oo ah laf dhabarta dhaqaaleheena – lacagta adaga ee aynu ka helay xoolaha nool ayaa sanadkii tagay lagu qiiyasay inay ahayid $370 million. Dalkeena waxaa kale oo soo gasha  sanadkii lacag gaahhaysa ilaa £1 billon oo ay qurba joogta reer Somaliland dalka soo galiyaan. Labadaa ilood ay ah ilaha ugu wayn uguna mihiimsan ee ay lacagta adagi inaga soo gasho.  Lacagtaasi wata inoo surto galisa  in aynu wax yaabaha qutul daruuriga ah dibada kala soo dagno. Nasiib darana  wax walba dibada ayaynu  kala soo degnaa oo bari adunyada haday wax ka dhacan, sida dagaalo iyo afooyin dabici ahiba  dadkeenu gaajo iyo cuduro ayay u leedi doonaan.

 

Dhinaca kalena dalkeena waxaa qaadka oo kaliya inagaga baxda ilaa lacag ku dhaw $850 Milyan. Waxaa xusid mudan in cunida qaadka ay aad u kordhay  17 sano ee ugu dambeeyey sida shaxdan hoose ku xusan. Qaadka Ethiopia ayaa loogu magac daray mukhaadardka dahabiga ah ee Ethiopia. Qaadka Ethiopia  ayay Somaliland  u tahay suuqa ugu wayn  – Ethopia  ayaa ka heshay dhoofka  ganacisga qaadka £850 million sanadkii.  kastamka caashuuraha ee caalamiga ah ee Ethiopia ayaa xusay in sanadkii 2014/2015  Ethiopia  cashuurta qaadka ay dawlada dhexe uga soo xerootay lacag dhan  $270 million. Somaliland ay la xusay in sanadkaa  ka heshay cashuurta qaadka 45 million (Jaraaidka Jamhuuriya ). Somaliland (Somalia) ayaa noqotay dalka kowaad ee Ethiopia ay ku tilmaamtay inuu yahay dalka ugu horeeya tobanka  dal ee aduunka ee lacagta adage ee ugu badan ay ka hesho waxyaabaha ay dibada u dhoofiso.

 

Badeeca 1999/2000 2004/2005 2014/2015
Qaadka 15.7 Metric Tonne ($59.7 million) 23,735.7 Metric Tonne 45,000 Metric Tonne

($850 million)

*Isticmaalka qaadka dibada ay Ethiopia  u dhoofiso oo suqa ugu wayni yahay Somaliland  ayaa kordhay 17 sano ee ugu dambeeyay   44,984,300 Kg.

In qaadka $850 milyon  lacagteena adag ku baxdo waa wax aan la aqbali Karin. Dawladeenu waxay ay qaaday talabooyin ay kaga jawaabaysay xakamaynta sixir bararka oo qiimihi doolarka hoos u dhigay. Qaadka oo ah ka ugu wayn ee sixir bararka masuulka ka ah ayay la il duufay. Faragalinta ay dawlda ku qaaday suuqa xorta  ay laga yaaba inay xakamayso sicir  bararka wakhti kooban oo kaliya. Balse sixir bararka iyo  badeecadaha qutul daruuriga ah oo la gooyn kari waaya daris bay inala ahaanaysa  ilaa inta ay dawlad iyo dadwaynuhuba  meel uga  soo wada jeedsanayaan bad baadinta  lacagta adage ee inagaga baxda qaadka. Qaadka ayaa dhig bax ku ah dhaqaalaheena oo lacagtii adagi ku baxdo.

 

Dhoofka xoolaha ee la joojiya ayaa qayb ka ahaa sicir bararka maadama aynu ku waayayno $370 million. Xukuumadana looga baahan  yahay in aanay ka gaabin xakamaynta doolarka oo ay qaado talaabo kasta oo lagu ilaalinaayo qiimaha shilinka Somaliland. Adeegyada shirkadaha Telesom iyo E- Dahaab ayaan qayb wayn ka ahyn sixir bararka,  waana   adeegyo loo bahan yahay balse ay tahay  in lagu hayo isha saamaynta ay ku  leeyiin  sixir bararka.  Xukumadu waa in ay  siyaasad cad ay ka yeelato xakamaynta sicir bararka . Qaadka ayaa ah  dhaqaale burburka ugu wayn iyadoo lacagta adage ee dalka soo gasho ay tobankii kasta ee doolar todoba doolar qaadka ku baxdo  (i.e. 70%). Sicir bararka ayaa waxaa ka masuul ah xakuumada iyo  dadkeena ku qayila $850 milyan ee doolar sanadkii. Fargalinta xukumada ee suuqa xorta ahina anu noqonaynin mid wakhti dheer xakamaya sicir bararka ilaa inta aynu qaadka ay inagag baxayso badi lacagteena adag talo qarana anaynu ka lahayn.

 

Waa Qalinkii, Axmed Cabdi Ciise

axmedciise@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso