Daawo: Wasiirka Shaqaalaha Iyo Arimaha Bulshada DDSI Md Axmed Koore iyo Wafti uu Hogaaminaayo Oo Safar indho indhayn iyo dar dargalin Shaqaalaha ah u Tagay Biyo Xidheeka Weyn Ee Bakke ee Birqod.

Wasiirka Shaqaalaha iyo arimaha Bulshada DDSI Md Axmed Maxamed Koore Oo uu wehelinaayo Maareeyaha Guud ee Kuliyada Dr Cabdi Majiid Ee Tobobarka Macaliminka Md Kifaax Macalin Ayaa Safar Ku gaadhay Biyo Xidhka weyne ee Laga hir galiyey Bakke ee Degmada Birqod kaas oo ka mid ah Afar Biyo Xidheen Oo Waaweyn Oo Ay Xukuumada DDSI Ee Uu hogaamiyo Md Cabdi Maxamuud Cumar ka hir galisay Deegaanka Dowlad Deegaanka Somalida Ehtiopia ay Maamusho.

Ujeedada Ugu waynayd ee Safarka Wasiirka iyo Waftigiisa ayaa ku qotontay Sidoo ay U soo kormeeri lahaayeen Biyo xidhkan weyn oo Hadeer Dhamaad ah taas oo Biyihii Qul Qulaayey Dooxooyinka Waaweyn Ee Jarar Ay biyaha ku shubayaan Biyo Xidhkan wayn.

Mar ay Warbaahinta Togaherer Wasiirka Ay wax ka waydiisay Biyo xidhka iyo Awoodiisa Waraabineed ayaa waxa uu wasiirku sheegay in ugu yaraan 20, 000 oo Hiktaar uu Waraabinaayo ´Biyo Xidhkani kana mid yahay Afar biyo xidh oo dhawaan dhamaanayaa halka qaarkoodna ay dhamaadeen oo uu kani ka mid yahay ay hadeer ku sugan yihiin.

Wasiirka ayaa sidoo kale Sheegay in Indho indhaynuun aanay ahayn Safar koodo ee sido kalena ay ujeedada safarkoodu ku ladhnayd sidii ay shaqaalaha u Dardar galin lahaayeen una tusi lahayn in meel kasta oo ay joogaan in aanu la garab taaganahay taageero.

Wixii warar iyo Muuqaal ahba dhawaan kala soco Shabakada Togaherer / Toggaherernews.

Advertisement

Ku Xayeysiiso