Xisbiga Kulmiye oo Xaflad Soo Dhaweyn ah Ku Qaabilay Cududdii Taageerayashii Cardiff Uk ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, 

Waxaa xalay magaaladda Cardiff ee Dalka Ingiriiska ka dhacday xaflad aad u weyn oo lagu soo dhaweeyay Mushiinkii Iyo Maskaxdii Hagaysay Murashaxii hore ee Madaxweyne Xisbiga UCID : Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen,  Xafladan oo ayna u kala hadhin dhamaan madaxda iyo Tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Uk, waxaa abaabulkeeda kaalin xoogle ka qaatay Guddiga Kulmiye ee Cardiff oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Guurtida Md Ibraahim Carab Jaamac iyo Madaxda Laanta Cardiff iyo taageerayasha Xisbiga Kulmiye ee Cardiff.

Goobta ayaa ahayd mid aad u bilicsan, waxaana ka qeyb galay Siyaasiyiin Aqoonyahano, Waxgarad , Haween iyo Madaxda Xisbiga Kulmiye ee Uk. Munaasibadan ayaa ahayd mid Xisbiga Kulmiye ugu talo-galay soo dhawaynta Taageerayaasha cusub ee Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Qaybtii Cardiff Uk.

Waxaa xafladda si habsami leh u daadihinayey Xaaji Cumar Cismaan, iyadoo Xaflada Lagu daahfuray aayado quraan ah oo uu akhriyay  Cali Faarax Yusuf (Gucuuro) : Furitaanka xafladda ka dib: ugu horeyn ,waxaa halkaasi ka hadlay oo hadallo soo dhaweyn ah iyo mahadnaqba ah goobta ka jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye laantiisa Cardiff ,Marwo Khadra Ibraahim Wersame . Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Cardiff Md Feysal Ciise iyo Gudoomiyaha garabka haweenka Kulmiye Cardiff Aamina   , ugu horeyn waxay bogaadiyeen tageerayaasha cusub ee ku soo biiray xisbiga Kulmiye iyagoo sheegay in xisbiga Kulmiye uu yahay xisbigoodii ayna gacmo furan iyo qalbi niyadsan ku soo dhaweynayaan.

Gudoomiyaha Gudida Mus-danbeedka Kulmiye ee UK, Professer . Ibraahim Carab Jama ayaa aad uu soo dhaweeyay isaguna bahweynta ku soo biirtay Xisbiga Kulmiye laanta Cardiff. isla markaana sheegay, sida uu ugu farxsanyihiin taageerayashan cusub ee ku soo biiray xisbiga Kulmiye loona bahanyahay ayuu yidhii in si dhab ah loo wadda shaqeeyo.waxaa kaloo uu hoosta ka xariiqay Gudoomiyaha Guurtida Kulmiye Uk . Md Ibraahim Carab .oo halkaasi ka akhriyay khudbad dheer oo nuxurkeeddu xanbaarsanaa sidii loo dardar galin lahaa hawlaha xisbiga iyo sida oo kale , dhiiri galinta taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee Ingiriiska dhamaan gaar ahaana laamaha wadanka Kulmiye UK. isagoo hoosta ka xariiqay in Furitaankii laanta Xisbiga Kulmiye ee Cardiff uu si weyn noo-gala qayb-qaatey ayuu yidhi . Gudoomiyaha Musdanbeedka Kulmiye Uk . waqtigaasi Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Mahamoud Hashi Abdi oo waqtigaasi ahaa ragii siyaasiyiintaahaa.ee tacabka badan geliyey Xisbiga Kulmiye Uk.

Waxa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Taladda Dalka Haya Kulmiye Ee Wadanka Uk .Md Xariir Xirsi Ader iyo ku-xigeenka Kulmiye Uk, Md, Axmed Cabdilaahi (Axda),waxayna sheegeen in ay  aad ugu faraxsan yihiin “waan soo dhaweynaynaa” ayey yidhaahdeen : tageerayaasha cusub ee ku soo biiray xisbiga kulmiye “Gacmo Furan iyo Qalbi Furan” ku soo dhawaada. waxaan u baahanahay in muruqa iyo maskaxba laysla garab taago Xisbiga Kulmiye , si dalkeena horumar loo wada gaadhsiin lahaa.waan soo dhaweynaynaa wakhtiga cusub ee doorashada sida loogu daneeyey dadkeena iyo abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa shirkaasi :-  Gudoomiye ku xigeenka gudida mihnadlayaasha caafimaadka qaranka S/land .Md Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Doodi) . kana mid ahaa: Siyaasiyiintii Tacab badan Geliyey Xisbiga Kulmiye. isla-markaana Xaflada  hadalo gubaabo iyo duco ah ka jeediyey, siiba warbixin guud ka bixiyey Xaalada u dalka u ku sugan yahay oo u dhawaan ka soo laabtay iyo xisbiga Kulmiye intaba, isagoo sheegay sidii xaaladda abaarta daran ee ka taagan dalka iyo dadaallada gurmadka dadka la gaadhsiinayo . in la sii dardargeliyo.

Qaar ka mid ah madaxda  laamaha xisbiga Kulmiye Uk. oo halkaa ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay in xisbiga Kulmiye uu yahay xisbiga qudha ee matali kara Bulshada Somaliland, iyaga oo sidoo kalena uga mahad celiyey mas’uuliyiinta laanta Xisbiga Kulmiye Cardiff ee welishka  sida qiimaha badan ee ay ugu soo dhaweeyeen Tageerayaasha cusub ee u soo digo-rogtay iyo dhamaan qaybaha kala gedisan ee Xisbiga Kulmiye Uk.

Waxa iyana hadalo ka soo jeedisay :- Gudoomiye ku-xigeenka Garabka Haweenka Kulmiye Uk . Marwo. khadra Sarmaan . Iyada oo sheegtay in dhamaan Kulmiye Uk . siiba madaxda laamaha uk ee xaflada ka soo qaybgalay ku boorisay inay xisbiga Kulmiye hiil iyo hooba isla garab  istagaan, gaar dhinaca dhaqaalaha. iyada oo sheegtay in Kulmiye mid cusub iyo mid horeba isku mid aan nahay.isla-markaana loo baahanyahay in la wada shaqeeyo oo la dhaqaajiyo hawlaha xisbiga.

Gudoomiyaha Kulmiye ee Birmingham Md Maxamud Xirsi Duuduu . ayaa ka hadlay isagoo sheegay : waxaan leeyahay ayuu yidhi “Tageerayaasha cusub soo dhawaada oo Xisbigani Kulmiye” – waa Xisbigiinii, waa xisbi aanay cidna gaar u lahayn oo umadda Somaliland oo dhammi ay wada leedahay guud ahaana kii hore u soo galay iyo kuwa iminka ku soo biirayba way u siman yihiin. Waxaan kaloo idiinku bushaaraynayaa ayuu yidhi Gud Kulmiye ee B,ham . In aanu tageerayaashii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen . ee ugu badnaa oo ku sugan Magaalada Birmingham aanu dhawaan xaflad weyn ku qaabili doono .inshalaah.

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay :Xubno firfircoon oo ka midda Siyaasiyiinta ku soo biirtay Xisbiga kulmiye . oo ay ka mid ahayeen. Gud Ucid ee Cardiff  Md. Cabdiraxmaan Cali Qawdhan. Gud Hanti-dhowrka Guud ee Xisbiga Ucid Uk .Aqoonyahan Cabdi-Xaliin Xuseen Maxamed (Abdi-Xaliim Dhego-weel), Gudoomiyihii Abaabulka Xisbiga Ucid ee Uk Siyaasi Aniis Cabdi Muxumed,Gud labaad ee Xisbiga Ucid Uk Caydaruus Huriye .Gud Musdanbeedka Ucid ee Uk .Cali Cadceed , Musdanbeedka Xisbiga Ucid Uk  Cabdi-Qadir Muuse dalab . Xubin Musdanbeedka Ucid Cabdi-qaadir Huriye , Gud Garabka dhalinyaradda Xisbiga Ucid Uk . Farxaan Nabadiid.  , Gudida Fulinta Ucid Uk : Mowliid Cismaan . Axmed Muuse Madoobe iyo Yaasmiin Xasan Adan.  Gudoomiyaha Haweenka Ucid ee Cardiff . Marwo Samiya Maxamed Khayre. Xoghayaha Garabka Haweenka Ucid Uk Aamina Cartan iyo Qaar kale.

Iyadoo masuuliyiintaasi ka dareen celiyeen qaabilaadda kal iyo laabta ah ee loo sameeyey , waxaanay u caddeeyeen inay go’aamada iyo talooyinka xisbigaba si furan uga qayb-gali doonaan.inshalaah

waxay sheegeen : “Annagaa  go’aansanay inaannu ka baxno xisbigii aannu ka tirsanayn ee ucid ka-dib markii musharaxayagii ku biiray kulmiye .Sidaa daradeed .in maanta laga bilaabo aanu hiil iyo hooba la garab is taagi doono Xisbiga Kulmiye iyo sida halganka loogu jiro in dalkan iyo Bulshada Somaliland loo horumarin lahaa.kuwaas oo madasha ka sheegay inay quus ka taagan yihiin siyaasadda xisbigoodii hore, isla markaana ay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan oo la shaqeeyaan xisbul-xaakimka taladda haya ee KULMIYE,

Iyadoo Xisbiga Kulmiye ee Cardiff ay xafladaasi shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay xubnaha mutaystay iyo dadaalka badan ay ka sameeyeen Xisbiga kulmiye . kuwaas oo ahaa Gudoomiyaha Gudida musdanbeedka Kulmiye UK, Md. Ibraahim Carab Jama iyo Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Kulmiye laantiisa Cardiff  Calaawi Axmed oo muddo badan xilka hayey.

Xafladda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa : Qeybaha warbaahinta madaxa banaan sida (Tv-ga Horn Cable) iyo weliba Tvga qaranka ee Dawladda Somaliland

Shirkan ayaa la soo geba-gebeeyay Abaaro 21:33Pm wuxuuna shirkan ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan oo farxad laga dheehanayay dadkii goobta iskugu yimi dhamaantood.

Advertisement

Ku Xayeysiiso