Gorfaynta Qabyadda iyo Qorshe Xumadda Miisaaniyadda Qaranka ee 2017!

Sida aynu wada ognahay, waxa ay golaha wakiilada ee ay soo doorteen shacabku si ay ugu matalaan codkooda, la xisaabtanka iyo sixida xukumadda. Ay si duudub ah ku ansixiyeen miisaaniyadii 2017 iyaga oo aan wax masuuliyad ah iska saarin dadkii soo doortay. Waxa ay ahayd in ay wax kabadal iyo kaabidba ku sameeyaan maadama oo ay qabyo badan lahayd miisaaniyadu. Haday noqoto cashuurta lakordhiyay sida cashuurta dadban ama sida loo qoondeyay kharashka dawladda oo ay qabyo badani ku jirtay.  Sida uu dhigayo tastuurka Jamhuuriyadda Soomaliland Qodobkiisa 55aad Waxa uu awood u siinaya golaha wakiiladda, in ay wax kabadal iyo kaabidba ku sameeyaan miisaaniyadda qaranka.

Miisaaniyaddu waa qorshaha dawladeed ee ugu muhiimsan ee saameya dhamaan nolosha muwaadinka. Kuna keeni karta dhib iyo cidhiidhi muwaadinka iyo dhaqaalaha wadanka, hadaan si aqoon leh loo diyaarin dakhliga iyo kharashka dawlada labadaba.

Miisaaniyadda qaranka waa in loo qoondeya si waafaqsan horimarinta dhaqaalaha dalka. Sida yaraynta sixir bararka, shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Wali dalkeena lama yaqaan wadarta waxsoosar ee dalka GDP. Waana shaqada wasaaradda maaliyadda. Lakiin waxa isku badashay wasaaradda wax soo iibinta (Ministry of Procurement).

Waxaana aad mooda miisaaniyadda 2017 in aan cilmi iyo aqoon toona lagu salayn diyaarinteeda, haday noqoto odoroska dakhli iyo kharash ee dawladdu galayso sanadka 2017, sida kuwi ka horeeyay oo kale. Haday noqoto ilaha dakhliga oo cashuur farabadan lagu kordhiyay, maadama oo in ka badan 90% ay miisaniyadeenu ay tahay mid cashuur ku dhisan. Taasina ay maciishadda dalka dibada uga imanaysay ku keentay in qiimahii kor u qaadmo, oo dadka danyarta ahaana maciishaddii ku qaaliyaysay oo sixir bararku aad kor ugu kacay. Durbana aad ka arki karto sida ay u qaaliyowday maciishadii iyo qiimo dhaca ku yimid shilinkii Somaliland oo ay sabab u tahay qorsho la’aanta lagu saleeyay miisaaniyadda dawladda.

Qaladka Qoondayta Kharashaka Dawladda:

Waxaa jira qalad farabodan oo ka jira dhinaca qoondaynta kharashaadka ay galayso dawladda dhexe. Tusaale ahaan, wasaarado muhiim u ah waxsoosarka dalka ayaad mooda in aan loogu talo galin in ay wax waxsoosaar ah sameyaan. Sababta oo ah miisaaniyadda uguma jirto wax horimar ah oo ay ku sameeyaan kaabayasha wax soo saar ee dalka. Sida Wasaaradaha. Beeraha, Xoolaha iyo warshadaha oo ah lafdhabarta dhaqaalaha ee dalka. Iyada oo dhanka kale meelo aan manfac iyo faa’ido toona u lahayn dhaqaalaha dalka iyo nolosha muwadinka, lacag badan lagu kharash garaynaayo ama loo qoondeyay. Sida haayada abaabul kasaarka qaranka. Oo aan odhan karo waa (Haayada Aafadda Qaranka)

Sida aydun ka arki kartaan jaantuska hoose, waxa ka muuqata qabyo badan qoondayta kharashka.

Xigasho: Miisaniyadda 2017

Waxaad arkays in miisaaniyadda loo qoondeyay hayadda abaabulkasaarka qaranku in ay ka badan tahay afar wasaradood oo lafdhabar u ah wax soo saarka dalka iyo dhaqaalaha dalka labadaba.

Iyada oo aan wax shaqo ah iyo mafnac ah, oo ay xiligan dalka ay u leedahay haayadani aanay jirn. Marka laga tago in ay door muhiim ah ka soo qaadatay wakhtigii dib u dhiska qaranka oo jabhadiihi hubaysna ee dalka xoreeyay ay ku samaysay hub kadhigis iyo qaramayn.

Hadana iyada oo ay sidaa tahay wakhti xaadirkan wax dheef ah oo ay u leedahay qaranka majirto.

Waxa kale oo ay Haayadani ka miisanid badantahay wasaaradda Arimaha Gudaha.

Xaga kale meelaha ay miisaaniyadu qalad iyo qabyada ku leedahay waa lacagta loo qoondeeyay wasaaradda madaxtoyadda oo ka miisaaniyad badan 6 wasaaradood. Dadka ka shaqeeyana ay yahiin in ka yar 120 qof oo shaqaale ah!!

Xigasho: Miisaniyadda 2017

Dhanka kale wasaaradda maaliyadda ayaad mooda in ay lacag badan isu qoondaysay si ay awood dherad ah ugu yeelato hawlaha qaranka. Sida Khasnada guud ee qaranka oo 23% miisaaniyada guud ee dawladda dhexa ay ku jirto.  Taas oo ka badan 26 wasaaradood ee kale.

Waxa aynu qormada tan xigta ku eegi doona doorka ay miisaaniyadu ku leedhay sixir bararka iyo Khasanada Guud ee qaranka waxa ay tahay!

LASOCOC QAYBTA LABAAD…

Yasin Calase

Hageysa, Somaliland

Senior Lecturer at University of Hargeisa

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso