Waddo Isku Xidhaysa Degmooyinka Daroor iyo Gaashaamo ee Gobolka Jarar oo Saaka uu Kormeeray Gudoomiyaha Gobolka Jarar

Wado isku xidhaysa Degmooyinka Daroor iyo Gaashaamo ee Gobolka Jarar ayaa si habsami leh u socota , Wadadan ayaa saaka waxa kormeeray sida ay u socota Gudoomiyaha Gobolka Jarar Md Cabdi Cali Xasan .

Wadadan ayaa ah mid ay baahi weyn u qabeen dadka deegaanku taas oo ah mid wax badan ku soo kordhinaysa degmooyinka iyo guud ahaan Dawlad deegaanka Somaalida Itoobiya.

sidoo kale wadadan ayaa ku xidhamaysa Ceelka Riiga ah ee dhawaan Xukuumada Dawlad Deegaanku ka qoday Degmada Daroor ceelkaas oo ah mid wax badan ka taray Baahidii Biyood ee ka jirtay Deegaankaas si weyna ay u soo dhaweeyeen uguna mahadnaqeen dadka deegaanu Wax qabadka la taaban karo ee uu fuliyey Madaxweynaha Dawlad deegaan Soomalida Itoobiya Md Cabdi Maxamed Cumar,

Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhawanahan iyo sanadadii u dambeeyey ba ahayd mid cagta saartay dhabaha Horumarka dhinac walba lana jaan qaaday Itoobiyada Cusub.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso