Xusseen Tansaaniya, Fool-horaadkii Aqoonta Casriga ee Geeska Afrika

Xusseen Tansaaniya, Fool-horaadkii Aqoonta Casriga ee Geeska  Afrika

Qallinkii Xassan Cumar Horri

Alla ha u naxariistee Xusseen Maxammed Aadam “Xusseen Tansaaniya” waxaa uu ku geeriyooday magaalda Boston ee Carrada Maraykan, badhtamahii bishan January 2017. Waxaa uu ahaa fool-horaadkii aqoonta casriga ee Geeska Afrika, aabahii aqoon-baadhista Somaaliyeed iyo doodyahankii aan loo babbac dhigi jirin. Waxaa lagu xusuusan doonaa lafa-gurka sooyaalkii, raad-goobkii iyo baadi-soocii summadda Somaaliyeed. Allah ha ku xasiliyo Jannada Fardowsa, waxaa uu ahaa qalin-dhaadhigii haybta Somaaliyeed, xeel-dheere heeri adduun-weyne iyo dayax aan lagu dabooli karayn baabacada.

Haddaba, giraanta, waxaa aan dib u celinayaa labaatan sannadood si aan kor uga xaadiyo sooyaalkii Allah ha u naxariistii macallinkeennii Prof Xusseen Tansaaniya.
Ammintu waxaa ay ahayd Jimce, 17/08/2007, Goobta lagu sugnaa waxa ay ahayd  Columbus, Ohio ee carrada Maraykan. Magaaladu waxaa ay hoy u ahayd  tobonaan kun oo Somaali ah. Maalintaa, isagoo weli ku sugnaa adduunka korkiisa, waxaa loo soo shiray qadderinta Prof. Xuseen Tanzaani iyo in loo qiro kaalinta mugga leh ee uu kaga xardhan yahay aqoonyahannada iyo aqoonta Somaaliyeed.

“In uun haddii aan wanaag sameeyey, Allaylahe maanta ayey dhacday oo aan dhammaanteen u kullansan nahay xurmada professor Xusseen Maxammed Aadam”. Sidaa waxa ku baaqay professor Saciid Shiikh Samatar oo mid ka ah faro-ku-tiriska safka hore kaga jira aqoon-ruugga Somaliyeed.

Si la mid ah, anniguna (qoraaga) haddii, in uun, gacantaydu gaadhay gacan aqoon-ruug, Allaylahe waxa ay dhacday maalintii Ciidda weyn (Al-Adxa) 2010, aniga oo hudheelka Dalxiis ee qarka u saran dooxa Hargeysa ku gacan qaaday Professor Xusseen Maxammed “Tansaaniya”, isla maalintaas, ka soo degay gegada dayuuradaha, Hargeysa.

(Prof. Xusseen iyo Qoraaga Xassan Hoorri)

Run ahaansho, gacantayda oo dib u baqaysa waxa aan ka buuxsaday gacan la dubaaxinaysay culayska qalinka iyo tabaashiirta ay ku rarnayd, malahayga, kontomeeyo sannadood; gacan abaalkeeda Allah mooyee aan cid kale gudi karayn.
Haddaba, Waa Kuma Xusseen Tansaaniya?
Ma ahayn in aan isweydiino maanta, hase ahaatee Si aan uga warceliyo isweydiinta, waxa aan ku ciil baxayaa weedho murtiyeed oo uu Prof. Saciid Shiikh Samatar ku ladhay caleemo-saarkii Allah ha u naxariistee Prof. Xusseen oo halkaa lagu guddoonsiiyey Billaddii ugu sarreysay ee ka soo baxda hoyga ugu mudan iyo fiinta loo raad raaco aqoonta Somaliyeed (Somali Studies International Association). Run ahaantii, raad-raaca iyo weedhaha Prof. Samatar waxa ay gundhig u yahiin qormadaydan, waaba haddii aan  hawraartiisa soo min guurin karo.

Bishii April, 1943, dooxo ka soo hoobata buurta Mount Mero ee aan ka fogeyn buurta dheer ee Kilimanjaro, magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya, hooyo haybteedu isku dhafan tahay ayaa ku dihatay wiil Somaaliyeed oo aabbahiis ka soo hayaamay xaggaas iyo carro edge iyo ceelkii Hargeysa. Hooyadu waxaa ay ka isirranayd Hindi (lab) Muslim ah iyo gabadh laandheere ah oo ku abtirsatay beel-weynta Masai ee geeska Afrika. Wiilka oo madi ahaa (Xuseen Tansaaniya) Eebbe waxa uu ugu cawil celiyey in uu aabbe u noqdo 7 ubad ah oo hadda, ku sii hawllan kordhinta taranta qoyska.

Ilmahii ku soo barbaaray duruufahaa aan soo sheegnay, inkastoo uu ku soo hana-qaaday dhaqan qalaad, bahda aqoontu, waxa ay isla qireen kaalinta wax-ku-oolka ah ee uu ku yeeshay horumarinta waxbarashda sare ee ummadda Somaaliyeed iyo sugidda sooyaalkooda. Sidaa awgeed, si ay filyartu uga tilmaam qaadato, waxa la isweydiin karaa Macallin Xusseen halka uu uga soo sahay qaatay geeddi socodkiisa waxbarasho.

Guul-darrada hal aabbe ayaa loo nisbeeyaa halka Guushu ay boqol aabbe ka leedahay. Qof kasta oo hore u raadraacay waayahii Bare Xusseen Tansaaniya (anigana igu dar) waxaa hubaal ah in uu garawsan karo halka uu ka tamarinayo iyo ilayska uu ku iftiimiyay aqoontiisa magoolka ah. Haddaba, dhacdada isha iyo jidka u jeexday Prof Xusseen, sida uu hore u sheegay, aniguna aan ka dhegaystay, libteedu waxaa ay u noqonaysaa maamulahii Dugsigii Hoose/Dhexe ee Caruusha halkaasoo uu yarantii wax ku soo bartay.

Maalin maalmaha ka mid ah, maamulahii waxaa uu soo bacad joojiyey Xusseen iyo saddex araday oo iyaguna ka soo jeeday Somalida. Qalin-leefta waxaa la soo hor tubay fagaare ay ardaydu ku kullansaneed iyagoo loo godobeeyay haybtooda Soomaaliyeed.

Haddaba, maamulahii dugsiga oo u manno sheeganayay ardayda Somaaliyeed ayaa ku tiraabay, “bal u fiirsada afartaa dibjirka ah ee ku taamaya in ay ku sii negaadaan dalkeenna jannada ah”. Waxaana uu ku ladhay, “kuwani ma ay laha dal ay u noqdaan. Waxa ay u dhasheen dhul omos ah oo ciid, ciid, ciid iyo cadceed kulul ah.”

Kolkii uu erayadaas ku duray Maamulahii iskuulku, afxumadu waxaa ay si hoose u gubtay Xusseen oo markaa ku jiray sannadkii afaraad ee waxbarashada dhexe. Waxaa maskaxdiisa ka guuxay aflagaadadii maamulahii dugsigiisa, waxaana uu yiqiinsaday si kasta oo uu uga xuubsiibto abtirkiisa ama uu uga xadhig furto dadkiisa, in iyaga loo aanaynayo. Isagoo aan hore u dhaadin isirkiisa, maalintaa waxaa qalbigiisa degtay kalgacayl uu u qaaday qof kasta iyo wax kasta oo Somaali lagu xidhiidhiyo.

Waxaa uu jeclaaday in uu ku geeraaro maansada Somaalida oo uu xilligaa ka dhow la’aa. Waxa uu u hiloobay buqcad kasta oo ka mid ah arlada Somaaliyeed, bad, buur iyo  bannaan oo dhaayahiisu aanay weli qaban. Waxa uu aad ugu xiisay la kulanka gabdha kasta oo Somaaliyeed oo waagaas dareenkiisa ka maqnayd. Waxaana uu si  dhab ah u jantay hiddaha, dhaqanka, huga iyo cuntada Somaaliyeed.

Dharaartaas waxaa uu tafaha u xaytay sidii uu ugu biiri lahaa, uguna hiilin lahaa ummadda Somaaliyeed. Waxa uu hiigsaday aqoon sare oo uu ugu adeegi karo bulshadiisa ka fog, meel kasta oo ay joogaan. Aflagaadadii macallinkiisa waxaa uu kaga jawaabay dedaal dheeraad ah kaasoo u suurta-geliyay in uu ka hillaaco dugsiga korkiisa.

Xusseen, dhibcahii ugu sarreeyay ayuu kaga gudbay imtixaankii dugsiga sare taasoo u fududeysay in uu deeq waxbarasho kaga kasbado jaamacadda magaca weyn ee Princeton ee dalka Maraykanka, waxaana uu ka dhifsaday shahaadadda kowaad (BA). Jaamacadda Makerere ee dalka Uganda ayuu ka qaatay Shahaadadda labaad (MA). Sidoo kale, shahaadad la heer ah (MA) waxa uu ka mutaystay jaamacadda milgaha weyn ee Harvard ee dalka Maraykanka. Xusseen, isla Harvard waxa uu ka hantay shahaadadda sare ee aan wax loo dhigaa jirin ee PhD, halkaasna waxaa uu ku noqday qofkii ugu horreeyey, haybta Somaaliyeed, oo Jaamacadda Harvard ka soo faro maroojiyay abaalinta PhD.

Heerka waxbarasho ee Prof. Xusseen kuma koobna kaalinta sii sarreysa ee PhD, balse waxa uu ku sii bilay dibloomooyin PhD dabadeed ah oo uu ka helay xarumaha aqoonta sare sida Mac-hadka arrimaha bulshada ee Hague, Holland, Jaamacadda American University, Qaahira, Masaar iyo Jaamacadda Paris ee Faransiiska.

Macallin Xusseen oo ku hubaysan aqoontaas mugga weyn, sannadkii 1974 waxa uu u soo qalab qaatay Somaaliya. Sidaa darteed, muddo aad u dheer waxaa uu ka soo shaqeeyey Jaamacadda Qaranka Somaaliyeed (SNU), Muqdisho. Xilligaa, kumanyaal aqoonyahan ayaa ku soo barbaaray gacantiisa kuwaas oo nasiib u helay in ay ka waraabaan ceelka wiyeerka iyo biyo yaroodka ah ee aqoonta Somaaliyeed.

Macallinku, waxa uu bare ka soo noqday Jaamacadaha Makerere, Brandeis iyo College of the Holy Cross oo uu waaxda aqoonta siyaasadeed (department of political science) ka ahaa xubin  mudnaan leh (distinguished member). Prof Xusseen waxaa uu yahay bud-dhigahii Ururka Cilmi baadhista Aqoonta Somaaliyeed oo muddo 40 sannadood ah ururinayey, soona bandhigayey hanaqaadka iyo xeeldheeraanta aqoonta Somaaliyeed. Waxa uu qoray 11 buug iyo boqolaal qormo cilmiyeed oo ku baahay dunida aqoonta.

Isu soo baaci, Allah ha ku abaaliyo jannadiisa, Prof Xusseen Tansaaniya waxa uu ku sifoobay aabbe looga tilmaam qaato dhaqan-samida qoyska, bare gacantiisa laga soo aflaxay iyo dalyahan hayn u ahaa ummaddiisa. Macallin Xusseen waxa uu ku suntan yahay “Dayax aan Baabacadu Qarin Karayn” kaasoo kaahiisu ka hillaacay dunida aqoonta. Hase ahaatee, waxaa isweydiintu tahay sida nuurkiisa ay u iftiinsan doonaan bulshada Somaaliyeed ee uu ragaadiyey mudigu?
Xassan Hoorri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe.
Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac Twitter @horrimania

Advertisement

Ku Xayeysiiso