Beer-caddaad: Naga Bixi Ilaahow Abaar, Baahsan Baa Timiye W/T Siciid Gahayr

Abaar… Abaar… Abaar… Waa erayadii ugu badnaa ee aan maqlayay tan iyo bishii tobnaad ee sannadkii 2016ka. Ilaahay ummadda dhibaatada ha ka dulqaado, ma aha wax qof, koox, qoys iyo gobol qudha saamayn ku leh. Waa imtixaan ku habsaday dhammaan ummadda Somaliland iyo ummadda Soomaaliyeedba. Haddii aynu malaayiin bixinno, ma dabooli karno baahi ummadeed. Raxmaanka awoodda leh ayaynu ka baryaynnaa in uu dhibaatada inaga dul-qaado.

Marka laga yimaaddo qaddarka iyo qoondaha Alle, qudheennu qayb ayaynu ku leennahay musiibooyinka. Bilihii ay oonka iyo harraadku dabarku goosteen waxa aan ahaa maxbuus, ninka duudsiga igu taxaabayna dacallada adduunka ayuu mushaaxayay isaga oo aad mooddo in aanu cidna waxyeelin. Marka aan arko madax dhagar-qabeyaal ah oo u yaboohaya abaaraha, waxa ay niyaddu tidhaahdaa “waa qayb ka mid ah dalaggii ay beereen”. Waxa ay ka dhalanayaan dulmiga, macaasida, eexda, qaraaba-kiilka, musuqa iyo dhaqannada xun ee maanta dal iyo dawladba inaga muuqda.

Si kasta oo xalaaddu tahayna damiirka fayoobi kama aammusi karo in uu af iyo addinba ugu kaalmeeyo bulshada, dhammaanteenna saamayn ayay inagu leedahay. Gabaygan kooban waxa aynu Eebbe kaga baryaynnaa in uu inaga dulqaado aafada ina halakaysay. Nimcadiisa oo qudha ayaa bulshada deeqi karta.

Waxa uu yidhi:

Basharkiyo nimcooleyda iyo, baalleydiyo haadda

Bad kalluun dabbaashiyo intii, buuro lagu uumay

Bog intii ku socotiyo intii, birinbirqaynaysa

Bardihiyo galoolkiyo dhirtiyo, beeyo iyo liinta

Kol ay tahay bakteeriyada aan, baalku qabannaynin

Badiicow Ilaahow adaa, beeray idilkoode

Adigaa hadday baahanyiin, biilka siin kara’e

Adigaa bukaan ruuxa qaba, baanta daawada’e

Maantana aduun baan baryada, kuu bandhigayaaye

Bismillaahi adigaan gacmaha, kuu ballaqayaaye

Baradii Sanaag iyo dhulkii, baadku ka idlaaye

Baallaha Togdheer bay naflihi, bacadka joogaane

Badiicow habaasyaa ka kacay, Soolashii bariye

Badhan iyo Hadaaftimo tan iyo, buuro iyo qawyo

Bancaddiyo Saraar iyo illaa, beeratiyo Xaaxi

Ama babacyadii Daadmadheedh, buuqi wada gaadhye

Bankii Qoolcadaa dhiillo iyo, baaqyo soo diraye

Baki iyo illaa Awdal buu, boodhki marayaaye

Waagay biyii naga gudheen, oonka bi’inaayay

Baadkana naflihi laastay ee, doogna bixi waayay

Baraarka iyo xoolii nuglaa, way bakhtiyayaane

Sumalkii baruur laguma oga, badhida weynaaye

Buruudka iyo geelii lahaa, baawarkiyo xooggu

Basanbaaska wuu tawdhabaa, baaqigii hadhaye

Taag-yari hadduu baarqabkuna, booddadii gabaye

Boor iyo lo’dii baa ku sugan, baylah maalmahane

Fardihina baxnaanayn la’aan, lama bilcoonayne

Haddii uu dameer foosta budha, bidhiqda jiidaayay

Badankiisa lama saari karo, baaldiyaal madhane

Biciidkiyo ugaadhii kaliyo, biiqna hadal daaye

Baxrashoonka hawshiyo markii, diiftu nagu biirtay

Boqollaal kun oo mayl haddii, baadka lagu sheego

Baqoolkay ku dalandoolayaan, beelo geeddiyiye

Bog-madhnaanta waa loo dhintaa, loo naf-baxayaaye

Basharkiyo addoomii hadduu, beer-caddaad dilaye

Bu’da iyo sidii jiidhka iyo, maanka baradiisa

Bulshadeennu waa ruux qudhiyo, beer qof oo kale’e

Belayaada dhacaysaan adduun, lala bakhayleene

Badhi-taariddaa nala gudboon, biixidaa jabane

Bangiyada haddii laga dalbado, bawnka iyo moodka

Ama aan balaayiin dhigniyo, beenso iyo maalba

Ama booyad aan dhaaminniyo, buudhi iyo gaadhi

Bani-aadan wixii uu huraan, baahi celinaynne

Bara-yaraha dhibicood shubtaa, lagu bogsoon laaye

Burqashada cirkoo noo da’aa, boodhka nabi laaye

Boggu wuu ku raynrayn lahaa, bululuqdii roobe

Barwaaqiyo nimcada hooraysaa, lagu badhaadhaaye

Biligtii hillaacoon arkuu, beerku degi-laaye

Onkod biririgtiisay dhegtuna, “baafi” leedahaye

Basiirow naqoo ii curtaan, beerta qodan laaye

Wax basaasta iga qaadi kara, bawdka daad mara’e

Bandarkii magaalkuna dhibtuu, baaxaddegaaye

Sixir-barar markuu nagu dhacee, biiqay naqadkaygi

Wax busaarad lagu soo dul furay, beledyadaydiiye

Belaayada dhammaanteed adaa, Baariyow tira’e

Bashbash iyo wanaag buu qalbigu, baahidii qabaye

Naga bixi Ilaahow abaar, baahsan baa timiye

Ummadyahay markii baaddilkiyo, booli laga haagay

Bulshyahay dunuubtiyo kolkii, beenta lagu dhaatay

Markii baabka diintiyo xaqiyo, khayrka laga baydhay

Bishinteennu goortay cabsida, “towba” badin weyday

Booyitaanku waa kaa dhacee, oon bes loo yahaye

Baqashiyo markii samafalkii, boowe laga weecday

Biqilkii sharkeed laasinteed, beerataa yimiye

Dembi-dhaafka badintiisa waa , lagu badbaadaaye

Bishimaha Raxmaan tuugsadaan, balanbal daarayne

Cibaadada in loo beretamaa, lagu bashaashaaye

Bino iyo intaa daarta iyo, baawar lagu taamo

Bayhoof ma yeedheen haddaad, Eebbe baridaane

Dhiciskuba birtoon gaadhin buu, sii bakhtiyayaaye

Basar-laawayaashaan cugtaa, ima banbaanshaane

Baashaala mooyee khalqiga, baanta may garanne

Boqorrada haddeer doobyayaa, may baraarugine

Ummad baahan baa loola tegay, “foodka soo bixiye”

Batroolkooda oo qudha haddii, boono lagu gooyo

Bariis buu jari laa shacbigan, bayd-go’ee nugule

Inkastoo balyuun jeer nimcada, bili la ii siiyo

Ma aqaanno qaab looga baxo, baahi aan tegine

Mar uun baanse yool beegsan oon, beeran geedaha’e

Mar uun biyaa dabar ku-xidhi, yay badweyn tegine

Balliyiyo kol uun baa la qodan, kuman baraagoode

Mar uun baan intaan tacab biqlado, dhuuni ii bixiye

Belaayada dhammaanteed adaa, Baariyow tira’e

Bashbash iyo wanaag buu qalbigu, baahidii qabaye

Naga bixi Ilaahow abaar, baahsan baa timiye

Aamiin…. Aamiin… Aamiin…

Siciid Maxamuud Gahayr

siciidgahayr@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso