War jiraaba Cakaaruu Iman.W/Q: Nuuradiin Cabdullaahi Col-ujoog

W/Q: Nuuradiin Cabdullaahi Col-ujoog

Maah maahdan oo aan la aqoon qofkii curiyay, waxaa la’adeegsadaa  marka lagu murmo warar  iyo dhacdooyin  aan la hubin run ahaanshahooda ama kuwo  aan weli dhicin ee lafilayo in mustaqbalka ay dhacaan oo lagasii doodo qaabka ay u dhici karaan. Maah maahdani,waxa ay ku baxday,geedkan uu ka boodayo Maxamuud Xaashi Cabdi  wasiirka madaxtooyada Somaliland.

    Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka madaxtooyada Somaliland oo ka boodaya geedka ay ku baxday maah maahda                                                                          Warjiraaba cakaaruu iman.

Geedkani sida la ii sheegay, waa geedka keliya ee hoostiisa la hadhsan karo ee ku  dhex yaalla banka aadka u dheer ee loo yaqaan Xaadeed oo bari ka xiga Magaalada Ceerigaabo ee  xarunta gobolka Sanaag. Dadka  ku dhaqan aaggaas oo dhan, ayaa isugu iman jiray  xilliga Duhurka oo hadh usoo raadsanjiray isla markaana isku waydaarsan jiray war iyo wacaal waxa uu midkastaa hayo.  Wararka soo dhaca ka hor inta aan geedka latagin ee qof ama cid gaar ahi maqasho, si loo xaqiijiyo jiritaankooda, ayay soo baxday “ War jiraaba cakaaruu iman” .

Maanta iyo marar badan  oo kale,  ayaan la kulmay dad ku murmaya  guddoomiye nimada xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi  waxa uu ku wareejinayaa  kuxigeenkiisa  Maxamed Kaahin Axmed iyo maya e waxaa uu ku wareejinayaa  Maxamuud Xaashi Cabdi  oo adeegsanaya maal badan iyo awoodda madaxtooyada halka dadka qaarna ay qabaan in labadooda midnaba aan lagu wareejinayn ee guddoomiye nimada  laga iibiyay Pro Axmed Ismaaciil  Samatar .  

 

Arrintani, waa mid mustaqbalka lafilayo.  Waxay  u dhici kartaa  saddexda weji mid uun  ama si ka duwan intaaba. Sidaa darteed , ayaan  usoo qaatay maah maahdan iyo sawirka wasiirka oo aan qaaday  21kii bishii July,  2016, wakhtigaas  oo wafti uu hoggaaminayo wasiir Maxamuud Xaashi ay kasoo dhaqaaqeen degmada  Awr-boogays oo lagu soo  gunaanaday  shir nabadayn ah oo laba maalmood  uga socday xukuumadda Somaliland iyo beelaha dega   gobolada Sool,  Sanaag , Xaysimo iyo deegaanno  tiro badan  oo hoos yimaadda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso