Cusbitaalka Hargeysa: Miishiinkii Weynaa ee soo saari jiray Oksajiinta oo Fadhiistay.

Muddo haatan laga joogo 12-Sannadood ka hor ayaan booqday dhisme weyn oo loogu tallo-galay suuqa ganacsiga kaluunka degmada saylac, wakhtigaas, waxaan ku arkay dhismahaas oo hoy u noqday Ay’da ku nool degmadaas.

Annigoo arrintaas aad ulla yaaban ayaan weydiiyey oday ka mid ahaa deegaankaasi, sababta keentay in dhisme weyn oo aad u qurux badan oo loogu tallo-galay suuqa ganacsiga kaluunka, in uu hoy u noqdo nooc ka mid ah xayawaanada ku nool deegaankan.

Waxa uu iigu jawaabay odaygaasi,  bulshada ku nool deegaankani wax aqoon ah u malaha sida bada looga kaluumaysto,  mana jirto cid u fidisay habkii ay kula soo bixi laahaayeen khayraadka bada ku jirta iyo cid ku caawisay qalabka lagu kaluumaysto, markaa dhismaha weyn ee halkan laga bineeyey waxa ka horeeya dadka oo la barro habka loo kaluumaysto, taasaa sabab u ah in ay maanta dhismahaa qaaliga ahi uu u noqdo hoy Ay’da ku nool degmada Saylaca,  ayuu iigu jawaabay Odaygaas.

Haddaba, marka aad eegto xukuumaddii hore iyo xukumaddan maanta tallada haysaa waxa jira faraq –weyn oo u dhaxeeya dhinaca gaadiidka qaada dadka bukaan jiifka ee loo yaqaano ambulance’ka, kuwaasoo xukumaddiii hore ay tiradoodu ahaayeen 26-Ambulance oo kaliya, halka xukumaddan maanta tallada haysaa ay ku kordhisay 181-Ambulance oo ka hawl-galla dhamaan goobaha adeegyada caafimaadka ee dalka jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxa ay isweydiintu tahay dhamaan gaadiidkaasi ma’laha qalabka Oksajiinta ah ee loogu tallo-galay qofka bukaanka ah, ama dhaawac ku yimaado ee lagu soo qaado gaadiidkaas, isla-markaana, inta qofka dhaawaca ah, ama bukaaanka  lagu soo wado cusbitaaladda, waxa suuro-gal ah in ay u dhintaan  Oksajiin la’aan,  inkastoo dhinaca xukumaddu ay sameysay dadaal badan, haddana halkaasi waxa laga dareemayaa cidii dhameysitkeeda lahayd in aanay iska xil-saarin.

Marka laga yimaado arrimahaas oo dhan, waxa maanta ayaan darro ah in mishiinkii weynaa ee soo saari jiray Oksajiinta cusbitaalka weyn ee caasimada Hargeysa  uu u fadhiistay dayac-tir la’aan muddo laba todobaad ah, kaasoo, lagula tacaali jiray dadka bukaan jiifka  ah  ee yaala cusbitaalka weyn ay soo wajahday war-war weyn  iyo dadka aqoonta dheer u leh caafimaadka oo ku tilmaamay in ay arrintaasi keeni doonto xaaladd  khatar oo gaadhi karta illaa heer dhimasho,  dadka  bukaanka ah ee aan awoodin  in uu jidhkoodu sameeyo hawo qaadasho iyo dadka xaaladoodu ay ku jirto miyir-doorsoonku ee lagula tacaali jiray oksajiintaas macmalka ahayd ee uu soo saari jiray mishiinkaas.

Mishiinkan oo ay innagu  caawisay hayadda laan-qayrta cas ee imaaraadka carabtu sannadkii 2009-kii,  waxaanu ahaa mishiin  qiimihiisu uu aad qaali u ahaa, waxaanu qayb laxaad leh ka qaadan jiray badbaadada dadka ay ku yar tahay, hawo qaadashada, dadka lagu sameynayo qaliinada, dadka ku soo dhaawacma shilalka gaadiidka ee ay ku jira xaalad miyir-doorsoon,  dadka qaba xanuunadada neef-qabatowga, isla-markaana, waxa uu cusbitaalku, hadda kula tacaalayaa mishiin yar oo gacanta lagu qaado, kaasoo tiradoodu ay aad u yar tahay, waana mishiinadda yar yare e ku shaqeeya laydhka ee soo saara Oksajiin badhxan ee aan fiicnayn.

Gunaanadkii qormadaydan waxaan u soo jeedin lahaa  madax-weynaha jamhuuriyadda Somaliland in uu arrintaas iyo arrimo kale oo badan oo aan loogu soo gudbinin war-bixino ka turjumaya xaqiiqada dhabta ah ee  ka jira Wasaaradda Caafimaadka.

Madax-weyne waxaan Alle kaaga rajeynayaa inuu kula garab qabto, hawlahaas iyo hawlaha kale eek u sugaya.

W/Q:  Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso