Isa-Seeg Qeybtii 3-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Cabaddaas isla daqiiqaddii uu al-baabka ka boodayba waxa uu  waayay Inantii uu muuqaalkeeda  ku indho-daraadaray,sababta ugu weynina waxay ahayd jawiga habbeenkaas oo gudcur ahaa iyo Jihadda ay u dhaqaaqday oo uu garan waayay,isla jawigga bedelan waxa sii sababay ilaa saacad ka hor oo uu magaaladda ka qaaday roob weyn oo  ilaa labbo saacadood da’ayay,kaas oo yarreeyay isku-socodka Magaaladda,iyadda oo meelo badana ay biyo-jiifaan. Muddo ku siman tobban daqiiqo ayuu kolba dhinac u cararaa,qofkii meel socda ee uu arkaba wuu kusoo ordaa,waxaana uu ku yidhaahdaa “Walaalo,ma heblaayaa?,Haa,raali ahaw Inan aannu walaalo nahay oo aannu wada-socanay,xaafaddana aan kala garahayn ayaan ku moodayee,bal haddii aad meelahaas inta aad socotaan ay idinkaga soo hor-baxdo,iyadda iyo Wiil aan abti ahay ayaa wada-socdee telafankan igala soo hadla”.Wax uu qof-kasta oo kasoo hor-baxa ku odhanayaa intaas,isaga oo telafankiisa gacantana u qoraya,ruux kastaana wuu naxayaa marka uu arko jawigga uu cabbaas ku sugganyahay oo waxaa loo fahmayaa qof xubno ka mid ah qoyskiisii waayay wakhtigan oo iska habbeen ah,khataro badana ay iska jiri karaan.Ninkii Cabbaas ee xaaladda caafimaad u yimid farmasigii,hadda  waxa uu galay xaalad kale oo wal-walkeeda leh,wadda-ba waddo kale ayay usii dhiibtaa ilaa uu masaafo dheer ka fogaaday xaafaddii uu degenaa. Waxa uu garan la’yahay meel uu ugu hagaago inantii muuqaalka-bilnayd ee qalbigiisa saaqday,wakhtiga ayaa isna kusii dhawaanaya xiligii ay cagtu istaagi jirtay ee ay dadku kala seexan jireen,iyadda oo ay caawa dad badani guryahoodii goor hore iska xaadiriyeen,maadama ay magaaladdu roobanayd,kolba waxa kasoo hor-baxaya Nin soo qayilay oo Budh sita,xabad Sigaar ahna u daarantahay,waxa uu la’yahayba qof humaag dumar leh. Waxa eersanayaa fursadda qaaligga ah ee uu iska khasaariyay,waxaana uu fadhiistay meel sees  ah waxaana uu naftiisa kula shawrayaa sida tan; “ Hadda waa saacaddu waa 11:30 Habeenno,maaha wakhti aad soo jeedi jirtay,marka ugu yar xiligan oo kalle waxaad kusoo jeedday wax-akhris ama shaqo,taasina caawa meesha ma taallo oo waxaad ku jirtaa xaalad kalle oo ay adag-tahay inaad caawa labbo indhood isku-keento oo ay hurdo kuugu soo dhacdo.Waxaad dareemaysaa Xumad jidhka oo dhan ah,adiga oo sacaaddo ka hor ka cabanayay xumad meel kalli ah,taas oo ahayd dhaawaca fudud ee kaasoo gaadhay Kubaddii aad galabta ciyaaraysay.Waxa xaqiiqo ah inuu kula daris-yahay dareen culayskiisa  leh,dareen wax-badan ka baddalli doona nolashadda.Hadda waxaad tahay arday Dugsi sare ku jira,gaar ahaana Fasalka 3-aad,waxa kale oo aad aabbo ka nasisaa maalmaha Jimacaha Hoteelkiina.Caawa kollay gurrigii aad baa laygaga wel-welsanyahay,waayo waxaan hadda arkaa in dhawr iyo toban jeer ay isoo garaaceen aabbo iyo Hooyo,iyada oo markii aan Farmasiigga imanayay ay I ogayd Hooyo iyo inantayadda Amran. Waa inaan hadda xaggaas guriggii iska luudaa oo aanan waxa igu dhacayna cidna u sheegin,haddii lay weydiiyo halkaan ku habsaamayna u sheega in Wiil asxaabta ah xaafadooda kula soo daawanayay Ciyaar ka tirsan Horyaalka Qaaradda Yurub oo aad u xiiso badnayd.Intaas waxii ka danbeeyana aan guddo-galaa sidii aan uga war-keenni lahaa Inantaas muddo kasta oo ay igu qaataba,xattaa haddii ay noqonayso in aan Waxbarashaddayda u seego iyadda awgeed,taas baa iga ballan ah,haatan aan goobtan iskaga kaco.!”

Sidii ayuu Cabbaas yeellay,waxaana u dhaqaaqay jihaddii uu ka xigay gurigoodu,balse waxa uu kasoo fogaaday masaafo dheer,waxaana uu kasoo tallaabay Sekeddo badan oo aannu wakhtigaas uu  socday aannu dareen-sanayn,balse uu hadda aad u dareemayo inay wali gurigooddii fog-yahay.Cabbaas waxa uu soo luudaba ugu danbeyntii waxa uu soo gaadhay Xaafaddoodii,waxaana al-baabkii ka furtay Hooyaddii oo aad u naxsan,iyadda oo weydiisay xagguu ku habsaamay,maadama uu qorshuhu ahaa inuu kasoo noqdo Farmasiga xaafadda u dhaw. Cabbaas sidii uu markii hore ku tallo-galay waxa uu Hooyaddii u sheegay in aanay wax dhibaato ahi jirin,lugtiina ay wanaagsan tahay,isla-markaasna uu qaar ka tirsan asxaabtiisa lasoo daawanayay Ciyaar kubadda cagta ah,waxaana uu intaas usii raaciyay inuu Hudheelka kasoo casheeyay oo aannu wax casho ah u baahnayn,in-yar ka dibna waxa uu si toos ah u gallay qolkiisii hurdada,isaga oo qorshihisu yahay in ugu yaraan ka jabo daalka aadka ah ee uu dareemayo,balse dhinacaba dhulka wuu dhigi kari la’yahay,waxaana daqiiqad daqiiqad u hor-imanaya Sawirka Inanta,waxaana uu kolba kusoo salalayaa mutuutulkaas hor-yimid,isaga oo u qaadanaya inay dhabtahay oo ay inantii is-horjoogaan.

La-soco qeybaha Sheekaddan oo aad u xiiso badan,

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Email;Daacad461@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso