Daawo: Wardegdeg ah Ra`isal wasaaraha Dawlada Ethiopia oo ka degay Degmada Gaashaamo isaga oo Ka soo kicitimay Magaalada Qabritahar.

 

Ra`isal Wasaare Hailemariam Desalegn Ayaa Goor dhawayd Ka degay Magaalada Gaashaamo ee Degmada Gaashaamo  Halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha DDSI Md Cabdi Maxamuud Cumar iyo Qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada Sidoo kale waxaa goobta ugu diyaar ahaa Dadweyne aad u tiro badan oo u Sii diyaar garoobay Soo dhawaynta Ra`isal wasaaraha Dalka Ethiopia Md Hailemariam.

Ra`isal Wasaaraha ayaa kulan la yeeshay Bulshadii ku dhaqnayd Degmadaas oo Hoos tagta Gobolka Jarar Kadib kulankaas uu la qaatay madaxda Deegaanka iyo Dadka dega Degmadaasi ayaa Ka amaba baxay isaga oo sii wata safarkisa.

Sidoo kale Dhamaan madaxda Dowlad deegaanka ayaa la filayaa in ay caawa ku kulmaan Degmada Daroor taas oo ay kulan balaadhan ku yeelan doonaan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Togaherer.

Advertisement

Ku Xayeysiiso