Tacsi Gudoomiyaha Kulmiye diraayo geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Xasan Habarwaa

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Xasan Habarwaa oo ku geeriyooday magaalada Burco xalay oo ay taariikhdu ahayd 21/01/2017.

Marxuum Oday Maxamuud Xasan Habarwaawaxa uu door ballaadhan ka soo qaatay halgankii iyo nabadayntii dalka. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu geeridan si gaar ah tacsi ugu dirayaa dhamaan reer Maxamuud Xasan Habarwaa, gaar ahaan Xasan Maxamud Xasan oo uu Marxuumku Aabihii ahaa.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkaba Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso