Aqoonta Xadiiska ‘Musdalaxul Xadiis’ Qaybtii 6aad

Aqoonta Xadiiska ‘Musdalaxul Xadiis’

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 6aad

Xadiiska Mu’talifka 

 

Xadiiska Mu’taliifka iyo Mukhtalifka ah?

  • Mu’taliifka iyo Mukhtalifku waa isku qoraal laakin sida loo kala odhanayo ayaa kala duwan.

Mu’taliifka iyo Mukhtalifka qoraal ahaan waa isku mid balse kala si baa loo akhrinaya ama se dhibcaha uun ayey ku kala duwan yihiin (ogow dhibcuhu mar dambe aya la keenay), tusaale ahaan Cabbaas iyo Cayaash luuqadda carabiga waa isku mid qoraalkeedu balse dhibcaha un ayey ku kala duwan yihiin oo Cabbaas waa ba’du waa hal dhibic balse ya’du waa laba dhibcood, Qanaam iyo Qasaam iyaduna waa dhibcaha un, Bashaar iyo Yasaar yana waa isku mid.

 

Xadiiska Munkarka ah?

  • Munkarku waa xadiiska nin daciif lagu yaqaan gooni ku noqdo
  • Xukunkiisu waa daciif

Munkarku waa xadiis nin lagu yaqaan in uu wariyo axaadiista daciifka ah lagu yaqaan gooni ku ahaado, ama qof warintiisu sarrayso u xadiis ku khilaafo.

 

 

Xadiiska Matruuka ah?

  • Matruuku wuxu ka sii liita xadiiska munkarka ah
  • Xukunkiisu waa daciif

Matruuku wuux ka sii liita xadiiska Munkarka, se aqoonruuggii ina Xajar wuxu yidhi, “Raawiga Muntahamka ah ayaa matruuk la yidhaa, xadiiska u wariyana waxa la yidhaa Munkar.” Ilaahay ha janneeye ina Xajar saddexdaa dhadhaar hal mid buu iskaga dhigay.

 

Xadiiska Mawduuca ah?

  • Mawduuca waa xadiiska silsiladdiisa u ku jiiro qof Nabiga CSW ku been abuurtay

Mawduucu daciifka iyo kuwii hore ee aynu soo arkaynay wuu ka liita waayo kan waa badheedh Rasuulka CSW lagu been abuuranayo, Rasuulkuna wuu ka sii degay oo wuxu yidhi, “ Qofka igu been abuurta ha isku diyaariyo boosku naarta ka geli lahaa.”

 

Xadiiska Shaadka ah maxaa lagu gartaa?

  • Shaadku waa qof xadiis warinaya oo koox ka badan ku khilaafa warinta.
  • In u khilaafo qof ka xifdi badan.
  • Xukunkiisu waa daciif.

Shaadku waa qayb daciifka ka mid ah, waana qof xadiis kali ku noqda warintii oo wadar ama koox ku khilaafa warinta.

Waxa kale oo uu noqdaa qof ka hor yimaadda mid isaga ka xifdin og ama uga dhaw xagga warinta qofkan la isku haysto, tusaale ahaan xadiiska odhanaya, “Nikaax ma jiro wali la’aan.” Israa’iil bin Yuunis Abi Isxaaq Sabici ayaa ka warinaya awoowgii Isxaaq Sabici xadiiska oo mutasil ah.

Dhanka kale Sufyaan Asawri iyo Shucba Bin Xajaaj ayaa iyaguna Abi Isxaaq ka warinaya isaga oo Mursal ah Markaas baa laysku qabsaday sidee baa loo kala saara dhawrkan qof ee isku margan, sida muxadiisin fara badan oo Imaam Bukhaari ka mid yihiin ku tageen waxa lagu xaliyey odayga yaa u dhwo intan, waxa ay noqotay inankiisa, dee warka inankiisa hala qaato.

 

Xadiiska Maqluubka ah maxaa lagu gartaa?

  • Maqluubku waa in qofka xadiiska warintiisa lagu yaqaanay la baddalo.
  • Xadiis aad is dhaafiso macnihiisa.
  • Xadiisku sanadkiisi inta laga qaado sanad kale la saaro.
  • Sanadku matni aannu lahayn la saaro, matnigana sanad aannu lahayn la saaro.

Maqluubku waa xadiis is daba maray oo sidi uu ahaa laga gadiyey, dhowr midna wuu noqda; in xadiis aad nin ku taqaanay warintiisa lagu yidhaa hebelkaa maahe kan baa warinaya.

In xadiiska laftarkiisaba maqluubka loo rogo oo lays dhaafiyo Tusale; xadiiska u wariyo Imaam Muslim ee ahaa nin sadaqo bixiyey ilaa aanay ogaan midigtiisu waxa ay bixisay bidixdiisu, halkaa waxa aad ka garanaysa gacanta la sheegaya in aanay bidixda ahayn ee ay tahay midigta.

 

La soco qaybta toddobaad……

Talo iyo tusaaleba waa xaggiina

 

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan-Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Bogga Faysbuugga: Cabdirisaaq Rakuub

Email: rakuub2020@gmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso