Barnaamijka Guulaystayaal Geeddiga Wadaay-Wadaay Qeybtiisa 4-Aad


Dhugta Oo U Dhaga-Nuglaada Kuna Dhaqma 100-ka Qodob Ee Ka fog Siyaasadaha Ee aynu Ku Kasbaneyno Horomarka iyo Wada manfacsiga Dheefta Danaheena Guud ee lagu Gadhayo U Hagar-Baxa Maamul-Wanaaga ah Oo aan Hal Senti Inagu Kacayn Fulintoodu.

Qodobkii 6-aad: Baabuurta Waa Weyn Ee Muddo Dheer Socday Iyo Khatartooda

Ugu horrayn, haddaynu warbixin kooban ka sheegno xaaladda waddankeenna ee dhinaca gaadiidka dhulka mara guud ahaan, waxa la odhan karaa ma laha isku hallayn dhab ah oo dhinaca fayo-qabkooda amma tayadooda. Taasi oo jirta, haddana waynu iska adeegsanaa, inagoo aan ka fekerin dhibaatadda ka iman karta, maxaa yeelay badankeenu umaba tababarnin nidaamka saxda ah ee adeegsiga gaadiidka iyo iska hubinta inta aanand gaxaysan baabuur. Dhinaca kale, wali ma jiro waddankeenna hay’ad u gaar ah baabuurta waddanka imanaysa oo baadha tayadooda. Markaynu ka nimaadno baabuurta cusub ee dibadda ka timaadda, oo layska aaminay inay cusub yihiin, waxa aynu maare u laalanahay kuwa gudaha joogay muddo badan oo ilaa 60 amma 70 sanno la isticmaalayey ha u badnaadeen baabuurta waa weyne, waana halka uu daarran yahay qodobkeena maantu.

Sidaynu ognahay, waddankeena waxa aad aragtaa baabuur waa weyn oo muddo dheer la watay oo lagu shaqaysanayey oo imika aad u duugoobay, isla markaana aad arki karto sii wadashadiisu inay keeni karto khatar naf iyo moodba leh. Waayo baabuurtaasi laguma samayn dibu-habayn ee waxa la sugayaa uun inta uu dhib gaysanayo amma uu istaagayo.

Xaaladdaha baabuurtaas waa weyni ku jiraan iyo dhibtooda

Baabuurtaasi waa tabcaan, waxaana aad u wiiqmay Mishiinkooda lamana sii wadi karo.
Marka ay baabuurtaasi dalcad ka baxayaan, waxay kaga baxaan dirqi amma way ka soo noqdaan dalcadaha.
Baabuurtaasi waxay leeyihiin dhib caafimaad iyo fayo-darri, waayo marka ay socdaan waxay sii daayaan qiiq badan oo ku xidhma agagaarka ay marayaan.
Gawaadhidaasi haddii ay ciladi ku timaaddo farsamadeedu aad bay u adag tahay, oo sahal laguma kicin karo waxaana laga yaabaa haddii ay waddo ku dhex xumaadaan inay waddadii xidhanto oo magaaladii isku xanibanto.
Baabuurtaasi ma laha qalab lagu dayac tiro (spare parts) oo dibadda laga keeno, isla markaana way dhammaadeen qalabkii dayactirka ee looga heli jiray waddanka waayo waqtigoodaa dheeraaday.

Haddaba, su’aashu waxay tahay maxaa inagala gudboon dowlad iyo shicibba? Waxay ila tahay sida wax looga qaban karayaa inay tahay, iyadoo laga fekero danta guud ee aynu wada leenahay, oo aan la is odhan inaadeerkaa ayaa ay shaqadiisa xanibaysaa haddii wax laga qabto arrintaasi, laakiin waxa habboon inaad eegto dhibta ka iman karta iyo faa’iidada ugu jirta danta guud ee waddanka iyo dadka ku dhex nool. Waxaana hubaal ah, in aanay waxba inagu kacayn inaynu joojino baabuurtaas waa weyn ee muddo dheer socday haddii laga eego dhinaca togan.

Sida loo joojin karo baabuurtaas waa weyn ee muddo dheer soconayey waddankeena

In dadka baabuurtaas iska leh la siiyo muddo ay ku fadhiisiyaan, oo ay raadsadaan si kale oo ay ku ceeshaan, isla markaana hay’adaha dowladda ee ay khusaysaa ay iclaamiyaan arrintaasi, maadaama ay dowladdu haysato tansiilaadkii war-baahineed ee looga baahnaa war-galinta arrintan.
Inay Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Gaadiidku samayso liis lagu tirakoobayo baabuurtaas muddada dheer socday ee khatarta keeni kara,oo ay siyaasad cad ka yeelato.

Taladdaas Maamul-wanaagga Maxaynu Ka Dheefaynaa

In la badbaadiyo khasaare Nafeed iyo mid Xooleydaba oo faro badan.
In magaaladda laga yareeyo samxadda iyo xanibnaanta badan.

Waxaan ku soo koobayaa, waxba inagu kici maysee, waxa loo baahan yahay in la abaabulo dadka baabuurtaas wata oo sida saxda ah arrintooda loo maareeyo, iyadoo aan loo gaysanayn wax dhib ah ee loo jihaynayo meel kale oo ay ka faa’iidaystaan.

Fiiro gaar ah: barnaamijkani waxa uu saafi ka yahay shaqsiyad iyo koox gaar ah in wax loogala jeedo, laakiin gun-dhigiisu wuxuu yahay ka shaqeynta danta guud ee la wada leeyahay. Qalinkii:Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781

Qalinkii:Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.comTel:0634426781

Hargeysa, Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso