Tariikh nololeedkii DR- Axmed Xaaji Cali Caddib(sanqoole) oo kooban 1940-2017

Tariikh nololeedkii  DR- Axmed Xaaji Cali Caddib(sanqoole)

oo kooban 1940-2017

Geeridu waa hubaal inay maalin maalmaha ka mida qof kasta haleelayso , waa xukun Eebe u soo rogay  sanku neefle dhamaantii inuu jidkaa marayo. 17 kii bishan hada aynu ku jirno waxa magaalada Hargeysa geeri lama filaan ahi ku timid halyeey ka mida ragii haldoorka u ahaa qarankii somaaliyeed waagii uu dhisnaa iyo intii uu burburayba naftiisa iyo maalkisaba isku sidkay sidii uu ugu adeegayayna ku godgalay. Halyaygaasi kumu ahaa???
Axmed xaaji Cali wuxu ku dhashay magaalada Cadan hilaadaha 1940 halkaas ayuu ku barbaaray wax barashadisii ku soo qaatay. lixdameeyadii dagaaladii sokeeye ee dhexmatay labada yamanood ayay u soo qaxeen dhinaca Hargeysa oo dhalasho ahaan ka soo jeeday. Waxbarashadiisii ayuu ka sii anbaqaaday kadibna Muqdisho ayuu u wareegay shahaadadiisi dhaqtarnimo ee u horaysay ayuu ka qaatay. Sida aanu ka soo xiganay dad ay asxaab dhaw ahaayeen marxuunka wuxu shaqadiisi u horaysay ka bilaabay dhakhtar Digfeer la odhan jiray oo ku yaalay magaalada Muqdisho. Halkaas ayuu ka ahaa digtoor buuxa oo gacantiisa shinbir ilaahay uga soo dhigay buke tiradooda aynan soo koobi karin.Sideetamaadkii markii dalkii Soomaliya sii xumaaday wuxu uga baxay dhinaca yurub dalka Sweden ayuu Axmed ku noolaa mudo. labadii kun dabayaqadoodii marxuunku dib ayuu ugu soo laabtay hoygiisii Hargeysa si uu aqoontiisa ugu faaiideeyo dadkiisa dhibaataysan waxanu ka mid ahaa dhakhaatirtii ugu horaysay ee dhinaca caafimaadka sare u hinjisay ee soo gaadhsiisay heerka casriga ah oo dadwayne badani kaga maarmeen dhakhtar dibadeed. Dictoorku wuxu xaqu ku soo degey isagoo ka hawlgala dakhtarka Manhal ee magaalada Hargeysa. Dhinac kale hadaynu daymoono digtoorku dabeecad ahaan wuxu ahaa qof Ilaahay u dhaliyay haybad iyo karaamo, wuxu ahaa qof xishood badan cibaado badan daacad ayuu u ahaa dadkiisa waxa la cadeeyay inaanu lahayn xili nasasho oo hadii saqdhexe uu hurdo ku jiro wuxu ahaa qofka u soo kaca si uu u badbaadiyo buke naftu ku sii dabayartahay, Ilaahay ayaa badbaadada leh inta karaankiisa ah ayuu ka geysan jiray. DR Axmed gacantiisii shifada lahayd wuxu Ilaahay ku bogsiiyay kumanan iyo kumanaan  umada reer nabi Aadan ah oo u badan umada somaaliyeed. ilaahay haw naxariisto tacabkaa dheer ee intii uu noolaa uu soo hayay ilaahayow ku sii naxariistaada oo kaga dheere cadaabta. Dhamaan  waxaynu halkan tacsi uga diraynaa ehelkiisii iyo asxaabtii uu ka tagey digtoor Axmed….. waxa soo diyaariyay XUSEEN WARAABE TAFFE JÖNKÖPING SWEDEN

Advertisement

Ku Xayeysiiso