Shacabka Somaliland ma ogyihiin in dhulkooda badankiisii hore looga kireeyey18 shirkadood hadana isbahaysiga Carbeed laga kireynaayo 70 km2 ? qalinkii A/rahman fidhinle UK.

Mudadii xukuumada Kulmiye ay dalka hagaysay waxay liisamo siisay ilaa iyo 18 shirkadood oo kala ah kuwa shidaalka iyo macadanta baadha waxaana ay shirkadahaasi  dhul baaxad leh u qaybsadeed xidhmo xidhmo ama ( Block by Block ) sida caadiga ah marka shirkadaha liisan la siiyo waxay bixiyaan lacagta xaqal qalinka ee loo yaqaan ( Bonus Money ) taas oo badhkeed loogu talo galay in degaanada baadhitaanku uu ka socdo lagu horumariyo oo wax loogu qabto taasina  Somaliland marna kamay dhicin.
Waxaa Nasiib daro ah in 18 kaa Shirkadood ee hoos ku qoran ee dalka xidhmo – xidhmada uqaybsaday aan weli Golaha Baarlamaanka la hor keenin.
Waxaa ka mid ah shirkadahaa :  Genal Energey,  DNO, ASDAN, RAK-GAS, AVEAL, ASANTI OIL, ORPHIN ENERGY, STERLING ENERGY, JACKA RESOURCES, BETRO SOMA,  EAST AFRICAN RESOURCE GROUP, Shirkada ugu dhulka balaadhan waa shirkada cusub ee BGP ( China National Petroleum Company ) waxaa jirta iyana Hayada balaadhan ee  DFIT ( Department of international Development ) taas oo iyana wada 6 mashruuc oo waaweyn oo tamarta qoraxda ah, mashaariicdaa oo aan ilaa hada hayadaha sharci dejinta aan la horkeenin si ay muraadkooda sharci uga gutaan.  Shirkada Chineska ah ee Buuraha Simoodi macdanta ka xaalufisa ayaa dhawaan Wasiirku sheegay in aanay wax badan ka fadhataysan buurta ee ilaa iyo hada ay 3 container oo min 20 feet ah uun gurteen dawladana $20 kun oo dollar oo cashuur ah u soo xareeyeen. Taasna waxaanu leenahay Wasiirka Doobir baa lagaa yidhi !!
Shirkada Genel Energy waxay qiratey in ay ilaa iyo 45 million doolar dib ugu celineyso Degaanada ay Shidaalka ka baadheyso. ilaa iyo hada mudadii dheereyd ee Wasiirkaasi uu wasaaradda Macdanta iyo Tamarta uu xuurtada ku haystay waxa uu qirtay in uu $5 Million oo dollar uu khasnada dawlada ku shubay.waxaase laysku raacay in lacagta la lunsaday ay ka  badan tahay lacagtaa uu khasnada ku shubay.
Waxaa iyana jira 4 shirkadood oo iyagana la siiyey Liisanka Macadan baadhista, ku waas oo iyana lagu dabo jiro magacyadooda dhabta ah iyo dhulka baaxada leh ee ay baadhitaanka ka wadaan.maadaama ay hawshaa dalka ka wadaan hada, waxaana Wasiirka afkiisa laga guntay in shirkadahaasi ay howsha wadaan hada  oo( active ) yihiin.
 Waxaa iyana Argagax iyo anfariir ku noqotay shacabka Somaliland markii Xukuumadu soo qayd-xanbaaratay Heshiiska ay UAE iyo isbahaysiga carbeed kaga kireynayso Saldhiga Ciidanka Cirka ee magaalada Berbera , taas oo loo qoondeeyey iyana dhul baaxadiisu gaadhayso ilaa iyo 70-80 km oo iskuwareeg ah. lacagta laga dhawaajiyey in dhulka baaxadaa leh lagu kireynaayo mudo dheer oo 25 sanadood ah ayaa lagu qiyaasay in ay tahay $1.2 Million dollar oo keliya. Taasna ummaddu  waxay u aragtaa “ Aan la Fudee Allow Fiihaa “
Waxaa shacabka reer Somaliland hore ula socdeen in Dekeda Berbera mudo dheer oo 30 sanadood ah lagu wareejiyey shirkada DPW taas oo la kala saxeexday heshiis qabyo qoraal ah oo  aan waafaqsaneyn heshiisyada caalamiga ah, waxaana Xukuumadu Dekedii qaranka ku bedelatay $5 Million oo doolar oo xaqul qalin ah,
Guntii iyo Gebagebadii : Waxaan shacab weynaha reer Somaliland u soo jeedinayaa in ay foojignaadaan oo dhulkooda ilaa shadaan kana dareen celiyaan falalka ku lidka ah noloshooda, degaankooda iyo aminigooda.       Anigu Daaha kama rogine ee dadkuba wuu arkaayaa!!
 
Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

Advertisement

Ku Xayeysiiso