Awooda shaqo shaqaale fayadhowr oo kor loo qaado sida mushaharka shaqaalaha fayadhowrka waxay in badan wax ka taraysaa in la arko

       Fariin Caafimaad.

 

Awooda shaqo shaqaale fayadhowr oo kor  loo qaado sida mushaharka shaqaalaha fayadhowrka waxay in badan wax  ka taraysaa in la arko

Waxsoosaar shaqo oo ku salaysan maamul tixraac shaqo oo hufan  oo ka fog musuqmaasaq iyo laalush

In la baadho  goobaha bakhaarada ganacsi si loola socdo fayadhawrka taarikhda alaaboyinka  dhacay ama uu ku yimid isbadal muqaal

Si loo ganaaxo loona soo ururiyo alaabooyinka dhacay loona gubo iyadoo la wafajinaayo sharciga  fayadhowrka  in

dawliga ah

in kor loo qaado  waxqabka waxsoosarka shaqada shaqaalaha fayadhorka sida tacriifada ganaaxyada iyadoo lagu dhaqmayo sharciga ku dhaqanka ee fayadhowrka dalka u dajisan

waa in la baadha shaqaalaha ka hawl gala goobaha hudheelada cuntooyinka si loola socdo caafimaadkooda gaarka lana soo mariyaa baadhista caafimaad si looga hor tago cuduro ka faafi kara  goobahaas cuntada iyo  bulshada ku kulma goobahaas si ay najiidada badhiista caafimaad  shaqaalahas ugu  shaqeeyan warqada xaashida fayadhowrka dawlida hoose

in dib loo furo xaafiiskii waxda

fayadhowrka ee dawlada hoose ee airport si loola socdo  fayaqabka socdaalka dhoofayaasha buuga talaalka dhoofka

waa in dib loo abuura ururadii arimaha bulshada eeganacsatada dalka si loo soo celiyo wadashaqayntii ururada bulshada ganacsatada iyo dawlada hoose waaxda fayadhowrka si dib loogu soo celiyo  wadashaqayntii maamul iyo arimaha la xidhiidha fayadhowrka

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso