Aqoonta Xadiiska ‘Musdalaxul Xadiis’ Qaybtii 5aad

Aqoonta Xadiiska ‘Musdalaxul Xadiis’

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 5aad

Xadiiska Qariibka

 

Xadiiska Qariibka ah maxaa lagu gartaa?

  • Qariib waxa la yidhaa xadiiska qof kali ahi warinayo

Qariibku waa xadiiska qof kaliya laga hayo dhanka warinta, tusaale ahaan xadiis baa Saxaabi kaliya ka maqlay Rasuulka CSW.

 

Xadiiska Munqadica ah waxa lagu garta?

  • Munqadicu waa xadiis aanu sanadkiisu xidhidhsanayn
  • Xukunkiisu waa daciif

Munqadicu waa xadiis aan xidhidhsanayn sanad ahaan, tusaale ahaan qof baa xadiis ka warinaya qof aanu arag waligii, markaa waxa aad garanaysaa in xadiisku daciif yahay waayo shardiga warinta waxa ka mid ah in ay is arkeen hal marna ha ahaate, tusaale labaad; qof baa xadiis warinaya waxa aanu ka warinaya mid dhintay isaga dhalashadiisi, dee markaa yadna waxa cad inu sanad ahaan aanu xidhidhmi karayn, hadduu sanad ahaan xidhidhmi waayana daciif ayuu iskugu biyo shubanaya.

 

 

Xadiiska Mucdalka ah maxaa lagu gartaa?

  • Mucdalku waa qayb ka mid ah munqadica

Mucdalku waa qayb ka mid ah Munqadica, waa sanadkii oo laba qof ama ka badani ka maqan yihiin, labadaa oo isku xiga xagga sanadka, se haddii aanay isku xigin waxa ay noqonayaan Munqadic, xukunkiisu waa  daciif.

 

Xadiiska Muddalaska ah maxaa lagu gartaa?

  • Muddalasku waa qof xadiis ka warinaya qof kale, kana warinaya wax aanu ka maqal.
  • Muddalasku waa qof xadiis ka warinaya qof kale, kagana warinaya magac aan lagu aqoon.
  • Xukun kiisu waa daciif

Muddalasku waa laba nooc sida aynu kor ku soo sheegnay, nooca kowaad waa qof baa qof ka warinaya wax aanu ka maqal haba isa soo gaadhane, nooca labaadna waa in uu kaga wariyo magac aan lagu aqoon.

Markaa la qaadan maayo xadiiskaa oo daciif buu noqonaya, midna ilaa uu kala saaro warinta ah Can: waxa ka sugnaaday iyo Qaala: wuxu yidhi oo uu ku baddalo Xadasana: wuxu noo sheegay ama ii sheegay iyo Samictu: waxaan ka maqlay, mar hadduu sidaa yidhaa shakigii wuu ka baxaya meesha oo wuu caddeeyey.

 

Xadiiska Mudrajka ah maxaa lagu gartaa?

  • Mudrajku waa hadal xadiiska lagu dhex daro isaga oo fasiraya

Mudrajku waa hadal la dhexgeliyo xadiiska, tusaale ahaan abu Hurayra kolku la hadlayey qolyihii sida khaldan u waysaysanayey wuxu ku yidhi, “Waar dhammaystira waysada, Rasuulkii Alle SWT waxa aan ka maqlay isaga oo leh hoog baa u sugnaaday kuwa waysada xumeeya.” Hadalka Abu hurayra iyo hadalka Rasuulka CSW la isku khaldi maayo oo waxa aad arkaya weedha hore ee ah ‘Dhammaystira waysada’ in uu isagu leeyahay inta kalena u leeyahay Rasuulkii Alle waxa aan ka maqlay, kolkaa hadalku waa kala cad yahay.

Xadiiska Mudbijka  ah maxaa lagu gartaa?

  • Mudbijku Waa qofka oo xadiis ka wariya qof la siman xagga da’da ama xagga aqoonta

Garatay in mudbijku yahay in qofku ka wariyo xadiiska qof isaga la aqoon ah ama la da’ah

Xadiiska Muntafiqa  iyo Muftariqa ah

  • Muntafiqa iyo muftariqa waa Xadiiska ay is wafaqaysan yihiin qoraalkiisa iyo dhawaqiisu se kala ash’khaas tilmaamaya.

Garatay in muntafiqa iyo muftariqa ay yihiin xadiiska ay is wafaqsan yihiin dhawaqa iyo qoraalka laakin kala ashkhaas ah  oo laba qof kala ah tusaale ahaan magaca Khaliil Binu Axmed waxa la yidha lix qof marka magacu waa isku mid balse waa kala ashkhaas.

Tusaale kale Bin Salmaan wuxu leeyahay, “ marka aad maqasho magaca Cabdillaahi hadii aad joogto Maka Cabdillaahi waxa looga yaqan waa Ibnu Subeyr, Madina na Ibnu Cumer,Kufana Ibnu Sucuud, Basrana Ibnu Cabbaas, Khuraasanna waxa looga yaqaan Ibnu Mubaraak.”

Tusaalaha aynu ugu dambaysinayno waa magacyada isku mid ka ha sida  magaca Salaax Bin Salaax Asaawsi iyo Salaax Bin Salaax Al-asadi balse kala ash’khaasta ah.

 

Xadiiska Mu’taliifka iyo Mukhtalifka ah?

Xadiiska Mu’talifka iyo Mukhtalifka maxaa lagu gartaa?

  • Mu’taliifka iyo Mukhtalifku waa isku qoraal laakin sida loo kala odhanayo aya kala duwan

Garatay in xadiiska Mu’taliifka iyo Mukhtalifka inu yey qoraal isku mid ah balse kala si loo akhrinayo ama se dhibcaha uun ku kala duwan (ogow dhibcuhu mar dambe aya la keenay).

 

La soco qaybta lixaad……

Talo iyo tusaaleba waa xaggiina

 

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan-Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Bogga Faysbuugga: Cabdirisaaq Rakuub

Email: rakuub2020@gmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso