Sidee looga bixi karaa dhibatada sarafika lacagaha qalaad: W/Q Mukhtaar Cabdi Cilmi

Sidee looga bixi karaa dhibatada sarafika lacagaha qalaad: W/Q Mukhtaar Cabdi Cilmi

Isku badalka lacagata dalka( Local currency) iyo lacagaha qalaad( foreign currency ) waa mid ka jirta dunida dhamaanteen iyado ay jirto lacago loo aqoonsady inay yihiin lacago  calami ah oo lagu isticmaali karo suuqayada caalamiga sida U.S.dollar oo loo aqoonsaday sanadii  1944, in uu noqdo lacagta addunka laga isticmalo ( Global currency), Euro waxay ka mid tahay lacagaha calamiga ah taas oo ay isticmalaan badi wadamada midawga  yurub iyo suqayada caalamka , Pound sterling  laga leyahay dalka Uk aya iyna ka mid ah lacagaha calamiga ah ugu dambayntii 2015 ayaa lagu daray lacagta dalka shiinah Chinese renminbi inay ka mid noqoto lacagaha caalamiga ah.

 

Hadaba dalkenan somaliland waxaa laga isticmalaa lacago kala duwan kuwaas oo isugu jira lacagaha aan kor ku soo xusanay iyo kuwo ay leyihiin wadamada jaarka ee ay ina dhex maraan xidhiidhada ganacsi sida dalka Ethoipia, lacagta ugu samaynta badan ee laga isticmala dalkeena oo ah U.S. dollar ayaa  waxay ka awood badaty lacagtii dalku lahaa adoo arkaya in suuqayda dalka oo dhan wax lagaga iibsado lacagta dollarka halkii ay ahayd inaan  wax ku iibsano lacaftii dalku lahaa ee somaliland Shilling.

Bal aynu dib u yara milicsano hererkii kala duwanaa ee ay isla soo mareen isku badalka dollarka iyo shilling somaliland.

 

Somali land shilin waa lacagta laga isticmaalo Somaliland Waxa la hirgaliyay daabacaadda iyo isticmaalka lacagtan, 18 Oktoobar 1994. Waxa ay ka kooban tahay lacagta Somaliland waraaqo iyo biro kal ah sidan soo socota 1, 5, 10, 20, 100, 500, 1000 iyo 5000 iyadoo aad moodo in laga guuray 1 ilaa 100 shilling hadana aad arkayso in la isticmaali 500 ilaa 5000 taas oo ah arin dhibkeeda leh in lacagtii dalka badh laga guuro taas oo dhiiri galisay sixirbararkii mar hadii shaygii ugu yaraa lagu iibinayo 500 shilling

Halkan aan kui soo bandhigno tusaalayaal sanado kala duwan iyo siduu ahaan jiray sarafika dololarka iyo shilling simaliland

sanadadii

Dollar

Somaliland shilling

2000    – 2008

$1

4,550 – 7,750 Shilling

2008    – 2017

$1

7,750 – 8300 Shilling

Halkaas waxaa inooga cad isbad badalka uu sameyey saraifka dollarka iyo shillingka somaliland  kaas oo aad subax walba ku soo tosayso qiimo cusub oo sarafika lacagaha ah tana waxay dhib baahsan ku keenty muwadininti danyarta ahaa ee ku noolaa dalka kuwaas oo marka uu shillinka somaliland uu hoos u dhaco aad suuqayada dalka ka daremaysid sixirbarar  baahsan kaas oo laga dareemo guud ahaan dalka oo dhan.

1 Hadaba suaasha tagani waxaa weye yaa ka masuula isbad badalkaa aan kor ku soo sheegnay­ ?

2 yey masuuliyadeeda tahay inay wax ka qabato dhibatadan soo noq noqonaysa ?

3 Sidee looga bixi karaa caqabadan soo noq noqoty ee isbad badalka sarifka ah?

 

Jawaabaha su,aalahan kor ku xusan:

1 Bangiga dhexe ee somaliland oo lahaa awooda isku badalka lacagaha qalaad iyo ta dalka oo aan si buuxda hawshaa gacanta ugu dhigin iyadoo  taa badalkeeda ay jiraan kooxo jeeb waynayaal ah kuwaas oo kolba ka faa,iidaysta xadiga lacagaha ah ee suuqa ku badan kana go,aan qaata inay kiciyaan hadba  lacagta suuqa ku yar , iyagoo adeegsanaya sariflayaasha

2 Bangiga dhexe  dawlada wuxu uga masuul yahay, daabacaadda lacagta iyo kaydinta lacagta dawladda sidaa daradeed waa inuu  maamulaa xadiga dollarka iyo shilling ee suuqa ku jira sidaa daraded marka uu bato xadiga cash suuqa ku jiraa ha soo daayo lacag dollar isla mar ahantana ha xareyo xadi Cash somaliland shilling si laysugu miisamo xadiga lacagaha suuqa ku wada jira

 

3 Bangiga dhexe  dawlada waa inuuu ka warhayaa xadiga electronic money Dollar ah ee suuqa ku jira si uu ugu xisaabtamo xadigeda

4 Waa in Bangiga Dhexe, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Ganacsigu la kulmaan dhamaan shirkadaha is gaadhsiinta, iyaga oo ku soo rogaya in lacag ku shubashada qaybta hadalka laga dhigo Shilinka Soomaaliland. Waxa kale oo loo baahanyahay in ay si gaar ah ula kulmaan shirkadaha leh Adeega lacag ku keeydsashada mobilada (zaad iyo eDahab), iyagoo ka dalbanaya in aay kordhiyaan qeeybta keeydka ee Shilinka Soomaalilaan, taas oo imika ah 750,000, gaadhsiiyaana ilaa 8 milyan, meeshana ay ka saaraan lacagta doollarka ah, macaamishoodana ka dalbadaan in lacagohooda kale ay ku kaydsadaan bangiyadooda.

5 Xawaladaha dalku haku bixiyaan shilling somaliland ugu yaraan kalabadh lacagta loo soo diro ee ku jaangoysan Dollarka taas oo dhiri galinaysa adeegsiga shilling somaliland

6 waa in dhamaan cashuuraha dalka lagu bixiyaa shillinka somaliland si loo kiciyo isticmaalaka shillinka somaliland

7 Guud ahaan gobaha waxbarashada  iyo adeegyada cafimadka waa in lagu qabtaa shillinka somaliland halki dollarka lagu qaban lahaa si loo yareeyo awooda dolarka

 

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)

(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University

Samiir.net@gmail.com

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso