Aqoonta Xadiiska ‘Musdalaxul Xadiis’ Qaybtii 4aad

Aqoonta  adiiska ‘Musdalaxul Xadiis’

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 4aad

xadiiska musalsalka ah

 

 

Xadiiska Musalsalka ah maxaa lagu garta?

  • Xadiiska Musalsalku waa qaab warineedka xadiiska.

Xadiiska Musalsalku waa habka wariyaha xadiisku u soo gudbinayo xadiiska, tusaale ahaan wuxu leeyahay, “Rasuulku wuxu ii sheegay.” Marka uu intaa yidhaa ayuu is taagaya, isaga oo fulinaya qaabkii Rasuulku CSW sameeyey, ama wuxu ino tilmaamaya in Rasuulku CSW marku arrinkaa u sheegayey gadhka qabtay, isaga oo qofka uu u sheegayo isna gadhka qabanay, waxa ay faa’idaysaa xusuusta qofku xusuusan yahay xadiiskaa, kol haddii u sii garanayo qaab fulineedkii Rasuulka CSW.

 

Xadiiska Casiiska ah maxaa lagu garta?

  • Casiisku waa xadiiska dadka ugu yar ee warinaya ay yihiin laba qof

Xadiiskan Casiis waxa loo yidhi cidda warinaysaa badan, oo dadka ugu yar ee laga hayaa ayaa lagu sheegay laba qof, tusaale ahaan waa xadiis Rasuulku CSW ka dhex sheegay koox saxaaba ah, dabadeed qof kasta oo saxaabi ah oo xadiiskaa joogay kolkii Rasuulku CSW sheegayey isna koox taabiciin ah u sii sheegay.

 

Xadiiska Mash’hurka ah maxaa lagu gartaa?

  • Mash’hurku waa xadiis ay warinayaan wax ka badan saddex qof

Xadiiskani wuu kasi xoog badan yahay Casiiska, waayo kaa waxa ugu yaraa laba qof kanna waxa u shardi ah in dadka warinaya ay ka badan yihiin saddex qof, markaa wuu ka xoog badan yahay Casiiskii.

 

Xadiiska mucancanka ah maxaa lagu gartaa?

  • Mucancanku waa qaab loo wariyo xadiiska, sida loo wariyaana waa; ‘xadasana’ oo ah wuxu noo sheegay hebel, mucancankuna waxa weeye ‘can’ taa soo ah waxa laga haya hebel.
  • Waxa kale oo ay faa’iidaysa ‘can’ in qofka warinaya iyo ka u ka warinaya ba inay isku xilli nolayeen ugu yaraanna hal mar ay is arkeen

 

Xadiiska Mubhamka ah maxaa lagu gartaa?

  • Mubhamku waa xadiiska ama silsiladda qof warinteeda ku jira oo aan la magacaabin.

Mar haddii aan la garanayn qofka silsiladda warinta ku jira xadiis kaasi wuxu noqonaya mid daciif ah, waayo qofkaasi wuxu yahayba la garan maayo.

Midse ogow haddii u qofku aanu ahayn qofka warinaya xadiiska se u ku jiro un sida qof aan la garanayn ayaa Rasuulka CSW wax waydiyey iyada oo Saxaabaduna fadhido, saaxaabada mid ka mid ahina xadiiskan warinayo, la odhan maayo qof aan la garanayn ayaa xadiiska ku jira, sababta oo ah isagu silsiladda warinta dhinacna kagama jiro.

 

Xadiiska caaliga ah maxaa lagu gartaa?

  • Caaligu waa xadiiska lagu gaadho Rasuulka CSW xagga warinta tiro yar.
  • Sheekh kitaab qoray laguna kalsoon yahay.

Caaligu waxa uu u qaybsama laba qaybood mid ‘mudlaq’ oo Rasuulka CSW lagu gaadhayo xagga warinta tiro yar, mid ‘nisbi’ oo laga daalacanayo sheekh kitaab qoray, sheekhaasi haba dheeraato xagga warinta inta uu Rasuulka CSW u ka tirsanaye, sheekhu waa in u ahaada mid lagu kalsoon yahay.

 

Xadiiska Naasilka ah maxaa lagu gartaa?

  • Naasilku waa xadiiska caaliga lagu wariyey oo haddana tiro inti hore ka badan lagu warinayo.

Culimada xadiisku mar walba waxa ay donayaan in ay qaatan xadiis sugan, haddii ay arkaan xadiis caalli ah way qaadan jireen hase ahaate xadiis kanna indhaha kama aanay qarsan jirin oo labadaa jeer ba way sheegaan iyaga oo yidhaa sidanna waanu ku warinnay sidan kalana waanu ku warinnay.

 

Xadiiska Mawquufka ah maxaa lagu gartaa?

  • Mawquufku waa hadal ama ficil Saxaabi
  • Mawquufku waa xadiiska aan la gaadhsin Rasuulka CSW
  • Mawquufka faa’iidadiisu waa in Quraanka iyo xadiiska in lagu fahmo

Xadiiska Mawquufka ah waa hadal ama ficil Saxaabi, kaas oo u ku fasirayo aayad ama xadiis, iyaga ayaa la joogay Rasuulka CSW markaa cidda sida ay naska u fahmeen loo qaadanayaa waa Saxaabada.

 

Xadiiska Mursalka ah maxaa lagu gartaa?

  • Mursalku waa xadiis Taabici warinayo
  • Xukunkiisu waa daciif

Mursalku waa hadal ama ficil Taabici u tiiriyo Rasuulka CSW su’aashu waxa weeye Taabiciga iyo Rasuulku CSW xaggey isku soo gaadheen ama isku arkeen? Markaa xukunkiisu wuxu noqonayaa daciif.

 

La soco qaybta shanaad……

Talo iyo tusaaleba waa xaggiina

 

Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan-Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Bogga Faysbuugga: Cabdirisaaq Rakuub

Email: rakuub2020@gmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso