Madax-banaanaynta Garsoorka: 15/ 01/ 2017 Maalin Taariikhda Gashay!

Madax-banaanaynta Garsoorka: 15/ 01/ 2017 Maalin Taariikhda Gashay!

Asalaamu Calaykum

“Baadhitaan iyo daraasad uu sameeyey xafiiskaygu oo ay ku soo diyaariyeen caqabadaha Garsoorka, nolosha xabsiyada, maxaabiista iyo inta ugu nugul inay helaan cadaalad waxaa ka soo baxday xog la yaab leh, oo aad iyo aad u taabatay shucuurkayga, manaan filaynin in ay cadaalad darro intaas leegi ka jirto Somaliland gudaheeda” Madaxweyne Siilaanyo 14 June 2011

11 Bilood oo kaliya isaga oo hayay Talada Dalkeena ayuu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo dhexda u xidhay inuu u hawl galo wax ka qabashada Arrimaha Cadaalada iyo Garsoorka Dalkeena oo meel aad u hoosaysa oo laga naxo ku sugnaa, waxaana uu Madaxweynahu Shirweyne dib loogu habaynayo Cadaalada iyo Garsoorka Dalka ka furay Hoteelka Ambassador ee Caasimada Hargeysa taariikhdu markay ahayd 14kii bishii Juun ee Sanadkii 2011.

Madaxweynaha oo shirkaas qudbad aad u dheer ka jeediyay ayaa tilmaamay heerka hoose ee ay marayeen laamaha Cadaalada iyo Garsoorka Dalkeenu, waxaana isaga oo dareenkiisa cabirayay erayadii uu shirkaas ka yidhi ee saamaynta weyn lahaa ka mid ahaa ” waxa aan la qarin karin saluugga ka jira garsoorkeena oo gaadhsiisan xaalad laga damqado, sida aan xogta ku hayana waxa uu u baahan yahay gurmad aqooneed iyo garasho xirfadeed, waana ta keentay inaan shirkan ku baaqo”.

Shirkaas wixii ka danbeeyay waxa dhexda loo xidhay sidii isbedel weyn oo muuqda loogu samayn lahaa Cadaalada iyo Garsoorka Qaranka, waxaana Madaxweynuhu uu Gudoomiyaha Maxkamada Sare u Magacaabay Prof, Aadan Xaaji Cali oo isaguna markiiba laamaha Garsoorka u Xushay Dhalinyaro Nadiif ah oo Aqoon. Akhlaaq iyo Aaminaad isku darsaday oo uu ku bedelay kuwii hore ee Cadaalad darrada iyo faasidka lala xidhiidhinayay, waxaana markiiba uu Iftiinn ka muuqday Maxkamadahii Dalka, waxaa lala dagaalamay oo xidida loo siibay Musuqii, Cadaalad darradii, Laaluushkii iyo daba-marintii ragaadisay Maxkmadaha Dalkeena.

Waxaa soo Noolaatay oo soo noqotayYididiiladii iyo Kalsoonidii ay Shacbiga reer Somaliland ku qabeen Maxkamadaha Dalka, waxaana meesha ka baxay kuwii qarribnaa ee ka hawl-gali jiray Maxkmadaha. Waxa sidoo kale kor loo qaaday Aqoontii Garsoorayaasha iyo masuuliyiinta kala duwan ee ka hawl gala Maxkamadaha, waxaana qayb kasta laga bilaabay isbedel muuqda oo lagu dhisayo Garsoor Tayo Leh oo ay Muwaadiniintu helaan.

Dhinaca kale waxaa Laamaha Garsoorka Caqabad weyn ku ahaa oo ay dhibaato weyn ku qabeen hoos-joogitaanka Wasaarada Cadaalada oo gacanta ku haysay Maamulka Miisaaniyada iyo maamulka Shaqaalaha, waxaana ay duruuftu ku qasbaysay haddii uu Gudoomiye Maxkamadeed u baahdo qalab yar sida buugaag ama Kombuyuutar uu Wasaarada Cadaalada ka dalban jiray, taasoo wakhti badan iyo dhaqaale ku lumi jiray.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shirar joogta ah la yeelan jiray Madaxda iyo Shaqaalaha ka hawl gala laamaha Garsoorka iyo Cadaalada ayaa si fiican u aqoonsaday inay lagama maarmaan tahay in la Madaxbanaaneeyo Garsoorka loona ogolaado in Garsoorku uu Maamusho Miisaaniyadiisa iyo Shaqaalihiisa, waxaana uu Digrreeto Madaxweyne uu 15kii bishan January 2017 kaga hoos saaray Wasaarada Cadaalada oo digrreeto Madaxweyne ku Maamulaysay Miisaaniyada iyo Shaqaalaha Garsoorka tan iyo sanadkii 1996 xilgaas oo ka horreysay markii Shacbiga reer Somaliland ay u codeeyeen Dastiuurka Dalkeena.

Waxaan u Mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo go’aankaas Taariikhiga ah soo saaray, waxa kale oo aan u Mahadnaqayaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare Prof. Aadan Xaaji Cali, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Mudane Axmed Faarax Cadarre, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan, iWasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Cid kasta oo gacan ka geystay Guushan Taariikhiga ah,

Somaliland ha Guulaysato

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka

kaysar@diplomats.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso