Isagoo duninicaayo, dhacashii haaneed le , dambarkiisu wuu idiin uraa waanad dabataane, doqon yahay ka kaca meeshan aad daceyda laadlaadin…

Isagoo duninicaayo, dhacashii  haaneed le , dambarkiisu wuu idiin uraa waanad  dabataane, doqon yahay ka kaca meeshan aad daceyda  laadlaadin…

Waxay dabbo socotaa qormaddii hore dhulka sida loo deggo…….Dadkaan la hadlaayaan baan lahay dan iyo misaan, Dubahii wuxuu dhacey niman doonine… xaalkaygu wuxuu noqdey sidii Odey bari Djibouti wasiir laga dhigey, markaasaa la yidhi nimankan mucaadka ah baa wax inaga sheegee la hadal, markaasu ku qaadqaadey xukuumaddi u ka tirsanaa, markuu dhexda marayo baa la yidhi Ahmadaw dee inagii uun baad inagu qaadqaadey, markaasu yidhi istaqfurullaah, ka soo celi.. kkk..

Maanta waxaan la hadli kaliya waraabe iskudaya, reer bariga iyo  qaxootigu ha ii dameeyeen , dadka intii wax wadda lahi iyagey dani ka dhexeysaa ee ha tashadeen oo qori isku dhiibkan , dilaaliintu wadaan ha iska daayeenin, dalkood iyo dantoodana ha ka tashadeen,hana garteen Eebbena ha tuso, waxaan leehay waar qabiilkan iska daayoo magacdii aan lahayn ee qorax jooj, dacar joog, ooga jog aan wax u qaybsano… dalkuna guurimaayo dadkuna la cidhib tiri maayee bal horta intaad joojiso xanuunkan lagu qabadsiiyey aan u soo noqono danteenii, qolo walba way leedahay qaxooti kuma darayo qaxootiga hargaha iyo saamaha madhan la ordaya  jooji waxaaga  wax ka sii  hadaad rabto ana sidoo kale.. dabkan dhexdeena laga shidi een gubeyn ninkii shidey maxaad u hor ordeysaa ee illaah kuu tusi la’yahay . ku tusye waad iska dhego iyo indho marineysaa aniga  eebbe  I tusye…..waar bal yaabkan iyo lama aragan eeggaa fiirsha  , anagaa ballo aragney……………

Qoladda viral transmission wada .. een hore u soo qaaday waxaan leenahay aan idin saxee, geesiyadda dalka u soo halgamay u xaq soora wey inaga hooseeyaan dhamaantoodee, inta nin afar midh le aad isasoo hordhigeysaan…. Bal aan idinku haasaawiyee dhegaha hoobaanshaa….Geesiyaddii u soo halgamay waxa ka mid.. Barre Guun waa kii laha Garbadii giriyaad ee lagu goo’y tolkii  iyo goofkii buu arkayaa oo galiilyoodey Bulaale waa faras kiisi.., warfaa cidheere, qayaad afdhabeel,qayaad xoogii maal,  miicaad waable, Rooble Udaax, , Aye Dabo Hadaale,faahiye Galmaaxdey,  Geedi Coonjoog, Guuleed Warfaa, Faraax Danmagale  goobtu waa jidhi  gadhmadoobe sidaadi gadhka dhiig ma darey waa kii nlaha markii walaalkii la diley,  Bookh Qalalaw waa kii lahaa: maanta ciise ma leynin ee carab weynta galbeed iyo calool baan warwareemay, ciisena waa kii lahaa  colku waa carab weyn , waana ciise dhamaan cisman Guulla gusweyne iyo caluu raadinaya , goobtu waa giriyaad ooman , colow Homogoo’,liibaan cigaal, Aare Boode  dhamaan wey inaga hooseeyaan ee u faataxeeya iyo kuwo kale oo badan intaa aan soo tirshey iyo in kale oo badan kuma jiro hal nin oo reer Ooge ahi dhamaan waa wadda dhagax joog. Xitaa  qorax joog iyo  dacar jooguba  wuu ku yaryahay….

Halkaa aan ku yar nastee……

Qoladan Xeebjire ee jilaal cadaadiga tahriibineysa  Suldaanka…

Waxaan leehay Ma jirto Suldaan xeebjire oo lagu mideysan yahay, xitaa jufadda uu ka soo jeedaa iskuma raacsana, wuxuunbuuse u eeg yahay sida carooskii Bede soo marey jilaalka cadaadiga ee xooga loogu tumayey, ee uu lahaa , (Ma laha wiil garaa ku guursdey,)dee wuu la yaabay wacdiga jira iyo sida xafladdu tahay….Sida tan oo kale xeebjire caado iyo dhaqan uma le caaqil, duub, malaaq iyo suldaan la tahriibsho, iyadoon wacdi joogno, waxay dhaqan u lahaayeen mid laga wadda hadlo sida caleemo saarkii caaqil Liibaan, caaqil salsal, caaqil  cige , Ahmed  oo kii u dambeeye lagu qabtey meel Boon garabkeedka ah xeebjirena u dhanna ,  waxaana tartamayey Odey Jaamac Goodaad iyo Odey Ahmed Cige, Maalintaa ragii ka Hadley waxaa  loo horeysiiyey curadkii xeebjire odey Mohamoud Suge oo la yidhi kala saar rag , isna hadalka wuu riixay, wuxuuna ku riixay  curadkii Cumar Mohamoud oo ahaa reer Eebo, , isna hadalka kii wuu iska  riixey wuxuuna ku riixay  curadkii Muuse Ruug oo joogey markaa  odey Cali Sheekeeye,  odey Calina hadalkii soo afmeeray soona afjarey yidhina aney I taagan tahay meel aan u riixaa ma jirto,ninkasta  ba  eed buu  ka cararey labaduba waa bidix iyo midig,  dabadeedna Dhegta soo qabtay Caaqil Ahmed, halkaana sameydii loogu dhiibay Caaqil Ahmed Cige laguna caleemo saaray , Odey Jaamac Goodaadna aqbaley loona duceeyey maalintaa, labo sano ka dib ducadii xeebjire wey timid waxa habar cafaan isku raacdey in suldaan la sameeyo, lana siiyo xeebjire , xeebjire wuu aqbalkey, odey jaamac Goodaad baa xeebjire u yeedhay , waxa la yidhi odey jaamacaw waa la inagu maamuusey  saldanadii Habar cafaan , waana la ina  siiyey, adiguse ma qabaneysid waayo  waxna ma qortid waxna ma akhridid ee keen wiilkaagii Sh. Muse, markaa sh. Muse wuxuu ahaa Imaan iyo Khadiib  masjid  ku yaal Djibouti, oo la dhaho Masjid Abdulqadir  taariikhdu waa 1959kii halkaas baa Sh.Muse Habar Cafaan gacanta loo geliyey laguna  cumaadey lana caleemo saarey..

Sidaasdarteed caado  iyo dhaqantoona uma lehin  mana  geyno mansab la tahriibsho, waxan dhaqan u leenahay wadda tashi, shoor is maqal, isku tanaasul is ixtriraam , waana   in la tartansiiyo xitaa labo walaalo ah ha noqotee , waxaan se u maleyn arinkan in kascaano galeen ka taliyey saa waad arkeyseen intii  marti  sharaf makarafoonka qabsatey ninkastaa wuu tawaawacay ama calaacaley uun., waxayna u muuqdeen uun sidii dad ku yimid qaylo dhaan , qaarbaaba is lahaa  Ma Sheekhiiba  Illaah soo ceshay,  midkastaana   maxuunkii AUN,, Sheekhii uun taariikhdiisa wadey, hal soo qaadey canugan yar  ma  jirin , inkastoo u jirey wax yar oo yidhi sidii  caateeye faahiye dee(in Rubiyadeed hadleyd)..kkkkkk…..

Markaan miisaamey wuxuu la sameysyahay   ama meeqaam ama  u eegyahay ama la qaab yahay  ama la fac yahay  sidii  Ugaaskii Qurba joogta Beesha makaahiil  waday, keenana  dad u badan gabdho oo qurbe joog ah baa soo waaridey, markaa waxaan leehay taasi idinka socon mayso, wax la wadda leeyahayna yaan dad gaar ahi ku tagrifalin, ha la isa sugo, halaga wadda tashado sidii aan ku soo caano maaley, iyaan la inaga  dhex  dhigin fidno iyo wax aynaan haabkaba ku hayn, waxkasta sidiisa ha loo daayo ilaa shir beeleed dambe  sunahii dhaqanka inoo ahaa ha loo noqdo, candhuuftana dib ha loo liqo…

wa bilaahi tawfiiq…….

AB.Ibrahim(Aden-Cadde). KSA.Ahsa-Hofouf.

Advertisement

Ku Xayeysiiso