Saddexdii Kiish ee Wasiiradda Iyo Boqorka !

Saddexdii Kiish ee Wasiiradda Iyo Boqorka !

 

“Sheeko Gaaban: “ Boqor Iyo Saddexdii Kiish ee Wasiiraddiisa “

 

Boqor ka mid ahaa  Boqoradii ka soo taliyey aduunka qarnigii 16-aad ee aynu soo dhaafnay,  inkastoo, Boqorkaasi lagu tilmaami jiray inuu lahaa  karti, aftahannimo, hal-adayg iyo wax-qabad toosan oo lagu ma’jeerto, haddana,  dadka indheer-garadka ah ee ka soo hor-jeeda siyaasaddiisa, waxa ay qabeen arragti taa ka duwanayd, waxaanay ku dhaliili jireen  maamulkiisa inay ka jirto cadaalad darro, eex, hufnaan la’aan iyo musuq-maasuq baahsani, taasoo ay sabab ugaga dhigi jireen, xisaabtan la’aanta gollihiisa wasiiraddiisa.

 

Boqorka waxa lagu tilmaami jiray inuu dabeecad u  lahaa isagoo soo jeeda inuu khuuriyo, waxaanay taasi sababtay inay soo baxaan goddaloolooyin dhinaca maamul ee xukumadiisaasi, isla-markaana, gacan yaraashiisaasi ay uguga faa’iideyteen wax-badan  nidaamkii dowliga ahaa ee boqortooyadaas.

 

Boqorku waxa uu amar ku siiyey  Saddex  Wasiir oo ka kid ahaa Gollahiisa inay tagaan dhulka beereed, waxaanu u dhiibay saddex kiish oo madhan inay ka soo buuxiyaan  khudaar.

 

Mid ka mid ah wasiiraddaasi waxa uu ka soo buuxiyey kiishkiisii, midho khudaara oo aad u wanaagsanaa, halka, wasiirkii labaadna, uu ka fikiray, maadaama uu  Boqorku soo jeedka ku khuuriyo, kolayba in aanu eegidoonin kiishka, ka dibna, waxa uu ka soo buuxiyey kiishkiisii, wax-kasta oo ay gaadhi karaysay gacantiisu, kuwaasoo iskugu jiray midho wanaagsan iyo midho khaayisay, wasiirkii saddexaadna, waxa uu kiishkiisii ka soo buuxiyey caleemo la qalajiyey iyo carradii boodhka ahayd, isagoo ka fikiraayey inuu Boqorku u eegi doono kiishkasta cufnaanta uu leeyahay.

 

Ka dib markii ay ku soo laabteen Boqorkii, iyagoo sita kiishashkii ay ku jireen khudaartu, Boqorku, isagoo aan eegin wixii ay sideen, ayuu amar ku bixiyey in loo taxaabo jeelka, laguna xidho meelo kala duwan, muddo saddex billood ah, isla-markaan, aan loo ogolaanin in la siiyo wax cunto ah,  balse, loo ogolaado kiishashka ay sitaan oo kaliya,  ayuu yidhi Boqorku, isagoo ixtiraamaya saddexdii wasiir.

 

Kii  soo gurtay midhaha wanaagsan, waxa uu  cunaayey saddexdii billood ee uu xabsiga ku jiray, wasiirkii labaadna waxa uu kaga baxay macaluushii wakhtigii yaraa ee uu cunayey midhihii wanaagsanaa, markii ay ka dhamaadeen midhihii wanaagsanaa, waxa uu cunnay midhihii khaayiska ahaa, kaasoo markii danbe, ka qaaday xunnuun halis galiyey nolloshiisa intii ka hadhsanayd.

 

Halka kii saddexaadna, markii uu waayey wax uu cunno, ayey soo gaabatay cimrigiisii nolloleed ee ifka.

 

Arrintan waxa ay dadka u iftiimisay  inuu Boqorku uu ahaa nin soo jeeda oo is gamaarinaya, waxaanay la yaab ku noqotay kuwii dhaliili jiray nidaamkiisa.

 

 

Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso