Xanuunka Iyo Wareerka Waddani Qore Khadar Ibrahim

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaana salaamaya muwadiniinta Somaliland.

Xanuunkii ba baryahan batay oo gaadhay inta dhalil laga siyaasdeed laga waayo xukuumadda madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo iyo golayaasha wasiiriinta xukuumadeena mudan ay imika gaadhay in layska caayo un!, waxaana u arka akhlaq xumu, waxaasna waa mucaaridada hangashka ah ee waddani oo raacsan tahay ducuf iyo wareer! , waxaana ugu busharadinaya inay sii waashan oo dhawaan la galin doono dhakhtaradda !!waxanaa dhakhtarka galinaya  mar walba mashaaricda iyo horuamrka t.v qaranka ay ka daawadaan !!

Run ahaanti aragtidii siyaasadeed ee xisbiga Waddani ayaa haddeertan dhabaq iyo biyo dhaceen noqotay oo isku cayn iyo bayd go’an. Hadaba, muwaadin xisbiga Waddani waxa ka soo shaac baxay siyaasad aan jiho iyo meel u socod lahayn, waxa hadda maankiisa ka daalacan daahan siyaasadeed oo aan marna dalnimada dhawri doonin. Sidoo kale Guddoomiye Cirro wuxuu daah furay siyaasad ilaalin dalnimo iyo horumarin qarannimo midna lahayn, waxaana caddaan ah in ay tahay mid hagardaamo & hadimo qaran huwan oo halis ku ah masiirka bulshada.

nidaamka siyaasadda iyo hanaanka hoggaminta xisbiga waddani ayaa ah utimo iyo eelo gadhoodhay oo ayna ciddi mahadin doonin berrito haddii uu hantiyo xilka iyo ammaanadda ummadda. Waana nasiib darro mar haddii diblomaasiyaddii noqotay mid aan kala saari karin dal iyo xisbi. mana jirto ayaan darro ka waynmaanta in xisbiyeesho danjire u metela meelo aan isla jaanqaadi karin.waxaa idin tusaale ah inuu gudoomiye cirro magaacabay mar nin inu noqdo danjire EU matala somaliland isago xubintaasu ka tirsan tahay waddani!talaabadaas waxay muujinaysa yac yacoodnimada hoggaminta xisbiga iyo hanaan siyaasadeed cidhib xun, waana taariikh taban oo xisbiga Waddani ugu biirtay dastuur jabintii, qabyaaladdii iyo Qaloocii xisbiga ka leexiyay innuu hanto xisbinimo qaran.

Dhan kastaba, waxa hubaal ah in ninka xisbi iyo qaran kala sixi kari waayay uu yahay ma gudbe siyaasadeed oo muddan in dalka laga badbaadiyo.Ceebna umma arko innuu yeesho musdanbeed reeraysan oo uu ku dhaqmo casabo iyo cashiirro siyaasadeed lingax jilicsan. Se waxaa laga yaabaa innuu ceeb iyo liidnimo u yaqaan yeelashada musdanbeed qaran oo maanta dhisa xisbinimo qaran, si barito loo yagleelo dawladnimo qaran oo shacabku si siman u wadda mahadiyo si daarta Sugnaanta hoggaaminta suubban.

Ugu danbayntii, wali waxa xisbiga Waddaniaad uga muuqata laylinimo badan, fududayd iyo iska warhayn la’aan dhabarka iyo xanjaadka ka jabiyay siyaasadda xisbiga Waddani oo ah mid aragtida san iyo hoggaaminta suubban ka aradan. Maxaa yeelay tusaale kasta oo uu xisbinimo ku muujiyaa waa tusaha iyo tilmaamaha haggida dawladnimada iyo hanaanka hoggaaminta berri. Runtii Waddani waa xisbi ee ma aha dawlad. Sidaa darteed yaannu dalka u horseedin fawdo xisbi iyo danjireyaal badan. Waxaa dhab ah in danjire yahay mid metela qaran ee aannu ahayn mid ka wakiil ah xisbi iyo xasarad kale toona.dalkan wuxuu dawlad matashaa deg deg meel ma geeni doono waddani!.iska daweeya xanuunka qabilaysan idin haya.

Saadaashu waa khayr khayr khayr

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso