Musharaxa Xisbiga Kulmiye Waxay Bulshada Gobolada Bari Ugu Baaqayaan Inuu Soo Badalo Masharixiisa Madaxwayne Ku Xigeen Iyagoo U Sababaynaya Qodobada Hoos Ku Xusan

Madaxwaynaha mustaqbalka isagoo ilaalilanaya xeerarka iyo qawaaninta xisbiyada iyo qaranka u dagsan waxuu inta badan cabiraa dareenka shacabka ee ku aadan dhaliilaha jira.

Bulshada ku xiran maqaalada madaxwaynaha mustaqbalka waxay uga barteen qoraalo leh arraar balse waxii maanta ka danbeeya waxaynu toos u guda gali donaa dulucda hadalka waxuu yahay iyo dhaliilaha jira oo aynu toos isaga bilaaban doono.

Xisbiga kulmiye oo ah xisbiga ugu bulshada badan gobolada jamhuuriyada somaliland waxuu u diyaar garoobay inuu galo doorashada soo socota, waxaana  ka tartamaya musharaxiinta kala ah musharaxa madaxwayne mudana muuse biixi cabdi iyo musharaxa madaxwayne ku xigeen oo ah madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland oo ah guddoomiyaha guddida abaaraha ee heer qaran  mudan cabdiraxman ismaacil saylici.

Musharaxa madaxwayne ee xisbiga kulmiye mudane muuse biixi cabdi waxay bulshada gobolada bari ugu baaqayaan inta ka hadhay doorashada madaxtooyada inuu ka hawl galo sidii uu isaga soo badali lahaa mashariisa madaxwayne ku xigeen oo ah madaxwayne ku xigeen jamhuuriyada somaliland ahna gudoomiyaha guddida abaaraha ee heer qaran waxayna ku sababaynayaan qodobada ay kamid yihin.

  1. Musharaxa madaxwayne ku xigeen ahna madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland ahna gudoomiyaha guddida abaaraha ee heer qaran intii uu ahaa gudoomiyaha guddida abaaraha ee heer qaran wuu ka gaabsaday inuu soo eego bulshada balaaran ee ku dhaqan gobolada bari oo ah gobolada ay abaarta xun haysato. Walina lama arag isagoo tv ga ka hadlo muujinayana dareenkiisa ku aadan abaarta ba’an ee haysata gobolada bari, isagoo ay filayeen inuu ahaan doono mid inta badan ka warhaya bulshada gobolada bari.
  2. Musharaxa madaxwayne ku xigeen ahna madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland ahna gudoomiyaha guddida abaaraha ee heer qaran socdaaladiisu waxay u badan yihin gobolada galbeedka hadii ay aas tahay iyo hadii ay tahay booqasha kaleba, waxaana la is waydiinayaa intii uu ahaa madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland miyuusan sii wax gashan gobolada galbeedka kalsooni buuxdana ku qabin mise kalsooni badan ayuusan ku qaban goboladaa oo haduu balan qaadyo u samaynayaa.
  3. Musharaxa madaxwayne ku xigeen ahna madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland ahna gudoomiyaha guddida abaaraha ee heer qaran intii uu kursiga ku fadhiyay 6sano kadib mar uu tagay gobolka sanaag waxuu sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee uu soo booqday gobolka sanaag  salaana uu usido lana yaabay wadada dhismaheeda halka ay marayso kadibna isagoon dhagaysan bulshada ku dhaqan gobolka sanaag  isaga yimid.
  4. Musharaxa madaxwayne ku xigeen ahna madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland ahna gudoomiyaha guddida abaaraha ee heer qaran 7sano uu dalka ka ahaa madaxwayne ku xigeen wax lagu xasuusto uguma uusan tagin gobolada bari
  5. Musharaxa madaxwayne ku xigeen ahna madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland ahna gudoomiyaha guddida abaaraha ee heer qaran waxay bulshada daawataa madaxwayne ku xigeen oo booqanaya meel ay ka jirto abaar balse qorshihiisu socdaleed uu yahay mashruuca GBLG ga mana muujiyo xalada ka jirta gobtaa uu tago abaarta ka jirta, waxaana cadaan ah inuu mashruucaa yahay mid fashilan.
  6. Musharaxa madaxwayne ku xigeen ahna madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland ahna gudoomiyaha guddida abaaraha ee heer qaran intii uu ahaa madaxwayne ku xigeen hay’addihii hoos tagi jiray waxay noqdeen kuwa ugu wax qabadka liita intii ay jirta xukuumada uu madaxwayne ku xigeenka ka yahay.

Qodobadaas iyo qodobo kaloo badan ayaa lagu dhaliilayaa.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mastaqbal ahaan waxaan soo jeedinayaa in xisbiga kulmiye masiirkisa iyo jiritaankiisa la ilaaliyo, waxna laga badalo dhaliilaha jira,

Axmed muumin seed inti uu ahaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga wadani waxuu kormeerkiisu ku badnaan jiray gobolada dalka oo dhan, musharax muusena waxaanu leenahay bulshadani waxay u baahan tahay nin sida axmed muumin seed oo kale gobolada ay isugu siman yihin,

 

mohamed osman<awaadan5@gmail.com>

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso