Profesoor Xuseen Taansaani: Daljir aan Dadkiisu Aqoon.

Qiyaastii 30 maalmood ka hor ayaan wada casheyney dhowr nin oo ah madaxda dalka Nigeria iyo ganacsato waaweyn. Qaarkood waxaabey ka tirsanyihiin xafiiska madaxweynaha Nigeria, Mr. Buhari. Saaxiibkey Xasan Diini oo ah ganacsade xidhiidh wanaagsan la leh madaxweynayaasha iyo madaxda dawladaha Afrikada galbeed ayaa nimankaasi isku kaaya xidhey.
.

Nin madax sare ah oo nala casheynayey ayaa i weydiiyey, tolow Profesoor Adam ma noolyahay? Waxan ku idhi ma garanayo. Wuxu yidhi waa Profesoor Xuseen Adam la yidhaa oo Soomaali ah. Waxan idhi waan garanayaa oo Mareykanka ayuu ku noolyahay. Wuxu yidhi dalka Nigeria caan ayuu ka yahay oo aad ayaa looga jecelyahay, gaar ahaan jiilka iminka talada dalka haya.
.

Wuxu ii sheegey, in sannadkii 1977 kii magaalada Lagos lagu qabtey shirweyn oo ay ka soo qeyb galeen khubaro Afrika iyo caalamka ka socota. Shirkaasi waxa lagaga hadlayey Afka (Luqadda) loo aqoonsanayo iney tahay Luqadda Radmiga ah (official language) ee Afrika. Markuu shirkii socdey muddo ayaa waxa la iskugu yimid in la kala doorto Afka Sawaaxiliga iyo Afka Xawsaha. Khubaraddii waxa ay u kala jabtey laba qeybood oo doodda labada dhinac kala taageersan.
.

Khubaradan waxa ku jira Proffessoro magac weyn addunka ku leh oo aad u tiro badan. Waxa ka mid ahaa Proffessor Xuseen Adam ( Hussein Tanzani) oo ahaa nin dhalin yar oo ka socdey Soomaaliya oo markiiba noqdey ninka shirka uugu cadcad. Xuseen waxa uu hoggaaminayey kooxda u ololeyneysa in Afka Xawsuhu yahay Luqadda Afrika uugu qanisan, sidaa darteedna loo aqoonsado luqadda Rasmiga ah ee Afrika. Proffessor kale oo Xilligaa adduunka caan ka ahaa ayaa hoggaaminayey qolada kale ee ku doodeysey in Afka Sawaaxiligu noqdo Luqadda Rasmiga ah ee Afrika
.

Labaddii professor ayaa maalintii danbe dood la isku keeney. Waxa fadhiyaa khubaraadii iyo professors iyo ardey ka socota jaamacadaha Nigeria. Ninka ii sheekeynayaa waxa uu ku jirey ardeydii ka socotey Jaamacadda Amadou Beelo. Khabiirkii luqadda Sawaaxikiga u doodayey oo caan ahaa ayaa doodda ku horeeyey. Professor Xuseen ayaa ka daba qaatey oo si aftahanimo ah doodiisii u sheegey. Proffessor ka kale oo ileyn loo arkayey nin aan cidi ka daba hadli karin ayuu Xuseen ka daba qaatey oo uu doodisii jabiyey. Hadalada laga sii xasuusto dooddii Xuseen waxa ka mid ah, “you should not confuse a gifted writer with a philosopher”. Taasi oo macneheedu u dhiganto, qof hibo u leh qoraanimada, ayuu idiin la muuqan Feylasuuf. Taasi oo uu uuga jeedey, in professor ka kale yahay qoraa wanaagsan oo aftahan ah, balse aanu aheyn Feylasuuf ku xeeldheer nidaamka dhaqan dhaqaale ee Afrika. Aqoontii uu soo bandhigay Proffessor Xuseen iyo aftahanimadiisii ayaa sababtey in kooxdiisii ku guuleysato dooddii. Taasina waxa ay keentey in war murtiyeedkii shirka ka soo baxay noqodo in Afka Xawsuhu yahay Luqadda Rasmiga ah ee Qaaradda Afrika.
.

Ardeydii berigaa shirka lagu soo martiqaadey in badan ayaa ah madaxda dalka Nigeria hoggaamisa maanta. Ninkaa sheekada iiga sheekeynaya oo la yidhaa Ahmed Mustafa, waxa uu ii sheegey in khudbaddii uu professor Xuseen ka jeediyey gunaanadkii shirkaasi, ay telefishana Nigeria iyo dawladaha Galbeedka Afrika ee Xawsaha ku hadlaa iney illaa iyo maanta ku soo celceliyaan. Xilligaa shirku socdey oo ay iminka ka soo wareegtey 40 sanadood qiyaastii, waxa Afrika oo dhan ka socdey dhaqdhaqaaq Afrika Weyn ah (Pan Africanism) oo la doonayey in dhaqaalaha iyo cududda iyo aqoonta Afrika la mideeyo. Professor Xuseen oo xilligaa ahaa nin dhalinyaro ah oo dhowr iyo soddon jir ah, waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanka Afrika ku faanto. Soomaaliya lafteeda ayaa xiligaasi aheyd dawladaha uugu cadcad ee u dooda Afrika.
.

Profesoor Xuseen waxa iigu danbeysey dhowr bilood ka hor mar an ku kulanney Hotel Guuleed isaga oo ka soo qeyb galey Carwada Buugaagta Hargeysa, xiligaasi oo an in yar wada hadalney.
.

Markii sheekadaasi an dhageysanayey, aad ayaan uugu faraxsanaa in nin dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed uu saameyn weyn ku yeeshey dawladda uugu weyn Afrika isla markaana ah dhaqaalaha uugu weyn qaaradda iyo dawladaha badan ee kale ee ku hadla Afka Xawsaha. Waxase an iyana anigu isweydiiyey, tolow dadkii uu Professor Xuseen ka dhashey intee in leeg ayey talo weydiiyeen 30 kii sannadood ee u danbeeyey. Hadana waxa an isweydiiyey, taladu ha danbeysee, tolow dadka iminka jooga, intee in leeg ayaa taqaanna ninkaa adduunka kale ku faanayo?
.

Maanta ayaan maqley geerida Profesoor Xuseen Taansaani. IIaahey ha u naxariisto. Inagana ha inooga daba naxariisto. Aamiin.
.

Maxamed Cali Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha
qorane.bile@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso