Faarax SH. C/qaadir – Halyey La Xaqiray

Doorashadi ka dhacday baarlamaanka waxaa ka soo baxay oo laga bara karaa dhacyoodin isdaba joog uga socday xilligi doorashada..tusaalooyinka laga bartay waxaa ka mid ah saadaashi aan horey u qoray oo ahayd in Somaliya aysan dowlad ka dhalan doonin dalkuna baabi’i doono goortey noqotaba. Sababaha aan sidaa u iri waxay ahayd in aanan kala garaneyn dadka siyaasadda ku jira kuwi wax tara iyo kuwo aan waxba tarin oo haddana ugu horreeya tartanka xilalka oo ay ku guuleystaan weliba kuwa ugu qiimaha yar.,. Si kastaba qaar fiican kama marna oo waa ku jiraan, waxay naqdaanba.

Maqaalkaan waxaan uga hadlaa Faaarax Sh.Cabdulqaadir oo aan u arkay nin aad u qiima badan oo mowhibo gaar ah Ilaahey ku manneystay ahna cabqari ka maskax weyn badiba inta dalka taladiisa ku hardameysa. Shakhsiyan uma aqaano waxaanse dhegeystay khudbado uu ka jediyay barlamaanka oo runtii aad xikmado badan u xambaarsanaa…nasiib darro, inta garan karta kama badna tirada faraha. Labadi jeer uu hadlay wuxuu ku soo xusay dardaaran ay uga tageen labadiisi waalid hooyadii iyo aabihii oo u muuqday inay ahaayeen dad aad u maskax weyn oo ku beeray canugooda shakhsiyad dhinac kasta ka bisil, wax bandanna laga faa’iidi karo hadduu loo adeegsado arrimaha murugsan ee dalka ka taagan.

Tallaabti ugu dambeysay uu qaaday waxay ahayd inuu iska cafiyay ciddii wax ka sheegtay oo dhan oo runtii aad u badan tiro ahaan, waxay ku eedeynayaan ma yaqaaniin iyagu xataa. Ninki uga guukeystay doorashada C/weli Muudey ayuu fadhigiisa ugu tegay oo ku salaamay…kaasuna waa garan waaayay inuu istaago oo uu sharfo qof fadhigiisa ugu yimid. Taasi waxay tilmaan cad u tahay inuu aad uga garaad weyn yahay kana garasho badan yahay, waana qofki runtii mudnaa inuu jagadaas qabto si looga faa’iido hibada Ilaahey ugu deeqay oo inta meesha fadhiday badankooda ay ka arradan yihiin. Waxaa jira hal-ku-dheg Talyaani ah L’ABITO NON FA LA MONACA oo micnaheedu yahay LEBISKU MA SAMEEYO SOORADA ama naagta wadaada ah…jago kasta oo laguu magacaabo marna kaa dhigi meyso waxaadan ahayn. Faarax waxaa dadka qaar ay ku naceen saaxibtinimada kala dheeysa Madaxweyne Xasan Sheikh taasoo dadka qaar u arkaan inay dembi tahay….Maan-gaabtuna waxay ku hadaaqaan inuu ka tirsan yahay DAMUL JADIID oo aad moodo inuu yahay magac la isku caayo ama la isku habaaro..

Waxaa nahay ummaad aan aqoonsan midkooda cabqariga ah ama uu Ilaahey ugu deeqay aragti ka duwan sida ay dadka wax u arkaan..waa jiraan jufooyin kuwooda ugu qiimaha yar bunbbuniya oo kor u qaada, halyeyga jufooyinka kalena yasa, waana tan dal ku baabao’. Kuwa sheegta AQOONYAHAN ama DIPLOMAASI ma qiri karaan qofka hibada Ilaahey siiyay oo astaahila in talada dalka laga qayb geliyo, loona aqoonsado waxa u yahay laguna xushemeeyo sida Faarax Sheikh Cabdulqaadir..aqoontoodu waa mid qabiil ku saleysan..anigu ma aqaani asagana ima yaqaan…waxaanse aqoonsahay una qirayaa inuu yahay qof dalkaan wax u qaban kara haddii la siiyo fursad uu ku muujiyo awoodaha Ilaahey siiyay.

Waxaa mudan in la xasuusto howlihii faraha badnaa ee uu dalka u qabtay, isagoo ugu weynaa aasaasayaasha Jaamacadda SIMAD ,dugsiyo waxbarasho oo fara badan uu wax ka dhisay iyo gargaar uu u fidiyo dadka tabaaleysan…laakin waxa meesha na dhigay waa waxmagarato aan siyaasad waxba ka aqoon oo haddana ka hadlaaya inuu isbeddel dhaco..midkoodna ma saadaalin karo sida ay arrimuhu noqon doonaan hadduu Madaxweynaha talada haya meesha kla baxo oo laga yaabo inay yimaadiin kuwo u adeega dano ajaanib una horseeda dalka burbur uusan weligii ka soo kaban doonin…Allaha naga badbaadiyo cadawga nala wadaaga dalka oo dad kale daacad u ah anagana aan wax dan noo ah noo heynin marnaba.

 

Axmad Calasow

Advertisement

Ku Xayeysiiso