Masuuliyad Xumaani Waa Tanoo Kale W/q Nimco Deeq Faarax

Masuuliyad  Xumaani  Waa  Tanoo Kale

Marka aad ka aradantay Dareenka aadminimo iyo aqoonta waxa si isku mida aad u qaabileysaa wanaaga iyo xumaanta,tiiyoo aanay kuu kala soocnayn una haysta wadada aad haysaa iney tahay tii saxda ahayd,

Ma garawdid oo hadii lays yidhaa saxa waxaad tahay qof ku adag tuu wato,waxa maanta jirta arin aan aad ula yaabay oo aan si weyn xog ogaal ugu ahay taasoo igu kaliftay inaan u bandhigo umada iyo Maamulka dalkan JSL .

Dabayaaqadii bishii diisambar  ee sanadkii aynu soo dhaafnay oo ku beegnayd 26 kii Bisha 12 aad ee 2017 ayaa waxa la qabtay shirweynihii 6aad ee Dalada Naafada qaranka ee loo yaqaan SNDF, shirkaas waxuu u dhacay sidii loogu talo galay waxaana lagu doortay hogaankii cusbaa ee hagi lahaa dalada ,

Sida caadadu tahayna waxa si dimuqraadiya ay daladu isu bedeshaa Labadii sanaba hal mar waxaan goob joog ka ahaa marti sharaf badan oo ka kala socday qaybaha bulshada,waxa kale oo masuuliyinta xukuumadu shirkaas uga masuul ahaa wasiiru dawlaha shaqada iyo arimaha bulshada mudane Cabdi Camuud.

Shirweynihii daladu waxa uu ku soo dhamaaday in la doorto gudi ka koobanayd 7 xubnood oo hogaamin doona dalada,Hadaba anaga oo ah dadkii naafada ahaa ee codeynaayey weliba aanu koox ahaan ka soo jeednay dhinaca gudoomiyihii xilku ka dhamaadey ,waanu ku qanac nay in nalaga guleystay oo runtii waanu hanbalyeynay.

Balse waxa aan la yabanay in gudoomiyihii xilka lagala wareegay ee daladu inuu 18 cisho ka bacdi dib noo soo abaabulo isagoo noo sheegaya in gudigii meesha kala wareegey ay ku muda haraadaan ,kuna eedeyno iney hantidii meesha lunsanayaan,arintaas oo aanu markii dadkii naafada ahaa uu la xidhiidhay gudoomiyaah xilka ka tegay aanu la yaabnay sababtoo,ilaa maanta oo taariikhdu tahay 13/12/2017 weli xil wareejin may samayn ,gudiga cusubina may tirsan xafiikii naafada,waxan ka mid ahaa naafadii ka qaybgashay Maalintii naafada aduunka ee lagu qabtay 3dii desambar guriga shaqaalaha weli waa laygu leeyey kharashkii aan gaadhiga ku soo kireystay waxaana aanu ognay in Hawsha waxii ku baxaayey in xukuumadu bixisay dhamaan lacagtii qiyaas ku dhow 10.000$ balse lacagtaasi ku dhacday meel kale arintaasna waa ta igu kaliftay inaan qoraalkan sameeyo markaana aragnay in qofkii hanti lunsiga aanu u haysanay isagii nagu abaabulayo gudigii cusbaa ee aan xataa xafiis lagu wareeji,

Arintaas kharashkii maalinta naafadana  xukuumadu ha daba gasho halka ay martay,si xaqdaradu u joogsato waa in si dhaba loo baadhaa ,maanta dalku waxa uu ku jiraa xaalad abaareed in kharash inta leeg qof qudhi lunsadaana waa wax aan loo adkaysan kari waayo dadka naafada ah cidina kama baahi badna iyagaaba u baahane waxan xukuumadu ka codsanaa in arinaas wax laga qabto.

Markii aanu gudigii cusbaa arintaas wax ka weydiineyna waxay noo sheegeen in gudmooyihii wakhtigu ka dhamaadey si cad u diidey inuu xil wareejin sameeyo.

Hadaba waxa kale oon halkan ku cadeynayaa in hadii aanu nahay dadka naafada ah ee somaliland in xukuumadan maanta talada haysa iyo xisbiga kulmiye ay yihiin kuwa qudha ee naafada wax u qabtay kama abaal ka dareyno cid weliba wey ogtahay maanta in mootiyinkii iyo shaqadiiba laysugu darey dadka naafada ah oo maanta ay bulshada wax la qaybsanayaan.

Cidna abaabulka Wadani nagula dhex jirtana waxan odhanayaa shuraako kuma nihin caqliga ee waxa inaga dhexeeyaa magaca naafada afar qofna khalkhal kuma ridi karaan arimaha naafda waayo dalka nidaam baa ka jira isagaana loo hogaan samayaa hadii doorashadii leynaga helay ,waxaynu abaabul kale u galaa saw fawdo maaha iyo in naafada aynu ka dhex abuuro fidno

Waxaan wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada si sharafle uga codsanayaa in arintan ay wado gudoomiyihii mudo xileedkiisu dhamaadey ay soo faro geliso loo yeedho sharciga la hor keeno,si dadka naafada ah loogu badbaadiyo daladooda waayo beri ka maalin ayaa mid weliba u sharaxan yey waa meesha qudha ee ay ku hirtaan,

Nimco Deeq Faarax

naimodek@hotmail.com

0634827862

Advertisement

Ku Xayeysiiso