Aqoon-yahan Maxamed Xasan Finad Oo Si Cilmi-yaysan Uga Hadlay Saamaynta TABAN Ee Ay Somaliland Ku Keenayso Saldhigga Milatari Ee Ay Imaaraadku Doonayaan In Laga Siiyo Magaalada BERBERA

Dr.Maxamed Xasan Finad oo bartay Culuumta Sharcigga iyo Siyaasadda,si dhawna ula socda dhaq-dhaqaaqyadda Siyaasaddeed iyo dhaqan-dhaqaalle ee Gobolka,ayaa si cilmiyaysan uga hadlay saamaynta taban ee ay Somaliland ku keenni karto Saldhigga milatari ee ay dawladda Imaaraaku doonayso inay Somaliland ka samaysato,gaar ahaana Madaarka Magaaladda Berbera.

Dr.Finad,ayaa waxa uu sharaxaad dheerri ah ka bixiyay is-balaadhinta dhinaca Milatarigga ee ay haatan waddaan Dawladdaha carabtu oo ay ugu horayso Dawladda Imaaraadku,iyadda oo saldhigyo horre ku lahayd Magaalllooyin ku yaalla Geeska Afrika oo ay Somaliddu leedahay,gaar ahaana dhulka Somalidda.Waxa uu aqoon-yahan Finad si gaar ah usoo qaatay Saldhigyo ay ku leeddahay Magaallooyinka Boosaaso,Muqdisho iyo qorshe ay hadda mid kale kaga binnaynayso Magaaladda Kismaayo.

Dr.Finad,waxa uu sheegay in haddii ay Somaliland ogolaato in Saldhig Milatari ay UAE-du  ku yeelato Magaaladda Berbera,ay taasi dhabbaha u xaadhayso inay halkaas yimaaddaan Ciidammo Masaari ah ,kuwaas oo carqalayn kara xidhiidhka Ganacsi iyo Jaarnimo ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dalka ETHOPIA.

Sidaasna waxa uu Dr.Maxamed Xasan Finad ku sheegay qoraal uu soo saaray oo warbaahinta soo gaadhay,waxaana uu dhignaa sida tan; “Saldhiga military ee Emiratku ka qoondeystey Berbera wuxuu khater ku yahay degenaanshaha dalkeena curdinka ah iyo ka mandaqada geeska afrika tusale ahaan UAE waxay saldhigyo milateri ku leedey boosaso iyo muqdisho waxaanay u socota saldhiga kismaanyo in ay ka sameyso, UAE waxay taageerta dawlada taagta daran ee muqdisho oy bixiyan mushahaarooyinka ciidamada sidoo kale waxay leeyeen ciidamada Saris ee Buntland oo si fiican u qalabeysan ,saldhiga berberi laga sameeya isaguna wuxuu sahli kara in ay inagu qasbaan midnimadii soomaliya hadii dawlada fadaraarku ka codsato, taasna waxaa sii dheer xidhiidhka military ee ka dhaxeeya Masar & Emirateka oo sababi karta in ciidamo masaariyi iman karaan dekeda berbera oo caqabad ku noqon karta xidhiidhka saaxiibtinimo iyo ganacsi ee ka dhaxeeya labadeena wadan ee jaarka ah waxa iyaduna il diblomasiyeed ku eegeysa jabuuti oo xurguf dhaqaale UAE ka dhaxeeyso sidaa daraadeed belaayo ka hortag bay leedey ee ka daba tag malaha aan ka fikirno kala doorashada deriskeena iyo dal inaga fog masaafo ahaan oo dhib inoo keeni kara sida in lagaga duulo berbera koonfurta soomaliya sida alshabaab iyaguna marmarsiiyo inoogu helaan ay inoogu soo duulan”.ayuu Yidhi Dr.FINAD

Maalmihii ugu danbeeyay,ayaa waxa si weyn u haystay Fagaarasha siyaasadda Dalka iyo Saxaafadda Dunidda Carabta warka ku saabsan Saldhigga milatarri ee ay Imaaraadku doonayaan inay Somaliland ka samaystaan,taas oo dad badani u arkaan inay Indho-cadaawaddeed usoo jiidi Karto Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso