Barnaamijka Guulaystayaal Geeddiga Wadaay-Wadaay Qeybtiisa 4-Aad

Barnaamijka Guulaystayaal Geeddiga Wadaay-Wadaay  Qeybtiisa 4-Aad

Dhugta Oo U Dhaga-Nuglaada Kuna Dhaqma 100-ka Qodob Ee Ka fog Siyaasadaha Ee aynu Ku Kasbaneyno Horomarka iyo Wada manfacsiga Dheefta Danaheena Guud ee lagu Gadhayo U Hagar-Baxa Maamul-Wanaaga ah Oo aan Hal Senti Inagu Kacayn Fulintoodu.

Qodobkii 5-aad: Bacaha Beersoosha Ah Ee Muraayadaha Baabuurta Lagu Dhajiyo

 

Inagoo ku dhex jirna qormooyinka taxanaha ah ee Ku wajahan ciwaanka xagga sare ku qoran, waxaynu maantana soo qaadanaynaa qodobkii 5-aad, oo aanay waxba inagu qaadanayn fulintiisu haddii maamul-wanaag loo maro.

Sidaynu wada ogsoonahay, waqtigan casriga ah ee aynu ku dhex jirno xaddaaradiisa, waxa inagu badan inaynu dibadda ka soo waaridno waxyeelooyin aynu iska qaadano khatartooda, inagoo aan xil iska saaraynin dhibaatooyinka ay inoo yeelan karayaan amma ay inoo soo jiidayaan. Inagoo og oo dareensan dhibta ay keenayaan tu yar iyo tu weynba, oo haddana aynaan dheg jalaq u siinayn. Waxa kale oo jira kuwo kale oo ayna badankeenu u dhuul daloolayn oo ay xadaaradahaasi wataan oo waayo dambe la ogaado.

Markaa arrimahan waxaynu odhan karnaa, waa xanuuno qarsoon oo uu la jaanqaado ilmo kasta Soomaaliyeed marka uu dhasho, taasoo saamaysa koritaankiisa hore ka dhexe iyo mustaqbalkiisa dambeba, waxaanay ka weerartaa xagga dareenka, fikirka, dhaqanka iyo maskaxdiisaba. Runtiina waxay ahayd waajib muqaddas ah inay daryeelaan carruurtaas oo ay dhayaan amma ay bogsiiyaan waalidka, qeybaha bulshada iyo dowladduba. Waxaana la odhan karaa, waa halka aynu adduunweynaha kaga duwanahay, maxaayeellay adduunka kale wuxuu xoogga saaraa, oo waqti badan ay u huraan dhisidda ubadka maskaxdooda, fikirkooda iyo dhaqankooda.

Haddaynu u hoos ugu dhaadhacno gun-dhigeenna ah maamul-wanaagga lagu wadda dhergo marka ay timaaddo danta guud, waxa aynu og nahay baabuurta dibadda inoogga soo degta marka la keeno waddanka ee uu la wareego qofkii lahaa amma laga sii iibiyey, marka ugu horraysaba wuxuu ku dhaqaaqaa inuu markiiba ku dhajiyo muraayadaha gaadhigiisa baco wax qarinaya oo beersool ah, iyadoo lagu dahaadhayo muraayadaha dhinacyada, ta dambe iyo qeyb ka mid ah oo ay ku dhejiyaan ta hore. Waxaana muuqata, inaynu badankeenu baal marnay gaadhiga la socodkiisa guud ee ah in loo foojignaado xaaladda uu qofku kula wareegayo.

Haddaba, haddaynu is waydiino qaddiyaddan aan anigu u arko inay tahay maskax-gaabni, waxa tusaale kuugu fiilan heestii ay ku luuqaynaysay Saado Cali Warsame Ilaahay ha u naxariistee ee ahayd ‘Laangaruusal soo gado, soo bari galley’. Haddaba waa inaynu is waydiinaa waa maxay sababta aan u diidanahay madoobaynta muraayadaha baabuurta amma sababta ku kalifaysa dadka inaga midka ah ee madoobeeya muraadaha baabuurta, waxaynu uga jawaabi karnaa:

  1. Waxay arrintan beersoosha lagu xidho baabuurtu ka soo horjeeddaa sharciga waddo-marista dalkeena ee ay dhowr sanno horteed meel mariyeen golayaasha sharci dajintu.
  2. Ku xidhista beersoosha ee baabuurtu waxay sababtaa shilalka ugu badan ee waddankeena ka dhaca, iyadoo darawaliintaasi aanay si buuxda u wada arki karayn baabuurta meel ka soo boodda amma kuwa si qaldan waddada u adeegsanaya, gaar ahaan darawaliinta muusiga dallacda amma kuwa moobiladda iskaga hadla ee u daymo la’aan karaya khatarta soo wajahda marka ay baabuurka wadaan.
  3. In muraayad-haadyada ku yaalla labada daaqadood ee hore iyo ta dhexe oo loogu talo galay inuu ka eego baabuurta ka dambaysa aanu si fiican u adeegsan karayn, maadaama muraayadaha la wada madoobeeyey 90%, inagoo og inay yihiin muraayad-haadyadu waxyaalaha ugu muhiimsan ee ka qeyb qaata baabuur-wadista.
  4. In muraada hore ee baabuurka lagu dhejiyo 3 meelood marka loo qaybiyo meel amma meel iyo badh, taasoo u diidaysa darawalka inuu si nafis ah u waddo baabuuka, oo mar-marka qaarna ay darawaladda qaarkood foorarsadaan si ay u arkaan waddada ka horraysa.
  5. Waxa kaba sii daran baabuurta yar ee ay ka mid yihiin Noha iyo dukhaanka, oo gabi ahaanba lagu dahaadho waraaqo xayeysiis u badan oo dhinac lagaga dhejiyo. Taasoo keenaysa indho la’aan baabuur-wadis ku-sheeg ah.

Haddaba, waxa is waydiin leh inagoo ku faanna reer magaal aqoon leh maxaa inagu kalifaya waxyaalaha adduunka kale ka mabnuuca ah, oo keeni karta khatar nafeed oo maalin walba joogta. Halka adduunka kale aan la hawaysan Karin in ficiladda noocaas la sameeyo.

Bal aynu soo qaadano dhowr qodob sababaha ay Darawaladda qaarkood  ugu dhejiyaan muraayadaha baabuurka oo macno darro ah.

  1. Inay ka khashaafayaan in la garto intay jidadka magaalooyinka dhex mushaaxayaan, oo la shaxaado amma ay diidayaan inay asxaabtooda jidka kula kulmi karta sii qaadaan amma dadka jilicda san.
  2. Mukhaadaraatkii, macaasidii iyo magaalo-joog-xumaddii oo xadhko goostay, iyadoo qaar ka mid ah darawaliinta iyo asxaabtoodu ay ku dhiiraddaan falal dhaqan-xumo oo ay qarsanayaan.
  3. In madaxda dalkeena qaar ka mid ah ay baqdini u gayso madoobaynta muraayadaha, iyagoo aaminsan inay la isku qarin karayo, oo ay kaga badbaadayaan in la qarxiyo amma waxyeello kale loo gaysto, iyadoo qaar kale oo madaxdeena ka mid ahna ay u gayso isla wayni iyo bodowtinimo.
  4. In inteena yar ee Ilaahay maalka ku manaystay ay u arkaan muraayadaha la madoobaynayo iska sarraysiin inteena kale.
  5. In qaar ka mid ah darawaliintana ay ka tahay maan-gaabnimo daba socota ku dayasho gurracan.

Qoddobadan kor ku xusan, waxaynu ku difaacaynaa kuwan:

  1. Ka khashaafidda dadka qaarkood iyo iska qarinta shaxaadka: sidaynu og nahay waxa jira taxi yar oo 20 sanno horteed la soo watay oo la soo dhalaaliyey oo farsamo ahaan bodhigooda, mishiinadooda iyo qurxinta gudahoodu ay tahay wax qosol ku jab ah, oo ay tayadoodu aad u liidato, inagoo badankeena la odhan karayo kama badna magaalo –joognimadeenu 70 sanno, isla markaa la odhan karo 80 sanno horteed waynu kaba la’ayn, oo inyar baa kabo xidhan jirtay bulshadeena. Waxa kale oo aynu ognahay in waqti xaadirkan ay jiritaankeeniiba halis galiyeen Abaaro daba-dheeraaday, maamul-xumi, Danaysi gaar ah iyo Xanuuno inteena fayowi ay yar tahay. Haddaba, waxa la yaab leh in kuwo inaga mid ahi ay kibir, baqdin iyo isla wayni ku beeranto amma ay shaxaad ka cararaan, inagoo rubuc-qarni horteed afka dhulka ku wada haynay.
  2. Qaar ka mid ah darawaladda oo macsi, mukhaadaraatka: kuwaasi waxay ka dhoohan yihiin, in Ilaahay ficiladeena iyo qalbigeena daalacanayo, isla markaana dowladeenu ay indho qudhaanjo leedahay, oo wax la qar-qariyaa aanay suurtogal noqonayn.
  3. Madaxda Baqaysa: waxa la odhan karaa waqtigan casriga ah, qof kasta oo la rabo in wax la yeelo oo Alle tiisii ka dhigay inay aad u fududahay, oo aanay waxba tarayn muraayaddo la madoobaystaa.
  4. Inta maalka haysata: Dardaaranka Ilaahay (SWT) iyo Nabigiisii (CSW) ee ahaa inaynaan dadka iska sarraysiinin ay qaadano, oo yeynaan garab marin.
  5. Isku Dayashadda: ku dayashada qaldani waxay ahaan jirtay caqli gaabnimo laga durki jiray.
  6. Ilaalin la’aanta nabadgalyada: waxaynu og nahay in adduunkii maanta uu meel xun marayo, oo lagu soo dhuuman karayo baabuur muraayadaha la madoobaysto, oo waxyeello gaysan karayo.

Waxa intaas oo dhan ka muhiimsan ayaan darrana ay tahay yasidda iyo qaddarin la’aanteena ciidamadeena kala duwan ee u taagan nabadgalyadeena 24 saac, ay kala kulmaan Darawaliinta qaar ka mid ah, oo ay u hogaansami waayaan amarka ciidanka, isla markaana ay kala kulmaan aflagaadooyin, gacan ka hadal, yasid iyo akhlaaq-xumooyin kale, iyagoo aan dheg jalaq u siinayn sharciyadda Wadamarista waddankeena u yaalla. Waxa la odhan karaa, isma qabanayaan inaynu habeenkiina ku ladno maalintiina sidan ula dhaqano.Sidoo kale Dawladeenu waxaa ay iska indhotirtay Joojinta Bacaha loo adeegsado Muraayadaha Barbuurteena oo ay kareysay in la mabnuuco Soo-dajinta.Sidoo kale afarta Inan ee ku shaqeysata Ku-dhajinta Bacaha ay ogtahay  angoobaha ay hawshani kaga shaqeystan.Waxa se aynan marnaba hilmaami kareyn Maalmaha ay Ciidankeena la amro inay ka jarjaraan Bacahaasi Gadiidka ay hawshasi noqoto mid ma dhaleys ah oo labo cisho wada socon,taasina aynu iska wada fahmi karno sababta hakadka galineysa sii waditaanka oo ah madaxdeena iyo kuwa maalqabayasha ahi iyaga iyo caruurtooda ka dhaqo adkeysanaya ,Ciidankiina uu noqodo kuwo eed ka carar ama lafahoodaba u baqa,taasina ay tahay Hagardoomo tumaati ku noqneysa Maamula-Wanaaga aynu haweysano.

Waxaan ku soo koobayaa, maamul-wanaagga wanaagsan ee ina kala hagaya ee qof walba meeshiisa joojinaya inaynu u hogaansano, oo ku dhaqano sida danteena guud ay ku jirto horena aynu u soo sheegnay waa ta muqaddaska ah ee Diinteena Suubanina iyo Dhaqankeenu ina farayo

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Nuur Email:sulub20@hotail.com Tel:4426781

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso