Markay Abaaruhu Dhacaan Maxay Dadka Iyo Duunyadu Dheefsan Jireen Waayadii Hore ?Milicsiga Waqtigii Hore Iyo Isbedelka Dhacay. W/Q Suxufi Maxamed Moto.

Waqtigan Deegaanku Wuu Xaalufay Duunyaduna Waa Xayeeshtay  Dadkuna Kaba Daran Oo Amakaag Iyo Af-Kala Qaad Ayey Ku Jiraan .

Waxa Dhulka Somaliland Ka Dhacday Gaar ahaan Gobolada Bariga Somaliland Abaar Jiidatay Oo Xadhkaha Goosatay Dad Iyo Duunyana Waa La Jilicsan Yahay Ilaahay Ka Inaga Saari Karee.

Hadaba Hore Ma U Dhici Jirtay Tan Oo Kale Iyo Mid Ka Xun?

Waayeelka Wargalka ah Markaad La Sheekaysato  Waxay Ku Sheegayaan Inay Dhulka Somalida Soo Mareen Sabano Adkaa Oo Dhibtooda Iyo Raxan-raadkooda Lahaa.

Hadaba Sidee Ayuu Ahaa Deegaanku?

Dhulku Wuxuu Lahaa Dhir Iyo Dhuuni La Cuno ,Xooluhu Ma Gaajoon Jirin Dhacarasho Iyo Dheef Kale Waxay Helaanba,Dadku Aduunka Ayey Cuni Jireen Goolka Geela ,Wananka Waaweyn ,Midhaha Dhirta Iyo Xabagta Cadaada Ayaa Si Caadiya Loo Quudan Jiray Anfac Ayey U Ahayd Laakiin Arad Iyo Uskag Ayaa Dulsaara Balse Qofkasta Gumaarku Geedka Jiridiisa Ayuu Leekaa Oo Waqtiga Adag Uma Iilan Jirin Ee Adkaysi Ayay Lahaayeen Dadka Iyo Duunyaduba.

Geelu Wuxuu Ahaa Garabweyn,Gool Iyo Baarqab Sodon Qad Ayuu Ahaa Hal Wabax ahna Lama Waabin Jirin Burka Dhulka Ayey Halaafeedhijireen Ceelkana Shan Habeen Ayuu U Soo Dhixi Jiray .

Maxaa Is Bedelay?

“”Dunidu Waa Duni Gaboobaysa Waxa Keliya Ee Waqtigan Jiraa Waa Bandar Iyo Biyo “” Waxaa Sida Yidhi Saleebaan Axmed Oo Ka Mid ah Waayeelka Waayaha Badan Soo Jiray Oo Wada Sheekaysi Na Dhexmaray  .

Hadaba Waqtigan Dhirtii Waa Dhalanrogan Tahay Oo Malaha Midhihii Dheef Ahaan Jiray Waxa Dhulka Ka Baxay Sarmaan Iyo Maraa Deegaanka Ka Buuxa Iyo Dhir Kale Oo Aan La Garanayn.

Xoolihii Iyo Dadkii Xoogii Waa Ka Tagay Oo Xayeesh Ayey Noqdeen Ma Jiraan Geeli Sodon Qadka ahaa Oo Sadex Casho Ayu Ku Cabaa Ma Jiraan Dadkii Sibraarka Dhaansan Jiray Ee Dhirta Sariigan Jiray Oo Sahan Iyo Socod Maba Awoodaan Xiligan Sabanka Adagna Cidi Ma Xejisan Karto.

Wuxuu Kuu Cadaynaysa Inuu Is Bedelay Deegaankii Xataa Shimbirihii Waa Is Bedeleen Oo Ma Arkaysid Haadkii,Galaydhii Iyo Geeltoosiyihii Meel Walba Tuke Ayaa Taagan Iyo Midhadh Kale Oo Tirsan.

Abaaraha Dhici Jiray  Adkaysi Ayaa Loo Lahaa Dad Iyo Xoolaba Balse Waqtigan Dunidaa Is Bedeshay Dadkuna Sababaha Ayey Ka Mid Yihiin Bedelay Deegaanka Iyo Dhulkeenii Hodanka ahaa.

Ugaadhii Buuxi Jirtay Inaga Eryanay Oo Rasaas Iyo Colaado Aynu Soo Dhaafnay Ayaa Yareeyey.

Dhirtii Iyo Deegaankii Ma Ilaalino Oo Xaalufin Jarid Iyo Gubid Ayeynu Isugu Darnay.

Si Kasta Oo Ay Ahaataba Abaaruhu Qadar Alle Ayey U Dhacayaan Balse Waynu Dayacnay Wixii Danta Inoo Ahaa Ee Aynu Ku Noolayn.

Ilaahay Raxmadiisa Ha Inoo Shubo Kama Quusanayno Raxmada Eebe Laakiin Waxaa Inagu Waa Jib ah Inaynu Deegaankeena Daryeelo Oo Ilaashano Dhirta  Oo La Yareeyo Xaalufinta ,Magaalaynta Iyo Muranka Coladaha Ilahay Inoogu Cadhoonayo Ee Dhulka Daaqeenka ah.

 

WABILAHI TAWFIIQ.

Qalinkii Maxamed Xuseen Moto

Contact:Maxamedmoto@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso