Taxaabistadydii iyo Tacaddigii Aan Aarkay: Waarankii Soo-qabashada Maamulaha Madaarka!

Garsoore Khaalid Cabdi Shiil oo ka jawaabaya codsiga qareennada iyo maqnaanshaha maragga kowaad, kuna dhawaaqaya xidhitaanka fadhiga kowaad ayaa yidhi “Qareennadu waa in ay wakaaladda keenaan, isla markaana ay xaashida eedda qaataan. Maamulaha Madaarkana waxa aanu hore ugu dirnay samman yeedhmo ah, haddii uu taas aqbalu waayayna waxa aanu u jaraynnaa warqad ah. Waa sandulle in uu yimaaddo fadhiga labaad oo inoo muddaysan maalinta Arbacada 28ka Sebtember 2016ka, 09:00ka aroornimo haddii Eebbe idmo. Maxkamadduna waa ay xidhan tahay”.

Subaxnimadaas waxa uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen codsi dammaanad ah u gudbiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil, waxaana sabab u ahaa xaaladdayda caafimaad iyo dacwadda oo jiitantay. Guddoomiyuhu waxa uu soo-jeediyay in codsi qoran loo keeno. Laakiin ambaqaadka dammaanaddaas waxa hakiyay qareennada oo sheegay in kiisku kala daadanayo haddii aan dammaanad ku baxo, sidaas awgeed waxa la isla gartay in garoonnada garsoorka lagu kala calaf-qaado.

Waxa habeennimadii la ii sheegay in uu Hoggaanka Hawl-gelinta Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale gacanta ku dhigay maamulihii madaarka, isla markaana uu subaxnimadii Axadda hor geeyay maxkamadda. Inkasta oo dammaanad lagu sii daayay, waxa la ballan-qaaday in Maamulaha Madaarku iman doono fadhiga muddaysan maalinta Arbacada.

Kolkii aan ogaaday in sharcigu tallaabo ka qaaday dadkii inta ay xidheen, haddana ku gacan-saydhay yeedhmada maxkmadda waa aan nafisay. Neecaw qabaw iyo naruuro ayaa aan ku raaxaystay. Waxa ay ka mid ahayd habeennadii iigu farxadda badnaa intii aan maxbuuska ahaa. Allaylehe Dhidar iyo ummaddu ha is bartaan. Isla caweyskaas ayaan curiyay gabaygan magaciisu yahay Garsoor.

Gabaygu waxa uu u mahad-naqayaa qoor-weynta ii hiiliyay ee qareenno, warbaahin, qoys iyo siyaasiyiinba lahaa. Waxa uu muujinayaa sida aan ugu qanacsanahay go’aan kasta oo ay maxkamaddu soo saarto. Gabaygu waxa uu cabbirayaa dareenka farxadeed ee aan helay, markii aan ogaaday in sharciga loo siman yahay.

Maansadu waxa ay sheegaysaa cawaaqibka iman doona haddii aan gole dhaqan ummadda lagu kala saarin, sidoo kale waxa ay mugdi gelinysaa girridka qofka igu mudduciga ah. Malaha cid Somaliand ama Soomaali ahi sidaas arxan-darrada ah uma dhaqanto? Ugu dambayntiina waxa ay saadaalinaysaa in ay guushu dhowdahay, misana waxa ay canaan iyo caqli-celinba u tahay curiyaha maansada.

Waxa uu yidhi:

Dhaaxaad gabbaanyahaw sharciga, gees ka marayseene

Dhaaxaan nin godobtayda qaba, goobay oon rabaye

Ganddahaygu maantuu ku wacay, giigtay kulankiiye

Guullaha intaad dhaar martaan, tiradu goynaynne

Mar haddaan guntaadii war helay, goohi wuu ba’aye

Galiilyadu aday kuu dambayn, geyllankaan dhigo’e

Inkastuu gedaafiyo shar iyo, gaadmo libin mooday

Markii ay garsoorradu waceen, giiji madaxiiye

Gabbashada kolkuu dhuuntayuu, geedka iman waayay

Mar haddiiba gaas iyo bilays, amarka loo geeyay

Oo guuto xoog-lihi haddeer, goobtay madaxiisa

Oo waaran gabbal-kiisa rida, xadhigga loo gooyay

Oo uu gasiinkiyo ka tegay, guri la raaxaysto

Gar Allee Farduusey hurdada, waan ku gamayaaye

Gurmad bay Xogreeb ii ahayd, gaadihii yimiye

Gardaadshaha Jamaal Cali Xuseen, waajibkii gudaye

Giddigood qareennada xurmaa, guudka loo sudhaye

Garyaqaan Mandeellow adaan, geesi kuu qiraye

Guuleyso weligaa Shabeel, geed-lab baad tahaye

Garashada Ciyaalow adaa, tii san ii geya’e

Geeljirena waa ii laf-dhabar, waana ruux goba’e

Jaamac waxan guddoonsiinayaa, qiime aan gudhine

Haddii uu gu’yaal iyo gu’yaal, jeelku guri ii yay

Xilligii gefkaygiyo waxaan, gelayo eedaynta

Iyo xeerka la is garab-dhigee, lagu go’aan qaato

Gibir iyo haddii uu xabsigu, guudka iga fuulo

Xukunkaygu geduhuu noqdaba, waa la gaan-tiriye

Wallee geeri mooyee ifkaan, lagu gumoobaynne

Wallee geel dhallaan qaaday baan, gaadhin beel kale’e

Guduudkaad arkaysiyo bishuba, way ku soo gabiye

Wallee guul-darraa kuu dambayn, jeer la gaadhaba’e

Godka aad ku sugantay biyuhu, kuugu soo geliye

Galiilyada wallee waad dhadhamin, tii gobtahanyaaye

Garaaddada intuu kaa tiraad, gibil-madoobaane

Gudin iyo markii xoolihii, gaatir lagu sooray

Garaadkiisu soo saari-waa, geelu tuu cunaye

Gacalnimo ninkii aasaybaa, gooha waaqlada’e

Gunnimiyo waxaad qaadateen, giniyo naareede

Gambeellaan xadhkaha qaabaddaa, iigu gunuddeene

Gefka iyo markay daanno iyo, hawli kala gaadho

Ama aanu xaajada gurracan, gees ka kala joogno

Gaaroodi ehelkii ka yimi, iima gooddiyo’e

Gebileyda iyo reer Garadag, ima guhaadshaane

Gobol Soola, Goobaha Diliyo, uunka Golis yaalla

Madaweyn gunteeda iyo Dacar, gooddiyada Ceeri

Gobta Saaxil iyo Hawd ku nool, waan af-garan-laaye

Girridkaagu meeshuu ab yahay, waan la garannayne

Gardarradu nimay ciishay oo, guusay nacabkiisu

Gamas iyo waxaa hiil u tara, gawrac iyo dhiige

Mar haddaan sidii guurtiyeed, lagu gorfaynaynnin

Mahadow guddoonkaan lahayn, waan guntanayaaye

Gar-cadaawe jeeroon rag xuli, gaar wax ugu eegin

Cabdiqani wallee guluf dhaciyo, gaadmo waa farale

Guruxyahaw ilmeeyaa kol baad, joojin gororkaase

Gacmahayaw la soo xidhay marbaad, leebka ganaysaane

Lugayahaw guclada doonayaa, gaabis maad noqonne

Haddii aan garawshiiyo iman, waa la geeddiyiye

Garaadka iyo maankow hubaal, guuxu wuu demiye

Gurxan khayrle maqalkow dhawaan, gaaxdi way imanne

Gantaallada fartaydaa qortaay, kuma gumeeyeene

Wallee ereyadaan kugu godlado, way gubtahanyoonne

Sababma ayuu ninkani maxkamadda u diiday:

  • Ma wanaag ayuu ila jeclaa iyo tolnimo ayuu xeerinayay?
  • Maxkamadda ma meel laga xaraabaysto ayuu moodayay?
  • Ma waxa uu diiddanaa in godobtaydu guudka u fuusho?
  • Ma cadhadii ayaa ka jabtay oo markii la isoo xidhayay dhiigga ayaa ku kacay?
  • Ma yoolkooda ayaan maxkamadda ahayn, oo waxa ay rabeen in xadhigga xiniinyaha la igaga saaro?
  • Ma dadkii uu wallaha ugu xagaf siiyay ayuu ka xishooday?

Weydiimahaas iyo kuwo kale ayaa sabab u noqon kara dhuumashadiisa, laakiin xaalku sidii uu filayay wuu noqon waayay!

Aroornimadii Arbacada 28kii Sebtember 2016ka, 09:00kii aroornimo ayaa uu si rasmi ah u bilaabmay fadhigii labaad ee maxkmaddu, waxaana ka soo qayb galay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Mawliid Weris Cabdillaahi Xoghayihii Hore ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, madax-dhaqameed, suxufiyiin, ehel, dhallinyaro iyo bulsho boqollaal ah. Sidii ballantu ahaydna waxa la bilaabay dhegaysiga maragga kowaad oo ahaa Maxamed Yuusuf Ismaaciil Maamulaha Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa. Waxa uu ka anfariiray mudanka hiilka ii ah iyo madasha cammiran ee isaga liddiga ku ah. Cabbaar ayuu ka hadlay eedaha la ii haysto iyo waxa uu ka ogyahay, kaddibna waxa suaalo ku hafiyay oo dhegaha ka garaacay shan garyaqaan oo kala ah:

  • Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed (Mandeella)
  • Garyaqaan Xuseen Maxamed Cabdillaahi (Shabeel)
  • Garyaqaan Siciid Cabdillaahi Xuseen (Siciid Geel-jire)
  • Garyaqaan Jaamac Cali Ismaaciil iyo
  • Garyaqaan Daahir Maxamed Faarax (Daahir Ciyaale)

La soco qaybta tobnaad insha Allah

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

From: Saeed Mohamoud Gahair <saedmgahair@hotmail.com>
Sent: Wednesday, January 11, 2017 12:18:51 PM
To: subulahanews@gmail.com; admin@subulahanews.com; info@subulahanews.com; cali maxamed; gaboosegroup@yahoo.com; ahmed omar adaani; C/Qaadir Ismaaciil Askar; ogaalwar@gmail.com; Wargeyska Ogaal; ogaalwar@yahoo.com;webmaster@maakhir.net; somsatv@hotmail.com; yusuf qoroqoro radio hargeisa; falaago1@hotmail.com; najaxcunaaye@gmail.com;janaale94@gmail.com; muniir10@gmail.com; keyse01@gmail.com; contact@somalilandinfo.com; admin@somalilandinfo.com; Nazir Yusuf Dahir; Editor@somalilandpost.net; abdishakur haibe muhumed; ramadnews@gmail.com; wargeyskayool@yahoo.com; Mohamed Abdi; info@dalmar.org; hud_hudnews@yahoo.com; golisnews@gmail.com; info@golisnews.com; indhanuur@gmail.com;siciid4@yahoo.com; Hamud Ali; xariir2005@hotmail.com; geeska2006@yahoo.com; calisafari@hotmail.com;caalaminews@yahoo.com; royal24tv@gmail.com; Haatuf Media Network; editor@somalidiasporanews.com;sdnhargeisa@gmail.com; ramaas@gmail.com; Khaalid Somaliladtoday; BulshoTv Media Production; info@durdurnews.com;sacad098@hotmail.com; barkhad cabdilaahi maxamed; Cali Jamhuuriya; Cumar Cali Xasan Seerbiya; hiiraan2007@gmail.com;maxamed.jiciir@gmail.com; qamaan1982@gmail.com; samriye9@hotmail.com; HUBAAL Media Home; hubaal100@gmail.com;hubaal100@yahoo.com; contact@qoryaalenews.com; ramaasnews@gmail.com; contact@weedhsan.com; Mohamed Suleiman;ibraahim2012@live.com; sadam151@hotmail.com; asporo23@gmail.com; lughayaweb@gmail.com; caynaba news;webmaster@caynabanews.com; hctvnews@gmail.com; xamsebulbul@gmail.com; muxaami@gmail.com;cabdisalaamdj@hotmail.com; Kater Warsame Magan; curad196@hotmail.com; Maxamed Siciid; info@carroog.com;dalxiis100@hotmail.com; warkanews@live.com; Abdifitah Nuur Ashkir; Adan.mohamed84@gmail.com; sale@hadhwanaag.org; Axmed-Naasir Jibriil Faarax; contact@hadhwanaag.org; Editor@togaherer.com; kaysedigaale@yahoo.com; kaysedigale@hotmail.com; Suxufi Sare Saddaam; ilhaan@baligubadlemedia.com; QoryaaleNews.Com Shabakada Wararka; siciidoodoo@hotmail.com;somalilandpress@gmail.com; contact@gargaarnews.com; info@somalichannel.tv; web@somalichannel.tv;mohamoudali33@gmail.com; gobanimonews_20@live.com; axmeddhuxul01@hotmail.com; Burcoonline@gmail.com;khadar_gureyte@hotmail.com; mohamedabdillahiharbi@yahoo.com; Ibnu sahal jama; editor@geeska.net;editor@hadhwanaagnews.com; editor@hormoodnews.com; contact@hadhwanaagnews.com; news@hormoodnews.com;jamhuuriya@hotmail.com; webmaster@oodweynenews.com; webmaster@sdwo.com; webmaster@somaliland.org;webmaster@waaheen.com; boramanews@gmail.com; ahmedsheikh@verizon.net; togaherer@gmail.com;togaherer@googlemail.com; admin@qarannews.com; admin@somalilandedu.com; haatufnews@gmail.com; Khadar Xanjo;mrkeefkeef@gmail.com; Cabdisalaam Cusmaan Cumar-jeex; xamdaaye008@hotmail.com; Hamdi I. Abdullah; Abdirahman H. Nur;info@afnugaal.com; info@somalilandpatriots.com; ciwaankamustafe@gmail.com; Suldan Cfataah Sh.Nuuh; saxannews@gmail.com; Cabdifataax Mursal HargeisaStar; Wargeyska Foore; Wargeyska Saxafi; Xamse PK; Wargeyska Saxansaxo; Waaheen News Paper; Cabdishakuur Xaaji Muxumed—Heersare; Sabaxareed NEWS; horseed001@hotmail.com; admin@caynabanews.com;webmaster@somalilandfuture.com; contact@somalilandtoday.com; news@halbeegnews.com; editor@halbeegnews.com; Nasir Mohamed QURBEJOOG; Saxansaxo; Axmed Cige HAATUF; info@cadaadlaynews.com; C/Wahaab SL Today; Yuusuf Keyse C/Laahi
Subject: Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay: Bilawgii Dhegaysiga Dacwadda. Qaybta 7aad

 

14kii September 2016ka maalin Arbaca ah ayaa mar kale la ii qaaday Maxkmadda, waxaana subaxnimadaas xafiiska joogay Garsoore Yaxye Xuseen Yuusuf. Waxa uu ii ballan-qaaday in dhakhso loo bilaabi doono dhegaysiga dacwadda la ii haysto, waxa uu intaas raaciyay in xafiiska xeer-ilaalinta la keenay gal-dacwadeedkaygii, isla markaana aanu hubin in qof lagu qoray. “Farxaan Mire Cismaan ayaa oogista dacwadda ku qoran” ayaan idhi.

 

Kokii uu wacay taleefanka Farxaan, waxa uu arkay in uu xidhan yahay. Sidaas awgeed ayaa dib la iigu celiyay. Saddex maalmood kaddib waxa la ii xaqiijiyay in Garsoore Khaalid Cabdi Shiil loo xilsaaray garnaqa/dhegaysiga/xukunka dacwadda la igu oogayo. Haa… Xuuraanka iyo dhega-dhegaynta kiiskaygu wuu badnaa, mar kastana tallaabada la qaado waan ka war hayn jiray.

 

Wuxuu ahaa garsoore magaciisu igu cusub yahay, laakiin markii aan maskaxda tuujiyay waxa ii muuqatay in ay walaalo yihiin jaallahay/walaalkay Siciid Cabdi Siil, Maamulaha Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar, malahaygina wuu rumoobay. Saw tii hore loogu maansooday:

Waxyi iguma soo dego haddana, wax ima seegaane!

 

15kii Septebmer 2016ka waxa C.I.D iigu yimi Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo uu la socdo darawiilkiisa gaarka ahi. Intii aanu soo gaadhin halkii aan ku xidhnaa, waxa uu soo maray xafiisyada ciidanka, halkaasna waxa lagu siiyay warbixin ku saabsan sababaha la ii taxaabay. Hadalladan ayaanu is-weydaarsannay:

“Adeer ii warran?”

“Waa nabade. Ii warran maxaad samaysay?”

“Adeer, in muddo ah ayaa xadhig la iigu hanjabayay. Anigu waxa aan qoray dhambaallo aan ku dhaliilayo madaarka Hargeysa iyo wasaaradda duulista”

“Meel ayaad ka dhacday. Madaarka wax badan ayaa laga qabtay. Imaka ma Maxamed Yuusuf ayaan u tagaa?”

“Haa adeer, u tag maamulaha madaarka Hargeysa”

 

Kolkii uu doonay in uu Xaajigu dhaqaaqo ayaa ay la hadleen qaar maxaabiista ka mid ahi “Adeer, ma inankiinna oo qudha ayaad u timi?”. Waa uu hakaday, kaddibna inta ay isu sheegeen ayaa uu dhegaystay cabashadooda iyo waxyaabaha ay u xidhnaayeen. Waxa uu nagu sagootiyay duco-waayeelnimo. Inkasta oo uu karaankii dedaalay, waanwaantiisa waxa cubba-dhawray qolyihii aan u xidhnaa.

 

Isla subaxnimadaas uu Xaaji Cabdi ii yimi, waxa isoo booqday Xildhibaan Weli Axmed Xaawa oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland. Xildhibaanku waxa uu sheegay in ay u tageen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, isla markaana uu u sheegay in aan u xidhanahay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka. Isaga oo la-yaabban tacaddiga ay sameynayaan dhallinyarada xilka loo dhiibay, kuna nuuxnuuxsanaya in aanay daba-galka hawsha ka hadhi doonin ayaa uu xildhibaanku i sagootiyay.

 

Kolkii aan xidhnaa muddo bil ku dhow, ee aan la bilaabin dhegaysiga dacwadda ayaa si diblomaasiyad leh qoyska loo soo dhex mariyay heshiis nuxurkiisu yahay in aanan waxba ka qorin Wasaaradda Duulista, Wasaaradda Madaxtooyada iyo Ciidanka Booliska. Sidoo kale waxa qaar ka mid ah walaalladay loo soo jeediyay in ay qoraan warqad ay ku dammaanad-qaadayaan in aanan wax dambe oo dhaliil ah baahinnin. Laakiin arrinkaas waxa aanu u daruurnay gaashaanka, waanan qaaddacnay. Waxyaabaha aanu ku garnaqsannay waxa ka mid ahaa in aan ahay xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbi Mucaarid ah, sidee ayaa qof xisbi ka mid ah looga horjoogsan karaa in uu xukuumadda toosiyo?

 

Dhambaalladani ma ay noqonnin kuwo noo cuntama oo aanu sinaba u liqi karno, cid kastana waxa aanu hor dhignay “Heshiisku iyo dammaanaddu dhib malaha. Horta yuu u xidhnaa? Yaa taxaabistiisa ka dambaysay? Cidda uu wax ka tirsanayaa, miyaa ay daw-bixin diyaar u tahay?”. Inkasta oo ay dhexdhexaadintan qabyada ah si toos ah ama si dadban u galeen masuuliyiin dawladda xilal ka haya, cuqaal, ganacsato iyo odayaal tol ahi, waxa ay noqotay hal bacaad lagu lisay. Arrinkina waxa uu isugu biyo-shubtay in sharciga lagu kala baxo.

 

Waa ay adagtahay in maxbuus dawladdu haysataa ku dhiirrado maxkamadda, laakiin waxa aan lahaa “Calool-adayg waa Alle wehelkii”. Iska bax iyo iska gal, waxa ka wanaagsan inaad maxkamad ku qaabbisho ragga dhuumaalaysiga ciyaaraya, ee dhagarta kuu maleegay.

 

24kii September 2016ka, maalin Sabti ah ayaa la ii qaaday maxkamadda Gobolka Maroodijeex, si loo bilaabo dhegaysiga dacwadda la igu eedeeyay. Subaxnimadaas waxa goobjoog ahaa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Suxufi Cabdicasiis Bashiir Nuur (Aasaasaha Mareegta www.xogreebnews), qoyskayga iyo saaxiibbo kale. Kolkii aanu galnay xafiiska Garsoore Khaalid Cabdi Shiil ayaa uu yidhi “Dad badan oo qoyska ah ayaa diyaar u ah in ay dhegaystaan dacwadda, waxa aynu tegaynnaa Hoolka Maxkmadda Rafcaanka”.

 

Kolkii uu garsooruhu si rasmi ah u naadiyay bilawga dhegaysiga dacwaddayda aan eedaysanaha ka ahaa, isla markaana uu dhibbane ka ahaa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu metelayo xafiiska xeer-ilaalintu, oo summaddeedu ahayd 959/2016, xeer-ilaalintana uu tixraaceedu ka ahaa 1052/2016 ayaa uu xafiiska xeer-ilaalintu ii bandhigay eedo dhawr ah. Waxa aan u kala saaray kuwo run ah oo aan qoray, kuwo wanjal ah iyo qaar sidii aan u dhigay laga dhalan-rogay.

 

Waxa goor dambe noo yimi Qareennadii ii doodayay oo codsaday in dib loo dhigo, maadaama oo ay ka dib-dhaceen dhegaysiga dacwadda, waxa kale oo uu baadhaha dacwaddu sheegay in uu maraggii kowaad ee eeddaydu diiday in uu maxkamadda yimaaddo. “Maamulaha Madaarka dhawr jeer ayaan u tagnay. Isaga oo maqlaya taliyaha rugta booliska madaarku ayuu yidhi anigu ma imanayo maxkamadda, markaa waa in tallaabo laga qaado. Si cad ayuu noogu gacan-saydhay” ayaa uu yidhi Laba Xiddigle Maxamed Nuur Kaariye (Maxamed-dheere).

La soco qaybta siddeedaad haddii Eebbe idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso