Booliska oo Baadhitaan Saacado Qaatay ku sameeyey Xaaska Ra`isal Wasaaraha Yuhuuda Netanyahu

 

 

Booliska Israel ayaa baadhitaan dhowr saacadood qaatay ku Sameeyey  shalay fiidkii  Sara Netanyahu xaaskiisa Ra’iisal Wasaaraha Israel oo lagu tuhunsan yahay inuu ka helay Lacag rag ganacsato ah  .

Raadiyaha Israel ayaa maanta Sheegay, “Waxa lagu sameeyey Saarah oo ahayd xaaska  Ra’iisul Wasaaraha Netanyahu  shalay fiidkii baadhitaan  booliska oo qayb ka ah baadhitaanka  soo galay oo ah tuhun  loo aaneeyey Ra’iisul wasaarahu si ay u helaan hadiyado qiimo leh  madaxda ganacsiga hodanka ah si aan waafaqsanayn  sharciga.”

 

Waxayna  ku dartay Idaacadu intaa  “in Sarah Netanyahu su’aalo la weydiinaayay muddo  dhowr saacadood ah.”

 

 

Booliska Israeli ayaa laba jeer baadhitaan ku sameeyey Netanyahu  gurigiisa oo looga shakisan yahay in uu ka  helay hanti dad  ganacsato ah.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso