MUUSAW MAANTA WAA MAALINTII SAMATA-BIXIN TA NOLOSHA REER GUURAAGA, BERRI NA WAA CODKOODA.

MUUSAW MAANTA WAA MAALINTII SAMATA-BIXIN TA NOLOSHA REER GUURAAGA, BERRI NA WAA CODKOODA.
————————————————————
Tan iyo intay Somaliland jirtay 6 jeer ayaa la kordhiyay muddo-xileedka 3 madaxweyne oo dalka soo maray, Madaxweyne Cigaal (AHUN) 2 laba jeer ayaa loo kordhiyay,Madaxweyne Rayaale 3 jeer, Siilaanyana hal mar,Cabdiraxmaan tuur (AHUN) waa madaxweynaha keliya ee isagu ka badbaaday muddo kordhin loo sameeyo, waxaanu dhamaystay labadii sano ee sida Ku meelgaadhka ah dalka loogu dhiibay isaga iyo dhaq-dhaqaaqii uu hogaaminayay ee snm.
Waxaa kaloo iyana tiraba Ku dhawaad 15 jeer loo kordhiyay dhamaan haayadaha dawlada ee doorashada guud ee tooska ah Ku yimaada sida golayaasha deegaanka,guurtida iyo wakiilada
Inkasta oo mararka qaarkoood ay cimri dherer iyo xil jeclaysi ka ahayd Madaxweynayaasha, haddana lixda mar ee muddo kordhinta la sameeyay mid wal ba waxaa keenayay dib udhaca Ku imaanayay waqtiga loo cayimay inay ku qabsoonto doorashadu, oo lagu sababeeyay arimo farsamo iyo kuwo duruufo jiray markaas. Duruuf kasta oo markaa taagnayd waxaa kadaran oo ka adag afaada abaarta maanta ina haysa. Maalin ay ka mudantahay oo kaga haboon tahay in doorashada dib loo dhigo ma jirto, horena inooma soo marin.
Haddaba G.guurtida oo ah haayada keliya ee sharcigu awooda u siiyay kordhinta waxaa la gudboon inay shacbiga tabaalaysan ugu hiiliyaan awodooda dastuuriga ah maadaama kuwo hore oo aan baahi loo qabin ay xalaaleeyeen.

Murashaxa KULMIYE ee maanta u alwanaya doorashadu wuxuu arkay fursad aan u soo noqonayn taas baanu siduu uga faa’idaysan lahaa raadinayaa, laakiin waxaa is weydiin leh meeye taageerayaashii kulmiye Ku faani jiray ee gobalada bari ?dadkaasi badi waa dhibanayaasha abaarta oo u baahan gurmad iyo samata bixin,waxayna baadi-goobayaan siday u noolaada, waa dad aan jeclaysanayn dhawaaq iyo astaan xisbi midna ama se aan maanka ku hayn sanduuq iyo waraaq codbixineed, waa dad aan ilaawi doonin abaalka cidda wax tarta ee dhibaatada iyo dareenkaba la wadaagta maalinta ay jilicsanyihiin, way ogyihiin in mucaaradku markii koowaad leeyahay waar dadkaa wax ha la taro oo yaynaa durbaan doorasho ka dul tumanin. Maalinta la doogona waa kuwo codkooda ku biirin doona mucaaradka tudhaalaha leh. Alle ha u naxariisto ee Abwaan X.gabaxaddi ayaa mar uu lug ka jabay bulshadii ku kala duwanaatay sida ay u arkeen una dareemeen dhibta soo gaadhay abwaanka waxaanu ka tiriyay gabay uu Ku sheegayo inuu nin walba u ogyahay abaalkiisa

“Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
Oo biixiyaha Eebahay, kay isugu beego
Abaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni”
Haddaba miyaa laga maarmay dadkaasi?
Sida uu Muuse Biixi ugu ad-adagyahay qabsoomidda doorashada iyadoo xaaladaa kama kacdada ahi jirto waxay muujinaysaa ku digasho iyo in kulmiye ay Ku fillaadeen inta Ku nool hargaysa iyo kalabaydh dhexdooda.
Waxaan qormadaydan kooban ku soo ururinayaa Muusaw maanta waa malintii samata-bixin ta nolosha reer guuraaga, Berri na waa codka.

Maxamed Cabdilaahi Xasan (Sayid)
Sayidmaxamed22@gmail.com
Burco, Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso