Hadaf dejinta Nolosha iyo Fulintiisa W/Q Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Hadaf dejinta Nolosha iyo Fulintiisa W/Q Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Hadaf ,   in baddan ayaynu maqalnay hadafkaygii, hadafkaagii iyo hadafkeeniba waa kalmad aan dhegaheena ku cusbeyn , waa kalmad aad ku cel-celisid oo aad tiraahdid hadafkayga waan gaadhayaa iyadoon xitaa kuu qorsheysnayn,  waana kalmad marka la qiimeynayo nolosheena iyo hawl-maalmeedkeenaba u ah wehel si aynu u fahano ama aynu wax uga fahano bal ila eeg:-

Hadafku waa  waxkasta oo aad rabtid inaad gaadhid  kaas oo aad jeceshay  inaad  guul ka gaadhid, hadafku waa nolosha , noloshuna waxay leedahay baahiyo, han iyo hiigsi, sidaa daraadeed hadafku wuxuu ku dhex jiraa wakhtigan socda , hadafku waa nolosha, waa wakhtiga iyo sidaad uga faa,ideysatid, waana halka aynu niyadda ku hayno inaynu gaadhno, qofkasta oo inaga midi wuxuu leeyahay hadafyo kala duwan oo uu noloshiisa is leeyahay gaadh, adiga oo arday oo aan aqoon u lahayn waxa uu hadaf yahay ayaa markii aad yarayd ee aanad aqoonta  lahayn , haddii lagu waydiiyo maxaad doonaysaa inaad noqotid markaad waynaatid ? isla markaba  waxaad jawaabi jirtay macalin, dhakhtar , injineer,   boolis, darawal I.W.M

Sida aynu haddaba ognahay hadafku waa qaabka aad doonaysid inaad u gaadhid waxkasta oo aad jeceshay ama aad rabtidba, waana qaabka aa uga faa’ideysanaysid waxtarka noloshaada aqoontaada, kalsoonidaada,waayo-aragnimaada iyo khayraadka Alle dhulka korkiisa inoo saarey ee kala duwan.

Hadafku wuxuu ka bilaabmaa baahida ku haysa iyo rabitaankaaga, qofkastaana wuxuu leeyahay hadaf iyo qorsheyaal nololeed sidaa daraadeed hadafkeena ugu waynu ha noqdo Raali galinta iyo qaadista Jidkii uu qaaday Rasuulkeenii Scw  Kaas oo  Alle swc inoo jideeyay, Hadafkaaga ugu waynina ha noqdo qaabkii, aqoontii iyo waddadii aad  ku gaadhin lahayd Janooyinka iyo nimcooyinka Alle.

Noloshu waa maalmo tagay oo aanad soo celin-karin , maalin taagan oo dhib iyo dheefba taas oo aan  aanad joogitaankeeda hubin iyo maalin soo socota oo aynaan garaneyn inaynu gaadhin karno iyo in kale, Noloshu waa nasiib iyo qoraal Alle waana mid adag inaad ogaataa halka aad tageysid iyo halka aad taagan tahayba, waana mid aanad marnaba aanad adigu isku hayn se Alle inoo hayo nolosheena iyo halka aynu tagayno , wakhtiga aynu ka tageyno sidaa awgeed markasta Tallo saaro Alle , raacna jidka toosan ee aan saadaasha ahayn, halka  nolosha iyo hiigsigaagu ka yihiin saadaal.

Adduunkan meel aad tagin iyo goor aad taginba  ma hubtid se Aakhiro haddii aad dadaashid waad garanaysaa halka aad tageysid, iyo nimcooyinka yaala aakhiro, sidaa daraadeed dadkeenu waxay inta baddan sameystaan hadafyo nololeed oo u baddan adduun una yar aakhiro sidaa daraadeed anigu waxaan idin leeyahay hadafkaaga iyo qorshahaaguba ha noqdaan kuwo  u baddan hadafka aakhiro halkaas ayaynu hubnaa nimcooyinka iyo janooyinka yaale’e.

Si aad haddaba u dejisid hadaf samee  qodobaddan muhiimka ah.

Marka hore Soo qaado buug iyo qalin ka dibna fadhiiso meel  aad neecawdeeda iyo joogtitaankeedaba jeceshay kana dareemaysid  hawo iyo neecaw macaan leh , marka aad fadhiisatid samee maskax tuujin ku saabsan maxaad nolosha rajo iyo rabitaan ka rabtaa , maxaad doonaysaa inaad noqotid, maxaad dooneysaa inaad heshid, maxaadse naftaada, iyo noloshaadaba farxad galinaya oo aad dooneysaa inaad gaadhid.

  1. Fikir kana fikir mustaqbalkaaga maxaad rabtaa inaad noqotid, maxaad rabtaa inaad heshid cadee kuna cadee buuga ku hor yaala , adigoo siday u kala muhiimsan yihiin u qoraya
  2. Qor dhamaan hadafyadaada nololeed ee aad dooneysid inaad gaadhid waana in ay kuu cad yihiin waxaad doonaysid inaad gaadhid iyo  Sababta keentay inaad hadaf yeelatid
  3. Hadafyadaas u qorshee una diyaari  sidii aad u gaadhi lahayd, wakhtigii iyo kartidiiba aad ku gaadhin-laheydba.
  4. Maalinkasta qayb ka mida waa inaad qabataa  ama waa in  aad ka fikirtaa sidii aad u qaban lahayd ama aad u sixi lahayd wixii qaldamay.
  5. Hadafyadaadu ha noqdeen hadafyo caqli gal ah oo la gaadhin karo iyo hadafyo leh  wakhti la gaadhin karo,  kuna  dhisan xaqiiqada lana jaan-qaadaya wakhtiga iyo technologiyadda.
  6. Liis garee faa,idooyinka hadafyadaada iyo carqabadaha iman kara
  7. Waa in uu jiraa wakhti  uu bilaabmo iyo wahti kama dambeysa oo aad gaadheysaa
  8. Fuli dhamaan qorsheyaashii aad sameysay una fulin sidii ay u kala muhiimsanaayeen
  9. Yeelo  aqoontii aad ku qaban lahayd hadafyadaada, kalsooni, karti, daacadnimo,ficil,samir, rabitaan, iyo aqoonta xalinta iyo xasiloonidaba.
  10. Sameyso Wehel , saaxiib daacada oo  kaala talisa dhamaan  hadafyadaada cidaasina ha noqoto cid ku faraxsan guushaada.
  11. Qiimee markasta sida ay u socdaan hadafyadaadu ,  dibna u hubi una sax .
  12. Marka aad gaadhid ee aad faraxdid Alle ugu mahadnaq , dadkii iyo ciddii kaa caawisayna u abaal gud.
  13. Dabadeedna is qiimee ma taagan tahay halkii aad qorsheysan haa , Ilaahay ugu mahadnaq. Haddii kale ku celi ilaa inta aad ka gaadheysid.
  14. Dabaal deg oo xusuus qorkaaga ku dar

Hadaba  hadafka gaadhistiisa iyo gaadhis la,aantiisuba waa mid adiga kugu xidhan , waa mid ku xidhan dadaalka, kartida ,kalsoonida aad galisid , waa mid ku xidhan qaabka aad u diyaarisay iyo sida aad u diyaarisayba, waana mid ku xidhan inuu yahay hadaf la gaadhin karo iyo in kale.

waxaan idiin soo jeedinayaa inaad noqotaan dad leh hadaf iyo qorsheyaal nololeed oo u baddan aakhiro sida aynu ognahay  noloshu waa mid u baahan hadaf cad oo la gaadhi karo, qofkastaa wuxu u baahan yahay inuu leeyahay hadaf cad oo noloshiisa la bilaabmaya qofna ma gaadhi  karo guul iyo rayn-rayn nololeed hadaf la,aan.

Waxa aynu isku ognahay  inaynu noqono dad leh Hadafyo kala duwan iyo dadaal, karti,kalsooni, samir iyo ficilo lagu qabanayo wixii aad qorsheysay.

Waa kii lahaa wadaadkii gabyayay  “Lama helo wadaadow waxaan cidi ku hawshoone,

Naftaa loo hantaaqa waxaad hiigso leedahaye”

– Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde.

muhiimadda gabaygaasi waa in aad samaysaa ficil wata dadaal, karti, samir, iyo kalsooni nafeed oo ka dambeeya aqoon.

 

Hadafyadu waa ay badnaan karaan waxaanay noqon karaan sidatan:-

Hadafkaaga  nololeed

Hadaf dawladeed aad u sameysay

Hadaf shirkadeed

Hadaf bulsheed

Hadaf diimeed

Hadaf’ caalami ah

Hadaf guud oo si guud u quseeya cidkasta.

Hadaf dejintaadu waxay ku xidhan tahay kolba aqoonta iyo fahanka aad u leedahay hadafyeelashadda shaqsiyaeed.

Yeelo hadaf

Fuli hadafkaaga

Ku farax hadafkaaga

Lana wadaag asxaabtaada farxadaaada

Marka ugu aad  gaadhidna Alle ugu mahadnaq.

 

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

Email: Farxaanmxd@gmail.com

Facebook: Rakad Mxd Sultan

Tell:-+ 0634400319

Social activist. 

Article  212

Berbera.

Advertisement

Ku Xayeysiiso