Shiinaha oo Dhamaystiray Biriij Dhererkiisu dhan yahay 2215 mitir Iskuna xidhaya Shiinaha Iyo Ruushka

 

 

Shiinaha ayaa dhammaystirtay qayb ka mid ah buundada tareemada ee ku taala Amur River, kaas oo isku xidhaya gobollada  Cibraaniga ah ee bariga Ruushka iyo Gobolka Heilongjiang ee Shiinaha.

 

Warbaahinta ayaa sheegtay in  biriij tareenkani noqonaya kii ugu horeeyay ee wabiga laga hirgaliyo una kala gudba dalalka Ruushka iyo Shiinaha.

 

Shiinaha ayaa bilaabay dhismaha qaybtiisa ee buundada bishii February  2014 dherer ahaan waa 2215 mitir, dhulka Shiinaha waa 1886 mitir  inta kalena waa Ruushka, Sanadkii waxa maraya  21 milyan oo ton oo shixnad ah.

Buundada cusub waxaa loo isticmaali doonaa  dhoofinta birta, dhuxusha, bacriminta macdanta iyo alwaaxda laga helo Ruushka ilaa Shiinaha waxaana lagu wadaa bilawga  tareenkan, xagaaga 2019.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso