Brazil : Koox Caabuda Shaydaanka oo dilay Afar Ruux si ay ugu Guuleystaan bakhtiyanasiibka!


Koox budhcad ah oo caabuda Shaydaanka kana soo jeeda magaalada Iguatu ee gobolka Ceara ee Brazil, ayaa dilay afar qof si ay ugu guuleystaan bakhtiyaanasiib. 

Gleodson Barros  oo ah Gabadha 30 jir ah oo ay wehliyaan Roberto Alves oo 41 jir ah iyo Samio Pisa, oo 17 jir ah, ayaa dhibanayaasha ugu yeedhay xaflad  halkaas oo ay ku dileen saddex nin iyo haweenay guri sida ay warisay Wakaalada Linta.

Koox ka mid ah kuwan caabuda Shaydaaniyiinta ayaa waxay garaaceen dhibanayaasha, waxayna u geysteen jidh-dil iyaga oo la dhacay mindiyo .

Dembiilayaashu waxay markii danbe madaxa ka jareen iyo qaybo kale oo jidhkooda ka mid ah taas oo ah baahida dabeecadda iyo yeedhidda Ibliiska.

Barros iyo Elvis ayaa la xidhay, Pisa ayaa isagu helay wakti uu isku dilo waanu is daldalay. Markii su’aalo la waydiiday kooxda Shaydaanka caabuda waxay qirteen in ay dileen dhibbanayaasha iyagoo doonaya inay si wanaagsan u noolaadaan.

Baadhaha Kiiskan Carlos Leer ayaa xaqiijiyay inay si buuxda ugu qanacsanaayeen ficiladooda ayna ka caawinasay  inay ku guuleystaan malaayiin bakhtiyaanasiib iyo  in ay awoodaan inay kantaroolaan dadka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso