Diyaarad Shiinees ah oo Khadkeedii Duulimaadka Bedeshay Sababtoo ah Qalin Biiroo!!!!

Duulimaad diyaarad Shiineys ah oo u gooshaysay Beijing ayaa isbedeshay, waxaana loo wareejiyay magaalada badhatamaha Dalka Zhengzhou Axaddii kadib markii qof rakaab ahi uu ugu hanjabay mid ka mid ah shaqaaliha Diyaarada Qalin Biiroo, sida ay sheegtay Hay’adda duulista hawada ee China.

Hay`adda ayaa ku sheegtay bayaan kooban oo ay ku soo qortay website-keeda in Duulimaad diyaaradeed flight keedu yahay 1350 in ruux rakaabi ahi isku dayay Isticmaalka qalin isaga oo u adeegsaday xubin ka mid ah shaqaalaha martida.

Rakaabka iyo shaqaalahaba wax Dhibaato ama Dhaawac ahi ma soo gaadhin bayaanka ayaa intaa ku daray.

Diyaaradan ayaa ka kacay magaalada Changsha, caasimadda gobolka Hunan ee koonfurta dalka, saacadu markay tahay 8:40 subaxnimadii Wakhtiga maxaliga ah, waxaanay diyaaradu ujeeday garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Beijing ayna ahayd inay ka degto saacadu markay tahay 11-ka, sida warbaahinta maxaliga ah iyo goobaha la socodka duulimaadka ay weriyeen.

Laakiin diyaaraddu waxay ku soo degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Zhengzhou ee gobolka Henan 9:58 am, sida ay sheegayso barta Internet ka ee Shirkadda diyaarada.

Diyaaradda ayaa sheegtay in duulimaadku uu ka soo degay qorshe aan ku talgal ahayn se “sababo amniga Rakaabka” ay u degtay bilayska iyo hay’adaha duullimaadka ayaa wali xalinaya xaaladda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso