Af-Gobaadsiga Wasiir Buuxa Idin Siinayaa Ee Maanta Cabdiraxmaan Cirro Ka Yeeli-Mayno , Waayo Shaley Isagoo Gudoomiye Ka Ahaa Golaha Wakiilada Haya Ayuu Beelaha Gabooye Gabay

Musharaxa Xisbiga Wadani Ee Madaxweynenimada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) , Waxa Uu Ahaa Shir-Gudoonkii Ugu Mudada Dheeraa Dalka Somaliland Soo Mara  Isla Markaana Hagayey Golaha Sharci-Dajinta Dalka Qiyaas Ilaa Laba Iyo Toban Sanno , Hadaba Mudada Cadedkaasi Leh Ee Uu Mudane Cabdiraxamaan Cirro Barlamaanka Iska Daa Hadal-Qaade Xataa Kamuu Fikirin Dadyawgan Dhaqanku Naafeeyay Inay Ka Qayb Galaan Talada Dalka.

Iyadoo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxaa Saddex Jeer Ku Soo Celiceliyaa In Xeerka Saamiga Kootada Beelaha Laga Tirade Badan Yahay Iyo Haweenkaba In La Ansixiyo, Maadama Ay Ka Maqan Yihiiin Miiska Wada Hadalka Iyo Ka Qaybgalka Siyaasada Dalka , Waxaan Si Cadd U Diiday Xidhlibaanda Taagersan Xisbiga Wadani Iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada

Dhinaca Taageerada Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Wuxuu Sheegay In Sidii Uu Horeba Ugu Taliyey, Imikana Ay Ka Go’an Tahay In Haweenka Somaliland Saami Go’an (Quota) Ka Helaan Barlamaanka Dalka, Golaha Wakiiladuna Meel Marinyo Kootada Ay Haweenku Dalbadeen,”

Sidoo Kale, Madaxweynuhu Wuxuu Caddeeyey Sida Uu Diyaarka Ugu Yahay In Beelaha Gabooye Qeyb Ka Ahaadaan Meel Kasta Oo Talada Dalka Lagu Go’aaminayo Kaalmo Muhiim Ahna Ka Galaan Saaxada Siyaasada, Dawladda Iyo Asxaabta Qarankaba.”

“Madaxweynuhu Wuxuu Xusay In Beelaha Gabooye Uu Ku Soo Daray Xukuumaddiisu Iyo Kuwa Ka Tirsan Shaqaale Weynaha Dawladduba Muujiyeen Dedaal Iyo Howlkarnimo Mudan Ku Dayasho, Hawlaha Ay Qaranka U Qabteen Awgeed,”

Mudadaasi Uu Ku Sugnaa Waxa U Tagey Codsiyo Ama Dhambaalo Lagu Dalbanayo In La Ansixiyo Xeerka Kootada Ee Ka Qayb Galka Saamiga Kuraasta Golayaasha Qaranka Ee Dalkan Lana Agaasimo Mooshinkeeda , Xiliyadani Waa Intii Aanu Furan Xisbiga Wadani Ee Uu Ahaa Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland Balse Dhagey-Jalaq Umuu Odhan Isagoo Ka Muquuranayey Arintan Soo Hadal-Qaadkeeda Waxa Uu Bilaabey Cirro Wakhtiyada Uu Xisbiga Wadani Ku Guulaystey Soo Bixistiisa Iyo Musharaxnimadiisa Isagoo U Fahmey Haduu Beelaha Gabooye Ku Weyn Uga Sheekeeyo Targetna Ka Dhigto Inuu Hanan Doono Codka , Arinkaase Laakiin Muu Hir-Galin Xuquuqdii Ay Lahayeen Aayer Kamey Hadhin Ilaa Heer Xukuumadeed Ilaa Madaxweyne Wey Ka Dalbadeed Ugu Danbayntiina Golahaa Loo Gudbiyey Ilaa Maanta

Hadaba Waxa Weeeyi Nuxurku Cirrooy Jawaabtii Meeday.

Ta Labaad Mudane Cirrooy Haday Daacad Ka Tahay In La Ansixiyo Dadyawgan Inay Talada Ka Qayb Galaan Maxaad Aduu Intaad Meesha Joogtey U Ansixin Weyday Ama Loo Arki Waayey Adoo Maalin Kaliya Uun Sida Mooshinkeeda, Xataa Waxaad Ka Muquuratey Xiliyadan Ugu Danbeeyey Ee Aad Hanka Siyaasiga Ah Laheyd Maad Garan Qodobkaa Kaga Faa,Iideyso Beelaha Laga Tirade Badan Yahay, Iska Ansixinteedee Waxa Dhawr Sano Ku Hor-Yaaley Oo Ku Duugoobey Xeerkii Saamiga Kootada Oo Isna Juuqla , Jaaqla.Ku Sugan Waxana Ugu Wacan Eed Cadaalada Uga Dhaceysaa Waa Diidmada Aadan U Ogolayn Inay Beelaha Gabooye Ka Qayb Galaan Talada Iyo Qaybka Galka Siyaasda Dalkan.

Markaa Maanta Kaa Yeeli Mayno (Abaalkii Shaley Aad Gabtey Adoo Noo Qaban Karaya Inaad Maanta Nagu Hasaawiso Waan Idiin Garab-Galayaa Ama Cid Kalaan Ku Dhaliilayaa, Ku Cambaareynayaa, Ku Dhaleecaynayaa, Waayo Adaaba Dhaleecaysan Maadaama Aad Wado Xoqantey Dib U Soo Faqeyso Waliba Aad Danbigeeda Aad Aduu Laheyd), Midina Waa Gaaroo Kumaad Xisaabtamin Erayo Fara-Badan Oo Aad Xaqoodi Ku Gaftay Dadywagaasi  Ugu Balan-Qaadey Adoo Xilelka Isu Haya Labadaba, Maad Qiimeyn Xataa Codsigaa Aad Ugu Jawaabtey Waan Keenaynaa Balse Xukuumadu Ha Soo Gudbiso, Waana Laydiin Keenay Adaase Hoosta Yara Dhigey.

Guntiyo Gaba-Gabada Waxaan Ku Soo Koobayaa Maanta Cidna Kama Yeelayno Wasiir Buuxa Baan Siinayaa Iyo Sheeko-Sheeko Aan Soo Dhaafney Gudoomiye , Iyadoo Xisbiga Kulmiye Ku Cadeeyay Barnaamij-Siyaasadkeekiisa In Beelaha Gabooye La- Taageero Sidii Golahayaasha Qaranka  In Laga Siiyo Kuraas Kooto  Iyo In Laga Qayb Galiyo Dhammaan Laamaha Dawlada Iyo Komishan Madax Banana Ee Dalka,

Golaha Wakiilada Waxa  Aan Ugu Baaqaynaa In Xeerka Kootada Dib Loo Eego Oo La Taageero Dadka Laga Tirade Badan Yahay  Iyo Haweenkaba Waxa Aanu Ugu Baaqaynaa In Uu Dabagalo Ku Sameeyaan Sidii  Xildhibaanadu  Mid Meel Mara Laahyeen Xeerkan .

Wabilaahi Taqwfiiq

Garyaqaan Muhiyadiin Mohamed Abdi

Hargeysa

Advertisement

Ku Xayeysiiso