Daawo: Wasiir Ruush ah oo ka Qosliyey Putin iyo Wasiiradiisa !!

MOSCOW – Wasiirka beeraha Ruushka Alexander Tkachev ayaa ka qosliyay madaxweyne Vladimir Putin iyo xukuumadda isaga oo sharxaya sida Germany u dhoofiso hilibka doofaarka ee dalalka wadamada.

Takhtsov wuxuu tilmaamay kor u kaca wax soo saarka hilibka gaar ahaan doofaarka dalka Ruushka Takhtsov ayaa tilmaamay in dhoofinta loo baahan yahay Waxaanu tusaale u soo qaatay Dalka Jarmalka, tusaale ahaan heerkan dhoofinta hilibka doofaarka ee Shiinaha, “Indonesia” iyo Japan …!

Putin waa ka duwanaa dhammaan kuwa fadhiya hoolka wuxuuna ahaa mid aad u dhuuxaya hadalka Wasiirka waxaanu ka dhex galay hadalka wasiirkiisa isaga oo weydiiyay: Ma waxay u dhoofiyaan doofaarka Indonesia, iyada oo dal Muslim ah?

wasiirka ayaa ku jawaabay isaga oo khajilsan kuna noqonaya warbixintiisa Waan khaldamay waan khalday dalka waxay u dhoofayaan Koonfurta Kuuriya, maaha Indonesia!

https://youtu.be/cTFjnrra00g

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso