Video: Tababaraha Valencia Oo dhaawacmay Isaga oo ku Faraxsan Goolkii Guusha ee kooxdiisa

Tababaraha kooxda  Valencia Marcelino Garcia Torral ayaa dhaawacmay isagoo u dabaaldegaya goolkiisii seddexaad ee kulankii Real Sociedad wareegii lixaad ee horyaalka Spain.

Daqiiqdii 85aad  ee ciyaarta ayaa Simone Zaza ayaa gool u dhaliyay Valencia natiijadaas oo ciyaarta oo maraysay barbaro labada kooxood ka dhigtay mid ay ku horeyso Kooxda Valencia  ciyaartoyda iyo shaqaalaha farsamada ayaa intii ay  goolka qaaliga ah u dabaal degayeen ayaa tababare Marcelino ayaa waxa Booday Muruq, laakiin wuu sii watay daqiiqadihii ciyaarta u dhinaa isaga oo  dhutinaya marna uu iska fadhiyay isaga  oo haya halka muruq ka booday.

 

Valencia ayaa ku garaacday Real Sociedad 3-2.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso