Boqorka Sacuudi Carabiya Oo soo saaray amar taariikhi ah oo u oggolaanaya dumarka in ay Kaxeeyaan baabuurta


Boqor Salman Bin Abdul Aziz Al Saud ayaa soo saaray Amar ah in la siiyo Haweenka Sacuudi Carabiya liisanka wadida gawaadhida.

Waxa la soo saaray Qodob Sharci oo Gaadiidka iyo wada marista ah oo ay ku jiraan soo saarista liisanka wadista una siman yihiin lab iyo dhedigba.

Guddi sare oo ka kooban wasaaradaha arrimaha gudaha, maaliyadda, hormarinta shaqada iyo bulshada ayaa loo saaray si ay u dardar geliyaan qorshaha lagu fulinayo arrintan.

Guddigu wuxuu soo jeedin doonaa talooyinkooda 30 maalmood gudahood laga bilaabo taariikhdiisa iyo fulintiisa laga bilaabo 10/10 / 1439H iyo sida uu qabo Sharciyada iyo xeer nidaamiyaha la ansixiyay.

Sacuudi Carabiya ayaa ah waa waddanka kaliya ee adduunka ay mamnuuca ka tahay inay haweenku kaxeeyaan gawaadhida.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso