Joojinta Dabbaaldegga 18ka May Waa Khalad-Iyadoo Muqdisho Dagaal Diblomasiya Oo Cusub Dardar Gelisay.

Joojinta Dabbaaldegga 18ka May Waa Khalad-Iyadoo Muqdisho Dagaal Diblomasiya Oo Cusub Dardar Gelisay.

(Rasheed A Meigag Samater).

Waxa dhowaanahan isa soo taraya dagaalka diblomasiyadeed ee dawladda cusub ee Muqdisho sida badheedhka ah u soo dardar gelisay muddadii yarayd ee maamulka la wareegeen.

Waxaynu marar badan maqalnay, Xukuumadd Somaliland oo ku celcelinaysa siday diyaar ugu yihiin wada-hadallo ay la galaan Muqdisho, hase yeeshee mar keliya illaa intay jirtey Xukuumadda Muqdisho ka dhalatay 8th Feberuary 2017 lagama maqal jawaab sugan oo ay ku soo dhowaynayso wada-hadaladaasi, kuwii ka horreeyay ee la wada galayna waxba kama soo bixin, qodobadii la isla meel dhigayna Muqdisho way jebiyeen meelmarintooda.

 Waxa iyana xusid mudan, in Madaxda Muqdisho ay si cad u qirteen in ay dawladda Sucuudiga weydiisteen joojinta heshiisyo ay xukuumadda Somaliland ku faraxsanayd oo ay la galeen dawladda Imaaradka, hase yeeshee Xukuumadda Somaliland marnaba may soo qaadin tallaabadaa iyo xasadka badheedhka ah (Waa Sax/khalad shacabkeenu haba ku kala fikrad duwanaadeene).

Waxa isna jira Shir dhaqaale urursi ka mid yahay oo London lagu qabanayo 11ka bishan May, oo intii xukuumaddan cusub ee Muqdisho dhalatay lagu dhawaaqay in Somaliland laga reebayo – inkastoo anigu fikir ahaanba aan u arkayay in Xukuumadda Somaliland horeba u go’aansato diidmada shirkaasi – iyo inay ka mid noqoto maamullada federaalka/goboleedyada loogu yeedhay ka qayb galka shirkaas, oo madaxdeennuna safka la soo fadhiistaan.

Waxa kale oo shacabka iyo xukamadda S/Land aan midna ka qarsoonayn in Xukuumadda Cusub ee Muqdisho ay dawlado dhawr ah, oo Turkiga iyo Ingriiskuba ka mid yihiin ka helayso hub iyo dhisme ciidan oo xoog leh, oo lagu hanto wixii la isku odhan jirey Somalia, sida la sheegayna lagu sugi doono midnimadii burburtay, kuwaasoo siday shaaciyeen madaxda Muqdisho, magaalada Buuhoodle oo dalkeenna ah laga dhisi doono.Waxa la yaab ah inaan Xukuumadda iyo Xisbiyada qaranku aanay si waafiya uga hadal khatartaasi.

Ku darso oo Safarkii uu Madaxweynaha Muqdisho ku tegey Addis-Ababa dhawr cisho horteed, waxa ka soo baxay oo labada hoggaamiye ee shirey shaaciyeen, in Ethiopia iyo Somalia uu dhex maray heshiisyo cusub oo ay ka mid yihiin in Addis-Ababa  joojiso dhammaan xidhiidhka iyo heshiisyada aanay ansixin Xukuumadda Federaalka Muqdisho ee Ethiopia la leedahay Maamulada ka dhisan xuduudihii la isku odhan jirey Somalia, waxana si gaara loo carrabbaabay xidhiidhka Ethiopia iyo Somaliland iyo in Ethiopia aanay aqbalin in dalkeeda lagu soo galo Baasaboorka Somaliland ee aanay Xukuumadda Muqdisho bixinin.(Heshiiskan ayaa si cad ii xusuusiyay una eg Heshiiskii uu General Siyad Barre la galay Mengise H Marium sanadkii 1988kii eek u saabsanaa halgankii SNM).

  Waxa haddaba yaab iyo amankaag ah, waxaasoo dagaal cusub ah oo soo shaacbaxaya muddooyinkan, in xukuumadda Somaaliland iyadoo sabab uga dhigaysa abaaraha ka dhacay dalka ay ku baaqdo in la joojiyo dareenkii shacabka ee kaga aaddanaa dabbaaldegyada 18 May 2017. Dabbaaldegyada maalintani ayaa sannad walba u ah shacabka Somaliland ee dalka gudihiisa iyo kuwa ku filiqsan daafaha caalamkaba, dareen ay ku cabbiraan kalsoonidooda waddaninimo iyo sida aanay marnaba uga niyad jabayn, goonni isu taagga Somaliland iyo in mar kale S/Land ka mid noqoto waddamada caalamka.

Waxa iyana yaabka kale ah in dad aynu cilmi iyo garasho bidaynnay oo reer Somaliland ah, si weynna looga qaddariyo dalka,  sida Prof. Bulxan, ay si badheedh ah u soo bandhigaan in ay Muqdisho u tegayaan inay uga soo ololeeyaan goonni isu taagga Somaliland, hubaalna ay daba taallo in Muwaadiniinta Muqdisho iyaguna iman karraan Somaliland si ay shacabka ugu qanciyaan in laga noqdo gooni isu taagga Somaliland.Waxa is-weyddiin leh safarradani maxay soo kordhin karaan oo laga filiayaa? Aniga, iyo in dad badaniba waxanu qabnaa, in fikirka Prof. Bulxan iyo wada hadallada Muqdisho iyo xukuumaddaba, yihiin kuwo dhaawac ku ah Qaranimada Somaliland oo marnaba aan laga dhaxli doonin madaxda iyo shacabka Muqdisho oo Barakaysa gooni isu taagga S/Land, iyo xuquuqda shacabkan S/Land oo la soo noqda xornimadoodii dawladnimo ee ay haligtay midnimo iyo Somali jacaylkii sannadkii lixdankii.

Isku soo wada xoori, oo arrimahan iyo dhacdooyin badan oo kale oo isa soo tarayaaba waxay dhammaantood halis cusub ku yihiin Qaranimada Somaliland – waana in si feejigan loo waajaho. Waxana hubaal ah in joojinta farxadda 18ka May 2017 – ay ku biirayso miisaanka dagaalka cusub ee la isugu kaashanayo waxyeellada qaranimada Somaliland – waxana habboon in xataa haddaanay xukuumaddu oggolayn kharash kaga baxa munaasabaddan, ay dhiirri geliso shacabka inuu si mug leh u soo bandhigo dareenkooda waddaninimo maalintaas 18 May 2017.

Rasheed Ali Meigag Samater

(Hoggaamiyaha Jaaliyadda Somalida W. London)

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso